Maxaa Sobob u ah Iscasilaada Gorsoorka Ee Mudooyinka Danbe Soo Noqnoqotay? Qalinkii Xasan Sheekh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Sobob u ah Iscasilaada Gorsoorka Ee Mudooyinka Danbe Soo Noqnoqotay? Qalinkii Xasan Sheekh
October 6, 2016 - Written by Editor:

Waxaa in dhawayd soon noqnoqday garsaoorayaal is casilaya

>Waa su,aale maxaa Sabab u ah?

> Waxay u badan yihiin garsoorayaashaa is casiley kaaliyayaashii hore ee xiligii gudoomiye yuusuf laga dhigay garsoorayaasha ,

> Kaaliyayaashu maxay ahaay een?  waxay ahaayeen halka uu laaluushka garsoorku Ku soo  dhaco

Waxay ahaayeen  halbeega sheeg qiimada gacanta hore iyo gacanta danbe ee laaluush

Waxay Ku sifaysnaayeen sifooyinka kaas

hadaba Garsoorkii  astaantiisu ahayd halka qalooca laga toosiyo waxa xiligii kaaliyaashaasi uu  noqday meel qalooc wax lagu kala qaato ,oo lagu kala xukumo ,waxaan xasuustaa inan yar  oo xaqii ay ku lahayd nin qabay doonaysa oo lagu yidhi 100 dolar keen imika .

Hadaba garsoorataashan iscasiley waxay Ku shaqeeyeen sidii iyagaba loogu shaqaysan jiray.

Waxaa loo kala badalay gobolada dalka waanay ka biyo diideen badalkaasi.

Waxaanay damceen in ay joogaan meelahoodii hore

 

> Iscailaadahani waxay Marag cad u yihiin  in garsoorkii wax weyn laga badalay oo uu u shaqaynayo sidii toosnayd ee lagu dhaariyey

> Waxaan u balan qaadaynaa hadii aanu nahay culimada wadanka in aan la shaqayno garsoorka cadaalada  ka bilaabay garsoorka dhexdiisa

waxaan Ku boorinaynaa gudoomiyaha gudida cadaalada in uu hawsha halkeedaa ka sii wado.

Idanka ilaahay waad guulaysanaysaa  waad guulaysanaysaa

 

Xasan Sheekh Muxumed Warsame

Gabiley Somaliland

COMMENTS
LINKS