Maxay Salka ku Haysaa Aamusnaanta Wasiiradda Xukuumada kulmiye Ay ka Gaabsadeen Dhoolo Tuskii Garabka Isbahaysiga Iyo Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Salka ku Haysaa Aamusnaanta Wasiiradda Xukuumada kulmiye Ay ka Gaabsadeen Dhoolo Tuskii Garabka Isbahaysiga Iyo Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani!!
October 12, 2016 - Written by Editor:

Marka Aad Eegto Aamusnaanta Wasiirada Xukuumada Kulmiye Ay Ka Gaabsadeen In Ay Ka Dareen Celiyaan Dhoolo Tuskii Siyaasadeed Ee Garabkii Isbahaysiga  Kulmiye  Ugu Biireen Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani Maxay Noqonaysaa Muxaafidnimada Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye ?

Siyaasada Maanta Iyo Saadaasha Barri !!!!

Tartanka Saaxada Siyaasada ee Waqtigan waa mid ka duwan kii hore loogu yaqaanay Saaxada Siyaasada S/land waxaana Garoonada Siyaasada lagu arkayaa dhacdooyin Uguba oo hore loogu arki jirin Saaxada Siyaasada iyadoo Tartanadii u dhaxayn jiray  Xisbiyada Siyaasada S/land lagu arki jiray Tartano Weerar iyo Weerar celisa  inagoo Qormadan ku falanqayn doona faraqa wayn ee u dhexeeya hirdankii lagu arki jiray Saaxada Siyaasada S/land iyo isbadalada laga arkayo Waqtigan iyadoo Dadka Fogaan araga ah ee dhacdooyinka Siyaasada sida joogtada ula socdaa  ay iswaydiinayaan Aamusnaanta Wasiirada Xukuumada Kulmiye ay ka Gaabsadeen in ay ka hadlaan dhoolo tuska Siyaasadeed ee Xisbiga  Mucaaradka ah ee Wadani ku soo dhaweeyay Garabkii Isbadal doonka Kulmiye 10/10/2016.

ISKU HAYB

Iyadoo Aamuska Wasiirada Xukuumada Kulmiye  Dadka Fogaan Araga ah ee arimaha Siyaasada sida joogtada ah ula socdaa ay ku macnaynayaan in ay Marag cad u tahay in hoos u dhac wayni  ku yimid Taageeradii Golaha Wasiirada Xukuumada Talada haysaa la garab joogsan jireen kolba Xisbiga Talada haya ee Kuraastiisii Wasiirnimo iyo Mansabkiisii ku fadhiyaan.

Sidoo kale Dadka Arimaha Siyaasada u kuur gala waxay ku macneeyeen Aamuska iyo Gaabiska ay ka gaabsadeen  Dhoolo tuskii Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ku soo dhaweeyay Wasiiradii hore iskaga  Casiley Xukuumada Siiraanyo  in ay marag cad u tahay in Golaha Wasiirada Xukuumada Kulmiye ay ka sii jeedaan Taageeradii uu mudnaa Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi.

CIRO TO SAMSAM

Halka Qaybo ka mid ah Dadka arimaha Siyaasada u kuur galaa ay ku macneeyeen Aamuska Wasiirada Xukuumada Kulmiye ay ka Aamuseen Dhoolo tuskii Wasiiradii iyo Masuuliyiintii hore iskaga Casiley Xukuumada Kulmiye kuna biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ay Marag cad u tahay in ay Cabsi faro badan  ka qabaan Wasiirkii hore ee Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan oo mudo Shan Sanno  ahaa Wasiirkii ugu awooda badnaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo isla markaana ahaa Wasiirkii Hogaaminayay Wasiiradii iyo Masuuliyiintii ugu tirade badnaa ee mar iska wada casila.Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo maalin ku beegan 27/10/2015 .

Muddo Sannad ah ayaa laga joogaa xilligii uu hogaaminayay Wasiirkii hore ee Wasaarada  Madxtooyada Xirsi Cali X Xasan Masuuliyiintii iyo Wasiiradii ugu tirade badnaa ee mar iska wada casilay Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo iyadoo  Cabsida hadhaysay Wasiirada Waqtigan ee Xukuumada Madxwayne Siiraanyo ka Cabsoonayaan Masuulkaa aan kor kusoo xusnay lagu Xaqiijinayo in ayna marna dhicin in Wasiir kaliya ama Masuul kaliya oo ku Dhaliilo Talaabooyinkii uu isku Casiley iyo Hab Maamulkiisii,

 

dhacdooyinkan ayaa muujinaya in ay jirto wali Awood uu ku leeyahay Wasiirkii hore ee Madxtooyadu Xirsi Cali X Xasan Qasriga Madaxwayne Siiraanyo balse waxaa iswaydiin mudan Su”aalahan.

Maxaa Iska Badalay Siyaasadii Golaha Wasiirada Ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ee Ku Jihaysanayd Murashaxiinta Madxawaynaha Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka  Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye?  Suurta Gal Ma Tahay In Madaxwayne Siiraanyo  Si Toosa UTaageero Murashaxa Xisbiga Mucaaradka ee Wadani C/Raxmaan Cirro ? Ma Jiraa Wasiir Kaliya Oo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ka Tirsan Oo Ka Dareen Celiyay Dhoolo Tuskii Siyaasadeed Ee Garabka Isbahaysiga Ugu Biireen Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani ? Haday Ka Aamuseen Wasiirada Xukuumada Kulmiye Ama Ka Cabsoodeen Ama Ka Gaabsadeen In Ay Ka Dareen Celiyaan Dhoolo Tuska Siyaasadeed Ee Garabka Isbahaysiga Iyo Xisbiga Wadani Maxay  Noqonaysaa Muxaafidnimada  Xisbiga Kulmiye ?  Siday U Arkaan Madaxwayne Siiraanyo Iyo Gudoomiye Saleemaan  Dhoolo Tuska Siyaasadeed Ee Garabkii Isbahaysiga Kulmiye Ku Biireen Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani ? Muxuu Noqon Doonaa Go”aanka U Danbeeya Ee Madaxwayne Siiraanyo Iyo Gudomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud  Ee Ku Jihaysan Murashaxa Xisbiga Kulmiye ? Marka Aad Eegto Aamusnaanta Wasiirada Xukuumada Kulmiye Ee Dhoolo Tuska Garabkii Isbahaysiga Kulmiye Iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Midkuu Taageersan Yahay Madaxwayne Siiraanyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye  Iyo Murashaxa Xisbiga Wadani ? Xidhiidh Noocee Ah Ayaa Ka Dhexeeya Madaxwayne Siiraanyo Iyo Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan? Miyuu Kula Socdaa Madaxwayne Siiraanyo Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan Oo Raalibuu Ka Yahay Ku Biiritaanka Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Mise Kulama Socdo Oo Wuu diidan yahay?

wasiirka beeraha

Isku soo wada duubuu Dhacdadan Ugubka ku ahayd Saaxada Siyaasda S/land ayaa la Saadaalinayaa in Bilaha soo socda  meel  iskugu biyo shuban doonto hadii ALLE Yidhaa waa Barrito iyo Bill Danbe Ninkii Nool.

 

Akhriste Fikradaada Ka Soo Dhiibo Su “aalahan Si Aanu U Helo Ra”ayul Caamka Bulshada S/land

Qalinkii Subeer Daahir            Falanqeeye Arimaha Siyaasada    Hargaysa S/land

waryaqaan@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS