Wasiiradda Maaliyadda Oo Hormood u Noqotay Masuuliyiinta Xukuumada Siiraanyo Ee ka Gaabsaday Kaanbaynka Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Talada Ee Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiradda Maaliyadda Oo Hormood u Noqotay Masuuliyiinta Xukuumada Siiraanyo Ee ka Gaabsaday Kaanbaynka Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Talada Ee Kulmiye.
October 13, 2016 - Written by Editor:

Tan iyo Maalintii Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay Wasiirka Maaliyada  Samsam Cabdi Aadan 8/3/2015 waxaa hoos u dhac u wayni ku yimid Xidhiidhkii ka dhaxeeyay Xukuumada Kulmiye ee Madxwayne Siiraanyo Hogaamiyo  iyo Bulshada ku dhaqan Galbeedka iyo Badhtamaha Caasimada Hargaysa iyo Bulsho Waynta ku dhaqan  G/Gabiley iyadoo dawaynaha ku dhaqan Deegaanadaa aan kor ku soo xusnay ay ku jiraan xaalad Siyaasadeed oo lagu tilmaami karo Dhabano haysi iyadoo Dadka Arimaha Siyaasada sida joogtada ula socdaa ay ku tilmaameen duruufaha Siyaasadeed ee waqtigan ay ku sugan tahay Bulshada Deegaanada ku dhaqan ay tahay mid lagu tilmaami karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa   ( Hadaan Hadlo Waa Af salax Kula Dhagaygii Hadaan Aamusana Arinkaasi Sidaa Iska Badali Maayo) iyadoo maanta Bulshada ku dhaqan deegaanadaa aan kor ku soo xusnay ay si wayn u tabayaan  saamayntii Wasiiradii hore ee Maaliyadu ku lahaayeen Saaxada Siyaasada  iyo kolba Xisbiga Talada haya.

Mar kale Deegaanadan aan kor ku soo xusnay waxaa dhalasho ahaan  ka soo jeeda Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye iyadoo Dadka Arimaha  Siyaasada u kuur galaa Aaminsan yihiin in Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ay gabi ahaanba ku banaysay Kaalintii Wasiirada Maaliyadu ka buuxin jireen  Xisbiga Talada Haya ee Kursigii ugu Qaalisanaa ee Wasiirka Maaliyada ku fadhido bal aynu dib u milicsano Kaalintii Wasiiradii hore ee Maaliyadu ay ku lahaayeen Xisbigii hore ee Udub iyo Xisbiga Kulmiye .

Iyadoo Bulshada S/land ay xusuusan yihiin Kaalintii Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukuumadii Xisbigii Udub  Ambasador Xuseen Cali Ducaale Cawill oo ahaa Mishiinkii Wareejinayay Tartanadii Madaxwaynihii Hore Ee Daahir Rayaale Kaahin oo kaalin muuqata ku lahaa Kaanbaynkii  Xisbigii Udub uu iskaga Caabi jiray  Cududii Mucaaradka ahayd ee Xisbiga Kulmiye Maalina aanu Cadaadis Siyaasdeed ka dulqaadin Madaxwaynihii Hore ee Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii Udub .

Sidoo kale waxay Bulshada S/land Xasuusan yihiin Kaalintii Wasiirkii ay badashay ee Cabdi Casiis Muxumad Samaale  Kaalintii muuqatay ee uu ku lahaa Saaxada Siyaasada isagoo Xukuumada Kulmiye ka difaaci jiray Mucaarad kasta  oo kaga yimaada  Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka sidoo kale waxuu ka jawaabi jiray Dhoolo tus kasta oo Mucaaradku sameeyo isagoo Wasiirkii Hore ee Samaale ahaa Baag Adag oo dhankiisa looga soo dhicin Xukuumada Kulmiye  halkoodana ku bakhtiin jiray ciskasta oo muraacidad kala hortimaada,

Halka Maanta  Bulshada S/land iswaydiinaysaa  isbadalada laga arkayo Kaalintii ay Wasiiradii hore ee Wasaarada Maaliyadu ku lahaan jireen Saaxada Siyaasada .

Iyadoo sadex maalmood  laga joogo maalintii Dhoolo tuskii u waynaa ee ay sameeyeen Wasiiradii iyo Masuuliyiintii hore iskaga Casiley  Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo  iyo  Xisbiga Mucaaradka ah ee  Wadani waxay Dadka Arimaha Siyaasada sida joogtada ula socdaa ay filayeen in Wasiirka Maaliyada Samsam  ay hormood u noqon doonto Wasiirada u hal celinaya Dhoolo tuska Xisbiga Mucaaradk ee Wadani

Iyadoo ay sida Dayax Shan iyo Tobnaadka u muuqato in dhanka  Wasiirka Maaliyada Samsam looga soo dhacay Xukuumada Kulmiye  hoos u dhac waynina uu ku yimid Taageerayaashii Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ee Kursigiisii Wasiirnimo ee ugu Qaalisanaa ay ku fadhido .

Ugu danbayn waxay  Taariikhdu ka marag kacaysaa Ficilkii ay kaga dareen celisay Wasiir Samsam Maalintii la furay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Madaxwayne Siiraanyo ku dhawaaqay in aanu Murashax ka ahayn Xisbiga Kumiye

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan waxaa laga warsugi doonaa sida uu madaxwayne silaanyo wax uga badalo xaaladaha ku gadaaman iyo kaalinta miisaanka culus ee ku banaan xili duufaanada mucaaridku sii xoogaysanayso Marka dib loo milicsado    Kolba Xisbiga Talada haya iyo sidii ay  Wasiiradii Maaliyada ee soo maray Xukuumadihii Xisbigii Udub iyo Xukuumadii Xisbigii Kulmiye xiligii samaale  u buuxin jireen kaalintan .

 

 

Wariye Cabdiqaadir Habane

 

 

COMMENTS
LINKS