Tolow Maxaan Soomaalida Uga Waayay Qof kaliya oo Iiga soo Jawaaba sSiraha uu Maqaalkani Xambaarsan yahay mudo 20 Bilood ka bacdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tolow Maxaan Soomaalida Uga Waayay Qof kaliya oo Iiga soo Jawaaba sSiraha uu Maqaalkani Xambaarsan yahay mudo 20 Bilood ka bacdi
September 25, 2016 - Written by Editor:

Tolow Maxaan Soomaalida Uga Waayay Qof kaliya oo Iiga soo Jawaaba sSiraha uu Maqaalkani Xambaarsan yahay mudo 20 Bilood ka bacdi Markii aan u soo bandhigay bulshoweynta ee wali sugayo,mise aniga aya gucdur gudaaya! ama aniga ayaa waalan oo cadan ba laga heesaya!

SOOMAALIDU WAXAY TIDHAAHDAA COLKA WADHAF MALAGU DAYAY! YAA IMIKABA LA KACAYA OO KASOO JAWAABAYA OO HAF KA SIInaya 100 $ oo MUDDO 72 SAACADOOD GUDO HOOD kaga soo jawaabaya?

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email: sulub2007@yahoo.com

Abwaanada suugaanta tiriya ee  bulshada u gudbiya aragtidooda iyo dareenkoodu waxay suugaantoodu xambaarsan tahay cilmi iyo aragti fog, waxaanay sii saadaaliyaan waxyaalaha dhici doona iyagoo tilmaan ka qaadanaya waxa jooga. Haddaad dhinaca kale ka eegtana fariimaha ay dirayaan waxa ku  duugan waxyaalo badan oo cajiib ah, iyagoo siyaabo kala duwan  wax u soo gudbiya, islamarkana aad iyo aad ula la yaabayso miisaanka iyo macnaha ay xambaarsan yihiin qaarkood. Waxaana habboon bulshada wakhti walba joogta inay cabirto, oo ay kasoo saaraan suugaantaas cilmi iyo aqoon dhinacyo badan leh. Waxaana aynu la soconaa ummadaha aynu  nidhaahno hore ayey u mareen, inay ka dhigaan jaaamacadahooda waxyaalihii iyo suugaantii soo jireenka ahaa iyagoo cilmi iyo  aqoon durugsan ka raadiya ama ku dabaqaya, si loo toosiyo jiilka kolba jooga iyo in la tilmaamo lana tuso waxa loola jeedo. Sidaa daraadeed, waxaan u soo gudbinayaaa bulshada maanso uu tiriyey abwaan caan ahi, waxaana aan ka codsanya in loo baahan yahay in laga jawaabo su’aalahan:-

hel

Sheeg abwaanka tiriyey maansadan laga soo qaatay baydadka hoos ku koran, adigoo sidoo kale lasoo baxaya baydadka maansada dhexdeeda oo laga helkaro ?

Kala soo bax maansada wakhtigii uu dhashay abwaankii tiriyey, adigoo ka dhex baadhaya maansada xisaab ahaan iyo sida aad ku heshay?

Waxaad sheegtaa magaca maansadan, adigoo kala soo baxaya baydadka maansada sheegna sidaad ku soo saartay?

Sidaasoo kale waxaad ka soo sarta 19 arrimood oo uu abwaanku sii saadaaliyey, wakhtigii lagu jiray halgankii dibu-xoraynta, oo la wada arkay, xaqiiqna noqdey?

Waxaad sheegtaa wakhtigii la tiriyey maansadan, adigoo adeegsanaya maansada, waxaanad sheegtaaa sidaad kusoo saartay?

Waxaad sheegtaa macnaha uu xambaarsan tahay maansadani iyo dareenka ay dadku ka qaateen wakhtigii ay soo baxdey iyo maanta micnaha laga dhuuxi karo?

Waxaad ka soo saarta inta qaafiyadood ee gobolkan maansada ee hoos ku qoran ee ku jira.Sidoo kale qaafiyadaha adag mid walba keen tu u dhiganta macnawiyan oo lagu badalan karo?

