WADDANI AMA UU KU RAALI GELIN AMA WAA KA RAALI CEEBTII LUGUU GEYSTAY! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WADDANI AMA UU KU RAALI GELIN AMA WAA KA RAALI CEEBTII LUGUU GEYSTAY!
October 16, 2016 - Written by Editor:

;” Qof sharaftii ayaa ka weyn saddexda Xisbi Qaran ba!” Cabdinaasir Axmed Abraham

Khadan Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ka mid ah xubnihii 11.10.2016 Xisbiga Kulmiye ku soo biiray, madashii shirkana ka soo jeedisay khudbad dadku aad u jeclaystay, una hadashay si dumuqraadiyadi ku dheehan tahay oo sheegtay in aan Xisbinimadu reernimo ahayn ee iyadoo dhalasho ahaan ka soo jeedda beesha Guddoomiyaha Xisbiga Waddani aanay jirin wax u diiday in ay ku biirto xisbiga Kulmiye, isla markaa waxa kale oo ay goobta ka sheegtay in xataa, carruurteeda ay Xisbiga ka soo sharxi doonta mustaqbalka haddii Rabbi qoro. Aragtidani waa aragtida aqoon iyo bisayl badan ka muuqado ee u baahan dhiir-galinta, waa tan dumuqraaddiyadda dhaladka ah ee runta ah. Waxa ay gabadhani istaahisaa bilad-sharaf. Khudbaddii ugu saamaynta badnayd ayey ku darsatay shirka.

Waxa wax  aad looga damqado nasab-cayga iyo xad-gudubka Khaldan lugu la kacay marwadaa, waa na abaabul Xisbiga Waddani dhexdiisa ka yimid. Kumannaan dhiig ahaan ay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isku-dhaw yihiin ayaa taageere u ah Waddani kuwaas niyad-wanaagooda iyo taageeradooda ayay u wanaagsan tahay in Xisbiga Waddani raali-gelin iyo xaal ka bixiyo sharaf-dilka taageerayaashiisu kula keceen Khadan.

Habdhaqanka bulashada Somaalidu waxa ay milgeeyaan hablaha oo ah caarkeena waana kuwa inala dhashay, ama ina dhalay, ama kuwa inoo dhaxay, waana bir ma gaydo. Gabadhan oo nasabkeeda,sharafteeda iyo sharafta odaygeeda ba meel lagaga dhacay, arrinteedu waa ugub, waxa aanay dhaawacaysaa aragtida hannaanka geeddi-socodka xisbiyada badan.

“Aniga oo aan axsaabta siyaadda mid na ka mid ahayn, anigoo ka mid ah ka inta badan dhalliila xisbiga hoggaanka haya e’ Kulmiye iyo Xukuumadda ba, waxa aan aad uga xumaaday, bahdilaadda gabadhaa lugula kacay.”

Cabdinaasir Axmed Abraham.

COMMENTS
LINKS