“Maxamed Kaahin Wuxu Been Cad Oo Qaawan ka Sheegay farogelinta Xisbigiisu Uu ku Hayo Xisbiga UCID”!! Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maxamed Kaahin Wuxu Been Cad Oo Qaawan ka Sheegay farogelinta Xisbigiisu Uu ku Hayo Xisbiga UCID”!! Muj Cali Guray.
October 6, 2016 - Written by Editor:

MUJ CALI GURAY OO LUUQAD  ADAG KAGA  JAWAABAY HADALO KASOO YEEDHAY GUDOOMIYE KUXIGEENKA XISBIGA KULMIYE.

Saaxiibkay Maxamed Kaahin ma jecli in aan u jawaabo oo aan ugu  jawaabo jawaabta uu istaahilo. Wuxu been cad oo qaawan ka sheegay farogelinta xisbigiisu uu ku hayo Xisbiga UCID iyo sidii uu u curyaamin lahaa hadii uu kari waayo in uu gebi ahaanba burburiyo wax teelo ahna uma dhiganin dagaalkina wuu socdaa hadii Alleh yidhaa guushana UCID baa leh. Annaga yaanu naga dhigin dad indho la’ oo dhego la’ oo aan godobtoodu halkay tahay garan karin. Cirro iyo WADDANI in kasta oo ka mucaarid ahaan aanay iskaayo dhinac taagin oo iska daa waxtar eh xataa aanay erayna noo odhan wax ay na yeeleen ma jirto.

MAXAMED KAAHIN IYO FAYSAL W

CALI GURAY

Maxamed Kaahin waxan leeyahay “Maxamadow Aar Nin Ganay Iyo Nin Galaday Kala Og”. Ninkii gabyayna wuxu yidhi:

NIN I LURAY NIN IGU LAADSADAY IYO NIN I LAMAANEEYAY

IYO NIMAAN LURKAYGANA JECLAYN LIBINA II DIIDAN

INTAASUU ISUGU LOOHAN YAHAY LOOLKI II XIGAYE.

CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS