Hiigsigii Siilaanyo, Hagardaamadii Muuse , Halgankii Xirsi Iyo Hogaanka Cusub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hiigsigii Siilaanyo, Hagardaamadii Muuse , Halgankii Xirsi Iyo Hogaanka Cusub.
October 12, 2016 - Written by Wariye:

Waxay ahayd 26 JUNE 2010kii markii doorashada madaxtinimada somaliland uu ku guulaystay ruugcadaagii halganka

Waxan salaamayaa saxaafada Somaliland iyo akhristayaasheeda.

Manta waxan qalinka u qaatay qormooyin taxane ah, oo aan kaga hadli doono,
1)  Waayihii uu soo maray Madaxweyne Ahmed MM Siilaanyo,mudadii uu xilka hayey,
2) Cidii mucaaradka ku ahayd,hamigiisii iyo wuxuu ka rabay Somaliland mustaqbalka inay u ekaato, iyo waxqabadkii xukuumadiisa.
3) Maxay isku jiidheen Xirsi iyo Muuse,

font-size: 13px;”> 4) Hirdankii Qarsoonaa ee Madaxtooyada mudada ka socday ujeedadiisa iyo halkuu ku danbeeyay.
5) Waxay shaqada uga tageen wasiiradii iyo madaxdii tirada badnayd.
6)Jeegaanta Kulmiye iyo halkay ku danbaynayso.
7) Musharaxa KULMIYE, cida taageersan iyo WAAYO?
8) Musharaxa WADANI , cida taageersan iyo WAAYO?
iyo qodobo badan oo kale.

Hadaba:

Waxay ahayd 26 JUNE 2010kii markii doorashada  madaxtinimada somaliland uu ku guulaystay ruugcadaagii halganka iyo siyaasada Somaliland, Hogaamiyihii SNM Gudoomiyihii mucaaradka ahaa 8da sano Ahmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).
Khibrada uu u leeyahay Siilaanyo Qaaxo iyo Jabhadii iyo mucaaradnimada Somaliland  Madaxweynuhu wuxuu watay siyaasad cad oo ah inuu isbedel sameeyo soona saaro dad hogaamiyayaal u noqda Qarankan Somaliland oo bedela duqaydii siyaasada iyo ruugcadaagii dalkan juhdiga badan soo geshay.
Wuxuu magacaabay wasiiro tiro yar, u badan dhalinyaro ah, aan siyaasada hore ugu jirin.
Wuxuu kala saaray xisbinimadii iyo Xukuumadii isagoo hadana xisbigiisa ka soo qaadanaya dhalintii firfircoonayd ee Kulmiye oo uu garabkiisa xejiyay ninkii ugu da’da yaraa Xirsi Ali X Xasan, una magacaabay boos aan hore loo aqoon oo ah Chief of Cabinet.

Madaxweynaha waxaa markiiba dawladiisii cusbayd soo food saaray cadaadis aad u badan oo ay hormuud ka yihiin Xisbigii madaxweynuhu ka soo baxay oo uu ugu horeeyo Muuse Biixi Abdi isagoo garabsanaya saxaafad u badan beeshiisa. iyago bilaabay dacaayado lidi ku ah dawlada oo ay ku diidan yihiin magacaabida cusub ee Chief of Cabinet ka.
Waxaa kaloo buuqaasi sababay inay beelaha somaliland qaarkood qawadaan wasiiradan yar ee aanay u baran iyo beelaha qaarkood oo isla tun waynaa oo aan waxba la siin, kuwii yaraan lagu tuhmayeyna loo badiyo.

Waxaa kaloo buuqaas loo soo raaciyay dagaalo abaabulan oo laga bilaabay bariga iyo Galbeedka dalka.

Dhaqaale la’aan ay ugu timi dawlada Siilaanyo xukunka, ciidamada oo mushahar la’aan ahaa mudo, deymo lagu lahaa awgeed waxaa madaxweynaha khasab ku noqotay inuu debco si aan dalku khalkhal u gelin.

Wuxuu magacaabay wasiiro badan wuxuuna galay balanqaadyo beelaha ah wuxuu bedelay Chief of cabinet kii. isagoo ka dhigay wasiirka Madaxtooyada.

Waxaana cadaatay mesha rasaastu kaga soo dhacayso madaxtooyada

Lasoco qaybaha danbe.

Jama Hiirad <hiirad@gmail.com

COMMENTS
LINKS