Deg-Deg Maxakamada Sare Somaliland Oo Xukun Hadda Kasoo Saartay Dacwadii Xisbiga Ucid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Deg-Deg Maxakamada Sare Somaliland Oo Xukun Hadda Kasoo Saartay Dacwadii Xisbiga Ucid
September 25, 2016 - Written by Editor:

Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa waxaa ay saaka go,aamo ka soo saartey khilaafkii xisbiga UCID ee labada garab u kala jabiyey .

 

Maxkamadu waxaa ay go,aamisay in xisbigu mudoo  60 cisho gudaheed ah oo maanta ka bilaabmata uu ku qabsado shir weyne aan caadi aheyn , isla markaana ergada shir weynaha loo raaci doono xeerka xisbiga .

Dhinca maxkamada ayaa waxaa ay sheegtay in gudida qaban qaabada shirweynahas oo ka koobanan doona 10 qof ay kala qaadan doonan min shan xubnood waxaana marjac u noqon doona hogaanka sare ee xisbiga UCID

Sidoo kale waxaa ay maxkamadu burisayo qodobo ka mid ah go,aamadii gudida  diwaangalinta ururada siyaasigu ka soo saartey khilaafka xisbigan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
LINKS