Khilaaf Xoogan Oo Durba Soo Kala Dhaxgalay Masuuliyiinta Wadani Iyo Xubnihii Isbahaysiga Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Xoogan Oo Durba Soo Kala Dhaxgalay Masuuliyiinta Wadani Iyo Xubnihii Isbahaysiga Kulmiye.
October 17, 2016 - Written by Wariye:

WADANI SOO GALHargeisa(WJN):-waxa mudooyinkii ugu dameeeyay si diiran loogu soo dhawaynay xubno ka soo digo rogtay xisbiga talada haya ee kulmiyo ku waasi oo ku soo biirayay xisbiga muracaaridka ah ee wadani.

waxan todobadadii la soo dhaafay si mug iyo miisan leh loogu soo dhaweeyay xubnihii ugu muhiimsanaa ee ka soo diga rogta xisbiga kulmiye ku waasi oo la magac baxay ama lagu magacabi jiray isbahaysiga kulmiye.

sida aynu wada ognahay waxa markiiba qaar kamid ah loo magacabay jagooyinka ay ka mid yihiin hogaanka xisbiga wadani iyo xilal kale oo muhiim ah.

arintani ayaa ka cadhaysiisay xubno hore ugu sii jiray xisbiga oo aan wax xil ah haysan ku waasi oo xogooda iyo maalkooda u huray sidii ay meel sare oo ay bulshadu ka wada dhaxmuuqan karto u gaadhsin lahayeen xisbiga wadani.

masuul ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo magaciisa ku soo gaabiyay (CABDISHARIID) ayaa ka warbixiyay khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay masuuliyiinta iyo xubnaha sarsare ee wadani oo markaliya damac siyaasadeed soo kala dhaxgalay.

wadani 2

masuuliyiintii ka isbahaysiga kulmiye ayaa shaaciyay inay damac kaga jiro jagada murashax madaxwayne iyo waliba murashaxa madaxwayne ku xigeenka oo ay rabaan inay u tartamaan iyada oo ay maalmo kooban ka hadhsan yihiin shirkii golaha dhaxe ee wadani .

arintani ayaa lama filaan ku noqotay murashaxa madaxwayne ee CABDIRAXMAAN CABDILAHI (CIRO)oo aan marna meesha soo dhigan in jagada murashaxa madaxwayne cidi kula tartanto ama damac siyaasadeed ka galo xubnaha isbahaysiga kulmiye ee dhawaanta ku soo biiray.

 

wararka aanu ka helayno ayaa sheegaya in DR maxamed biixi yoonis uu doonayo in uu kula tartamo jagada madaxwayne nimada ee xisbiga wadani maadama oo uu yahay dublamaasi sare oo in badana ka soo shaqeeyay golaha amaanka ee qaramada midobayn.

wadani

sidoo kalena kaga waayo aragsan siyaasada caalamka oo in badan u dhaxjiray madaxda kala duwan ee caalamka oo marka uu ku guulaysto jagada murashaxnimada wadani ay daageeridoonan kumanan siyaasi ka mid ah beesha caalamka.

 

Hadii aan wax yar idinka xasuusiyo hadaladii ama khudbadii shalay uu jeediyay wasaiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan “hadii aad doonaysaan jagada hogaan xisbiga waan idiin wareejinayaa oo waxan noqonayaa gudoomiyaha xisbiga halka Xill CABDIQADIR JIRDE uu noqon doono hogaanka xisbiga wadani “.

Si kastaba ha ahaatee waxaad modaa in xubnaha isbahaysiga kulmiye ay iska indha tirayaan hesheeskii ka koobnaa 15 qodob ee ay dhaawn kala saxeexdeed.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS