Siyaasi Cabdi Muxumed Baadil (Cabdi Biid Oo Shaaciyay In Uu u Taagan Yahay Murashixiinta Golaha Wakiilada Ee Doorashada Soo Socota.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cabdi Muxumed Baadil (Cabdi Biid Oo Shaaciyay In Uu u Taagan Yahay Murashixiinta Golaha Wakiilada Ee Doorashada Soo Socota..
September 25, 2016 - Written by Editor:

KALABAYDH(W.N)  Shir baaladhan  oo ay iskugu yimaadeen beesha jufada Siyaasi Cabdi Muxumed Baadil (Cabdi biid) kaasi oo ay kasoo qaybgaleen madax dhaqameed,waxgarad Aqoonyahanka, iyo siyaasiyiinta beesha ismarkaana ka dhacay Gobolka Gabiley gaar ahaan Magaalada Kalabadhay ayaa Is xogwaraysi arimaha beesha ah kadib waxaa goobtaasi  kaga dhawaaqay in uu utaagan yahay murashaxiinta u tartamaysa  Doorashada Golaha Wakiilada ee inagu Soo foole Cabdi Muxumed Baadil (Cabdi biid)  oo kamida siyaasiyiinta miisaanka culusku kun leh Gobolka Gabiley halkaasi oo ay badi waxgaradka iyo madax dhaqameedka beeshu kusoo dhaweeyeen gacmo furan

CABDI BIID

dhanka kale madashan oo ahayd mid kulmisay badi haldoorka beesha waxaa goobta joog ka ahaa kana dhex muuqday Siyaasiga Abiib Diriye Nuur (Abiib Tima cad) oo mudo kusoo jiray siyaasiyiinta gobolka gabiley iyo guud ahaan somaliland.

isku soo wada duub oo  shirkan ayaa kusoo dhamaaday  jawi  degan  kaasi oo lafo gur iyo isku duubnaan lagu dhameeyay arimo badan oo beeshu iskugu timid.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

COMMENTS
LINKS