Wadaadka & Fanaanka W/Q Najib Aidid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wadaadka & Fanaanka W/Q Najib Aidid.
September 25, 2016 - Written by Wariye:

Bulsho walbana inta wadaadkoodu iyo fanaankoodu fiiro dheeryahay baytallaabo dheeryihiin. Burburka ku dhacay fanka soomaalida oo Mar jawharad soo baxday

Wadaadka iyo fannaanku labaduba doorweyn bay ku leeyihiin Kobcinta Garaadka bulshada, wadaniyada, meel fog wax ka eega, baraarujinta khataraha iyo wacyigelinta ruuxiga ah, ku darsoo weliba qodobadaa badankooda fanaankaa iska leh. Fanaanka & wadaadkuba mid kastaa taageerayaashiisa wahabka iyo caajiskuu ka qaadaa, hye hadana midba kan kale lama tuso, ismana ogola, fanaanku maaha kuwan isruxa uun, nin walboo suugaanta qayb un kayaqaan waa fannaan wuxuu ku shaqaystaana waa fan & suugaan. Fan markaad maqasho muusig maahee ka sal balaadhan.

Fannaan wadaadwaa tiir dhexaadka bulshada la’aantoodna waa abaar.

Bulsho walbana inta wadaadkoodu iyo fanaankoodu fiiro dheeryahay baytallaabo dheeryihiin. Burburka ku dhacay fanka soomaalida oo Mar jawharad soo baxday u ahaa gobolka geeska Afrika Iyo hoos udhaca ku habsaday wadaadii

suufiyadu waxay kamidyihiin sababaha dhaliyey dibudhaca soomaalida kuyimi,welina ma muuqdo cid buuxisay doorkoodii wacigalineed. badalkoodiina soomaalidu waxaa usoo baxay fanaanad qaawan Iyo wadaad isqarxinaaya oo soomaalinimada astaan khaldan kabixiyey.

Najib Aidid <najiib2012@gmail.com

COMMENTS
LINKS