WAJAALE NEWS

Maxamed Kaahin Muxuu Ka Ogaa Dhulka Muuse Biixi Ku Haysto Ilma Cabdilaahi Jire Ducaale?

Waxa la yidhi meeshuu ilaahey rogayo Muuse Biixi oo kale ayaa murashax ka Noqda. Muuse Biixi wuxuu maalin dhaweyd si Awood sheegasho ka jirto isku Deyey inuu ku dhisto dhul uu lahaan Jirey AHN Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale, hase yeeshee kumuu guuleysen Ka dib markay dad badani ka hor Yimaadeen isla markaana shaqaalihii iyo Sheewashii uu wetey dib uuga noqdeen, Dhulka ilma Cabdilaahi Jire Ducaale Wuxuu ku yaalaa meel ka dambaysa Huteelka guuleed, waxaanu dhanka Galbeed kaga toosan yahay guriga uu Degen yahay Muuse Biixi.


AHN Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale Wuxuu ahaan jirey wasiirkii maaliyada ee Dawladii AHN Marxuum Cigaal ee la Inqilaabay sanadkii 1969, isla markaana Marxuum Cabdilaahi Jire wuxuu ka mid Ahaa wasiiradii kacaanku xabsiga u Taxaabay kalana wareegey hantidii ay Lahaayeen, waxaana hantida Marxuum Cabdilaahi Jire lagala wareegey xiligaa ka Mid ahaa dhulkan.

AHN Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale Dhawr sanadood ka dib ayaa la sii Daayey isla markaana sanadkii 1979 Ayaa loo celiyey hantidii lagala wareegey Oo dhulkani ka mid Ahaa, mar aan wax ka Weydiiyey Cabdi Cabdilaahi Jire dhulkan Waxa uu ka ogyahay wuxuu ii sheegey Sanadkii (1981) taliyihii ciidamada Qaranka ee gobolka waqooyi galbeed la Odhan jirey Mr Sarxaan uu damcay inuu Qayb ka mida ka qaado dhulkan, Waxaanu Cabdi Cabdilaahi Jire intaas Raaciyey Maxamed Kaahin oo maanta ku Xigeen u ah Muuse Biixi inuu ka mid Ahaa ragii dhex galay Mr Sarxaan iyo AHN Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale, Hadadaba akhriste arintani waxay ka Mid tahay nasiib darada iyo waxyaalaha La yaabka badan ee dalka ka jirta, Waxase lagama maarmaan in Muuse Biixi La murankiisa xaga dhulkani inuu ka Horeeyey sanadkii 1991?.

Qalinkii: Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)

Exit mobile version