Waxa kale oo aad ka soo saarta inta shaqal dheer ku jirta maansadan iyo sababta  uu u doortahay abwaanku kalmadahaasi?

Waxa kale oo aad sheegtaa 13 arrimood oo lagala soo baxayo qeybtan maansada hoos  ku qoran oo iyaguna sheegaya xaalado kala duwan oo uu qariyey abwaanku?

Waxaad sheegtaa dareenka iyo maskaxda uu  saacadda uu tirinayey abwaanku ku sugnaa, adigoo ka dhex  dheeganaya qeybtan maansada?

Waxaad sheegtaa cidda ay maansadu ku socotay iyo siday u turjunteen iyo mahadhada ay ku reebtay wakhtigaasi la joogay?

Waxaad sheegtaa maansada guud ahaan inta bayd ee uu ka kooban yahay?

Waxaad sheegtaa abwaanka tiriyey iyo goobta uu joogay?

Dusduskay ku dheregtee
Haddaan daalku dheeraan
Gabbal baas u dumin nabad
Nin dalleensi lagu cunay
Haddaan guuto loo dilin
Dakharkiiba toban noqon
Nin kastoo dun iga qaba
Haddaan daab-cad lala dhicin
Jannnada durduurta ah
Haddaan daadku soo qubin
Aqalada derbiga dheer
Haddaan daaqad laga gelin
Ninka dabin ka boodka ah
Haddaan diirad lagu helin
Haddaan duubka gogoshiyo
Lagu dhuuman dalowyada
Haddaan shaashka derejada
Dallacaada laga nixin
Dar Allay u kibirtee
Haddaan iilka lagu degin
Haddaan meydku duurkiyo
Derimaha ka fara badan
Sanqadha dabayshiyo
Haddaan fiinta laga didin
Fadhigay ku daaqdee
Haddaan soodhku dalandalin
Halka doobi lala maro
Haddaan raacdo daba gurin
Dacfalaanka mahaddiyo
Dardarsiga barwaaqada
Iyo doosha subbaga leh
Haddaan laysu dacarayn
Inta daran inta ka sii daran
Haddan duulal lagu falin
Haddaan deebta gumuciyo
Lagu guban dabka aan shido
Duhur laysla wada jiro
Haddaan guusha lay deyn
Alley-lehe docdaydii
Ha Goblamo dad weynuhu.

Fiiro gaara: qofka 13-ka su’aalood dhamaystira jawaabahooda iyadoo xisaab iyo xikmad ku fadhida keena waxa la siin doonaa abaalmarin lacageed oo dhan $ 100 US Dollars muddo 72 saacadood gudahood ahlaga bilaabo maalinta isniinta ah ee barrito taariikhdu tahay 26/9/2016 saacada 8:00 subax nimo wuxuna wakhtihgaas ku eg yahay   28/9/2016 8:00 subaxnimo.  15 jir iyo ka sii sareeya ilaa 100 jir ayaa tartamaya. waxaanad ku soo dirtaa sulub2007@yahoo.com oo kaliya NO telephone.  Waxana shardi ah in dhamaan suaalaha halkaa sareku xusan laga soo wada jawaabo. Waxana lagaga soo jawaabayaa shaksi shakhsi rag iyo dumar ba,loonanama bahna hadal badan iyo  aar dheer ee jawaab kooban oo waafi ah.

Ujeedada aan ka leeyahay waxa weeyi  u hiilinta suugaanteena iyo abwaanadeena aynu maaxinaynay qarniyo badan. Waxana ujeedada kareeban wax kasti oo kale oon ahay in laygaga daydo.isalamarkaasna da yarta la dhan

Dhansiiyo qiimaha,macaanka suugaanteenu Leedahay,iyo in Alleh naceb yahay  Dulinka nooco doono ha noqdee ,kuwa dulmina uu sida uu doono u gargaaro.Waxaana Alleh ka baryaya abwaanka tiriyay gabaygan oo  imika xanuunsanaya in Alleh shafiyo.

Rashiid Sulub Caalin

sulub2007@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS