Ka fikir Aakhiradaada!!!! (Sheeko Gaaban oo ku cibro qaadasho leh) W/Q: Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ka fikir Aakhiradaada!!!! (Sheeko Gaaban oo ku cibro qaadasho leh) W/Q: Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale).
September 25, 2016 - Written by Wariye:

Iyadu waxay ahayd qof garanaysa waxan ay samaynaysaa inuu danbi yahay, haddana waxa ka awood batay shaydaankii iyo hawadii shabaabnimo

Waxay ahayd gabadh aad iyo aad u qurux badan oo Alle joogeeda iyo jaaheedaba dhammeeyey, waxaana ay ku jirtay xilligii ugu quruxda badnaa uguna wanaagsan waqti qof Aduunyada jiro oo ahayd waqtiga dhallinyarnimada; waxa ka awood waynaatay hawadii shabaabnimada oo may ahayn qof xaga cibaadada ku wanaagsan, xidhiidhka Allena may ahayn qof xoojiya. Xusuusta ay xasuusato Allihii abuurayna way ku yarayd.

Intaas waxa u dheeraa hab labiskeeda oo ahaa mid aan wanaagsanayn, oo jidhkeeda qayb ka mid ah waa laga dhex arki jiray dharka ay xidhato. Jaamacada markay ay tagayso waxa ay u sii labisan jirtay sidii oo ay aroos tagayso, wiilasha ay isku fasalka yihiin iyo dhammaan dadka

kale ee indhaha ku dhuftaa waxay iskugu jireen kuwo hoosta ka nacdala iyo kuwo ku raaxaystaba daawashada jidhkan ay cidlada ka heleen oo indhahooga ugu raaxeeya.

Iyadu waxay ahayd qof garanaysa waxan ay samaynaysaa inuu danbi yahay, haddana waxa ka awood batay shaydaankii iyo hawadii shabaabnimo; oo waxaabay istareex ku ahayd raggan ku mashquulaya jidhkeeda, iyada oo isku qancisay inay ku soo jiidan karto habdhaqankan ninkii ay oori u noqon lahayd!.

Akoownka ay ku leedahay baraha bulshada, waxay ka buuxisay sawiro aan asturnayn oo dharka ay xidhantahayba mararka qaarkood jidhkeeda caadi looga dhex arkayo, umanay aabo yeeli jirin sawirada ee maalin walba 5 sawir ayay soo dhigi jirtay; iyada oo rabta kaliyaata inay ku soo jiidato rag badan asxaab badana ku hanato sidoo kalena quruxdeeda ku soo bandhigto.

Isla marka ay sidaas u soo dhigto sawir markiiba waxa (Like iyo Comment) kula yaaci jiray rag intii u akhlaaq liidatay uguna Iimaanka xumayd, oo ka buuxin jiray sawrika ereyo inanta ku sii dhiirigalinaya xumaantan ay wado oo ay ka mid yihiin ( Masha Allah, waad qurux badantahay, Quruxleyda xageed ku nooshahay iyo waan kaa helay ee numberkaaga i sii.), hadaladaas oo qalbigeeda ku sii ridi jiray dhiiranaan ah inay xumaanta ku sii jirto sidoo kalena isku qanciso inay sidani wanaagsantahay; Aakhiradeediina ilowdo iyo in Aduunku yahay wax aan laysku halayn karin oo maalin aanay ogayn ka tagi doonto. Waxay ilowday xanuunka sakaraatul mawdka, Xisaabta danbaysa iyo xaq darrada ay ku sugantahay.

Wax uu waqtigu is guro waxay maalin maalmaha ka mid ah ay baxday safar iyada iyo hablo ay saaxiibo yihiin, waxaana wehelinayay wiilal fara badan oo dhaqan xun, qosolka, farako ciyaarka, heesaha la dhagaysanayo, jaaska, iyo kaftanka aan xadka lahayn ee ka dhex dhacaya gaadhiga ay la socdaan xad ma leh!!.

Waxa mar kaliya indhaha ku dhuftay dirawalkii gaadhiga waday, gaadhi kale oo ka soo baxay haadkiisii kuna soo beegan dhankooda!!!………JIQIIQ….DAM..!!!. Qaylo dheer iyo argagax ka dib gaadhigii ayaa galay gaadhigii kale…. Dhiiga qulqulaya, iyo maydka hilbahoodu is dhex daadsanyahay, naxdinbaa ku dilaysa!!!!!

Miriro ka dib waa mayd inantii farxada iyo raynraynta mooganaanta ah ku jirtay, hilbaheedii waxa loo soo qaaday xagaas iyo dhakhtarkii ugu dhawaa ee magaalada, isla saacado ka dibna Hoygeedii xaqa ahaa ayaa la geeyey. Asxaabteedii markiiba waxay u soo post gareeyeen Alle ha u naxariisto, kuwii ugu dhawaa waxay aahaayeen kuwo iyaga oo ilmaynaya ku soo qorayay Wall-keeda tacsida…. MAANTA laga bilaabo xisaab ayaa u bilaabantay, qof walba oo booqda Boggay Ku lahayd Baraha Bulshadu wuxuu arkaa sawiradeedii oo aanay indhuhu ku siin karin, qaar ka mid ah asxaabteedu waxaabay soo share gareeyaan sawiradeedii oo ay dadka la wadaagaan iyagoo leh u duceeya, maanta wax walba way joogsadeen, sawiradii iyo hadaladii aan macnaha lahayn ee ay soo qori jirtay, imika xisaab ayaa u bilaabmaysa…. meeyeen sawiradii qaawanaa, way ka hadheen oo wali waxay ku jiraan Akownadeedii….qofkii booqdaana indhuhuu ku dhufanayaa. Qalbi xanuun waynaa oo danbi badanaa!!

Inantaasi waligeed may arag wiil ku yidhaahda is astur mid amaana mooyaane!!!

Qof walba oo garanayaa wuu ka nixi jiray markuu booqdo akownadeedii isagoo garanaya danbigay leedahay arintaasi..!!!

Ogsoonoow haddaba dulucda sheekadani waxay isugu soo ururaysaa, maanta kalmad kasta iyo sawir kasta oo aad meel dhigto waa mid lagaa xisaabin doono maalinta Qiyaame; ka feejignoow in aad dad fitnada u horseedo oo aad adigu u bilowdo. Walaashayeey jidhkaaga asturo wax walba maalin ayay joogsan doonaan wall-kaagasina kugu noqon doonaa markhaatiye, wiilasha comment-ka ka bixiya ama se Like-ta saarana ha ka taxadiraan inay gabadh walashood oo kale ah danbiga sii galiyaan, waa inay iyagu ka qabtaan.

Danbigaad maanta samaysaa waa mid kuu yaala Godkaaga Qabriga, ka fikir Aakhiro wax walba oo aad qabanayso, macmacaanka gaaban iyo dhaldhalaalka dunida ee gaabanina yuu ku hodin, ma ogid waqti aad ka tagaysee. Dhallinyarnimana maaha macnaheedu in aanad dhimanayn, mar walba in aad dhimato waa suurto gal. Ma joojin kartid wadka laakiin waxaad joojin kartaa danbiyada.

Mobile: 0634410163

COMMENTS
LINKS