Saddex Qodob Oo Muhiim U Ah In Aad Noloshaada Ku Dabaqdo!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saddex Qodob Oo Muhiim U Ah In Aad Noloshaada Ku Dabaqdo!.
September 25, 2016 - Written by Wariye:

Bal u fiirso mar kasta oo aad goyso xidhiidhka adiga iyo Alle idinka dhexeeya si fiicana u gudan waydo waajibkaas Diiniga ah ee Alle ku saaray

1: Cibaado:In aad caabudo Illaahay xidhiidh joogto ahna la samayso adigoo fulinaya waajibka guud ee Alle wada saaray dhammaan JInka iyo Insiga; kaas oo ciddii ka soo baxda Illaahay u balan qaaday inuu badhaadhayo If iyo Aakhiraba.

Bal u fiirso mar kasta oo aad goyso xidhiidhka adiga iyo Alle idinka dhexeeya si fiicana u gudan waydo waajibkaas Diiniga ah ee Alle ku saaray, waxa aad dareentaa daganaansho la’aan Ruuxiya, taas oo saamayn wayn ku

yeelata Qalbigaaga iyo dhammaan hab nololeedkaagaba.

Sidoo kale waxa aad barbar dhigta marka aad si fiican u gudato waajibaadkaaga Diiniga ah ee aad xoojiso xidhiidhka adiga iyo Alle idinka dhexeeya; Ruuxdaadu waxay dareentaa dagganan, qalbigaaguna wuxuu noqdaa mid uu ka buuxo kalsooni nololeed iyo daacadnimo aan walwal lahayn.

2: Xakamee Dareenkaaga: Qofba qofka uu ka xakamayn ogyahay dareenkiisa ayuu noloshana kaga hormarsanyahay; si kasta oo aad u caqli badantahay haddii uu dareenkaagu yahay mid adiga ku hogaamiya waxa aad noqonaysaa mid mar walba ku jira xaalad is qoomamayn. Farxaddaada, Jacaylkaaga, Nacaybkaaga, Murugadaada, Cadhadaada iyo hab dhaqankaaga nololeedba gacanta ku hay oo u yeel xakame iyo xad u dajisan.

Tusaale ahaan baryahan danbe waxyaalaha ugu wayn ee ay tiknoolojiyadu ina bartaya ayaa ah in aynu noqono dad aan xakamayn dareenkooda oo wax walba la wadaaga dadyowga ay kula kulmeen isla Baraha Bulshada. waxa aad baranaysaa qofkaasi maalinta uu murugaysan yahay, Farxsanyahay, cadhaysanyahay, cunto fiican uu cunay, xidhiidh jacayl uu samaystay ama uu ka burburay xidhiidh qoys. kuwaas oo dhammaantood ah arimo shaqsi ah oo qofka xaaladiisa gudeed lagula socon karo.
Barta aad ku leedahay Baraha Bulshadu yay noqon meel aad ku cabirto dareenkaaga shaqsiyeed iyo noloshaada kuu gaar ah; ee dadyowga kugula rafiiqay u faa’idee wax khayr leh oo anfaca.

3: Noloshaada wax cusub ku soo dar: Haddii ay noloshu tahay mid aan isbadal lahayn, waxa hubaal ah inay ahaan lahayd mid qof walba ku dhamaysto isaga oo ka caajisay; laakiin noloshu waa mid wajiyo badan oo waayaheeda iyo wacdaraheeda wadata, kuwaas oo dhadhan u samaynaya qaab nololeedka Bini’aadamka.

Haddaba haddii ay noloshaadu noqoto mid aan isbadal lahayn waxa hubaal ah in aad noqonayso qof ka niyad jaba nolosha oo ay macne u samayn waydo; ku dadaal in uu gabbalku kuu dhaco adiga oo ugu yaraan faa’iday hal xaraf ama hal khibrad oo aad ka baratay dhacdooyin maalmeedkaagii.

Dhacooyinka iyo khibarahuhu waa kuwo aad maalin walba la kulanto se aanad dareensanayn oo aad dhaadantahay.

Masuuliyada noloshaada adigu dusha saaro, cidna ha ku halayn.

Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale)

Mobile: 0634410163

COMMENTS
LINKS