Nolol la Xasuusto; Siciid Maxamed Gees | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nolol la Xasuusto; Siciid Maxamed Gees
October 13, 2016 - Written by Editor:

“Qaraam baa i haya oo qaraxday laabtiiye

Maxaan kula qaxweeyee ninkaa qiiqayaan ahaye”

Ahlu Al-qaraam

Waxa aan ku dhashay, kuna soo koray Guri Cariisha oo ahaa halka uu hadda uu ku yaallo cuntawale la yidhaahdo Xeebsoor ee Berbera, kaas oo aan wax-ka-cunay mar aan soo booqday magaaladaas 2005-tii.

Aabbahay Maxamed Gees oo ahaa Naakhuude (Captain), ayaa ii xaqiijiyey waqtiga dhalashadayda magaalada Berbera inay ahayd 6-dii Bisha June sannadkii 1927, kadib markii Awoowgay Gees Sheekhdoon iyo Walaalkii Xasan Sheekhdoon ay bilowgii Qarnigii labatanaad iyo dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad u soo guuray magaalo-xeebeedaas Berbera.

Markii Khoriga Suways (Suwez Canal) la qoday ee la isu furay Badda Cad iyo Badda Cas (1869), ayaa magaalooyinka Xeebaha Galbeed ee Somaliland camirmeen oo dhaqdhaqaaq gaancsi dhinaca Yemen iyo Sudan ka kobcay.

Dad badan ayaa ka soo guuray xeebaha Bari oo soo degay xeebaha Galbeed sida Berbera, Bulaxaar, Tojoro, Musawac, ilaa Sawaakin (Port Sudan), Sidaas oo kale dhinaca Yemen iyo Saudi Arabia kuwii xagga dhinaca Carabta deggay waa caraboobeen, kuwii dhinaca Canfarta degay waa Canfaroobeen, kuwii Xeebaha Somaliland degay weli waa Somali oo tifiirtoodii ayaa goballada galbeed sii jirta.

Waxan ku koray Berbera oo waqtigaas ahayd caasimadda Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland; oo aan wax ku bartay madarasado ku yaalla Berbera oo macallin ii ahaa Aw Cismaan Ismaaciil Samatar. Markaan ku jiray Madarasadda Sarkaaliga ee maamulka Ingiriisku sameeyey, waxa la ii qaatay inaan ka mid noqdo arday Sudan waxbarasho loogu dirayey, haseyeeshee Aabbahay oo Xertii Sheekh Cabdillaahi Majeerteen ka mid ahaa ayaa sheekhii ku qanciyey inuu iga reebo waxbarashadaas, isaga oo uga dhigay in ardayda la Gaalaynayo.

Waxan shaqo ka bilaabay Kalkaaliye Caafimaad ah Cusbilaalka Berbera sannadkii 1946, shaqaddaas oo aan ku dhexjiray ilaa 1982, markaas oo aan ka ruqsaystay. Tababaro ayaan ku qaatay dalka guduhiisa, dalka Kenya, dalka Boqortooyada Midowday (United Kingdom), iyo dalka Filibiin (Philippines) waxan xilal kala duwan ka qabtay Wasaaraddii Caafimaadka:

Mashruucii Dabar-goynta Furuqa ee dunida laga tirtiray aafadii furuqa (smallpox), Mashruucii Hakinta Cudurka Duumada oo aannu kalluun u helnay lagu rido berkadaha iyo biyo-mareenada, kalluunkaas oo cuna culaasha kaneecada (Larva). Hadda dardar khatar ah ayey Kaneecaddu dunida ku haysaa oo cudurrada Zika iyo xummadda Denga (Fever) ee ay tebiso, ayaa dunida ku fidaya. Waxan ka mid ahaa asaasayaashii Bisha Cas ee Soomaaliyeed dhinaca Somaliland iyo dhinaca Soomaaliyaba.

Hadda waxan deegaan muwaadin Maraykan ah ku ahay magaalada Rochester ee Gobalka New York, isla markaana aan xubin ka ahay Xisbiga Dimuqraadiga (Democratic Party), oo aan taageersan nahay Hillary Clinton inay ku guulaysato doorashada Madaxtooyada ee dhacaysa 3-da bisha November 2016.

