War Deg-Dega-Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminaayo Oo Caawa Fiidkii Diyaarad Khaasa ka Raacay Madaarka Egal International Airport Iyagoo U Safray Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega-Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminaayo Oo Caawa Fiidkii Diyaarad Khaasa ka Raacay Madaarka Egal International Airport Iyagoo U Safray Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska
September 26, 2016 - Written by Editor:

Hargeisa(WN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta 26.9.2016 (6: 12, Saacadda Hargeysa) safar-hawleed ugu kicitimay dalalka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ingiriiska (UK). Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey Marwada koowaad ee Qaranka Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah (haddii Allah Idmo) wuxuu daaran yahay dar-dargelinta hawlo Qarankeena muhiim u ah oo inaga dhexeeya Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London (Bi Idmillah).

DSC_0009

DSC_0009 (1)

DSC_0004

DSC_0002
ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Press release:

H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo and entourage today flew out of the country headed to the UAE and UK for a working visit.

During his stay in Dubai, the President will discuss with UAE officials ways to strengthen existing cordial relations between the two brotherly nations and also how to expand cooperation in longstanding economic, development and other matters of mutual interest.

The Somaliland delegation led by H.E President Ahmed Mohamed Mahmoud Silanyo will then proceed to the UK where they shall have similar meetings with UK officials.

The President is accompanied by the First Lady Amina Sheik Mohamed Jirde,Dr. Saad Ali Shire,Minister of Foreign Affairs, Hon Mahmoud Abdi Hashi, Minister of Presidential Affairs, and Hon Muse Bihi Abdi , Chairman of the Ruling Party(KULMIYE)

Hussein Adan Igeh (Deyr)
The Official Spokesman for the President of Somaliland.

COMMENTS
LINKS