Berberadii aan ku koray dad kala duwan ayaa degganaa, Somali, Carab, Hindi, Yuhuud iyo Khawaajayaal. Erayga qaraami, waxa uu ka soo jeedaa ereyga Carabiga ah “Al-qaraam” oo la micne ah jacayl. Sanduuq-darab (Gramophone) ah ayaa heeso Carabiya oo saxuun (Disc) ku duuban laga dhigaysan jiray. Marba sinxi ayaa la saari jiray, waagii dembe cajalad ayaa soo baxday, mar dembe ayaa sinxigii lagu noqday hadda waa digital. Heesaha Carabiga ee Qaraamka ah ama Jacaylka ah ayaa caan ahaa. Soomaalidu ma aqoon sida qalabka muusiga loo tumo, sidaas darteed waxay soo saareen gabayo jacayl ah oo la dhegaysto.

Qaraam baa i haya oo qaraxday laabtiiye,

maxaan kula qaxweeyaa ninkaa qiiqayaan ahay eh.

Gabayadii Cilmi Boodhari kuwaas ayey ka mid ahaayeen:

Sidee aad go’aygii tahay iyo macawistaan goostay,

Gar-darniyaa maxaan ina Cabday kaga go’i waayey?

Gabayadaas jacaylka ku saabsan ayaa la odhan jiray Qaraami ee ma ay ahayn heeso sida hadda loo dhigo. Waxa soo baxay nin la odhan jiray Xaaji Baalbaal oo dhanto keenay magaalada Xertii uu wadan Xaaji Balbaalyo iyo Balwo, waxa i be’leeyey Baalbaal.

Mar dembe ayaa nin Ina Nuuradiin la odhan jiray oo Hindi ah oo hooyadii Reer Sool ahayd, ayaa isku daray heesihii Carabiga ahaa iyo Meerisyo Soomaali ah. Sida hees la odhan jiray

Billaahi yaa riixa samaa,

Sidee baa warkii saaka loo helay eh.

Deeto, waxa ku xigay Niman Carab ah oo la odhan jiray Maxamed Siciid (Gu’roon-jire) iyo Ina Beenaale oo kamanka ku garaaca heeso Soomaali ah oo laxan Carabi ah leh qaadi jiray oo uu ku soo biiray Cabdillaahi Qarshi, kadibna Xudeedi, halkaas ayey ka tisqaadeen heesaha Soomaalidu.

Aniga oo ka shaqeeya Cusbitaalka Hargeysa sannadkii 1948, ayaa Shaqaale Reer Cusbitaal ah oo beddel ah, ayaa shaqaalihii dooneen inay u sii dhigaan kulan sagootin ah (Party). Markaas waxa Hargeysa joogay cid Kamanka tunta Maxamed Siciid (Gu’roon-jire), kadibna qolayadii qabanqaabadu waxaannu tagnay Gurigiisii, dabadeed waxa naloo sheegay in qolodii Boosaha oo iyana kulan sagootin ah lehi ay kaxaysatay. Haddaba, markii naloo sheegay inuu ballanta la leeyahay qolada Boosaha, annaguna si aannu u helno waxaannu gurigii ka qaadanay kamankiisii. Halkii ayaa buuq ka dhacay qolo kamankii haysata iyo qolo Gu’roon-jire haysata. Qolo waliba leedahay; ‘Annaga ayaa loo tumayaa.’

Taliyihhi Saldhigga Booliska oo ahaa Maxamed Halac ayaa arrintii soo galay oo ku dhammeeyey in qoloba dhawr saacadood loo tumo. Anigii kamanka haysanay ayaa lagu hormariyey hawshii. Rag badan oo reer dhakhtar ahaa ayaa ka qaybgalay kobcinta heesaha sida Xasan Aadan Halac oo soo saaray codka heesta Jalaaliyo oo caan noqotay iyo Maxamud Axmed Guure (Afweyne) isaga oo gaadh habeen haya cusbitaalka mirqaamay keligii oo isu heesay, kadibna is-arkay quraaradihii oo uu keligii dhex fadhiyo, deeto tiriyey beydka caanka noqday ee ahaa:

Quraaradayahow dawadda quba’oo

Qalfoofyuhow qaada dhaantada

La soco…

COMMENTS
LINKS