War; Halgamayaashii UFO Oo Ka Furan Doona Maxkamada Sarre Dacwad Ka Dhan Ah Faysal Cali Waraabe Xadhigii, Xasuuqii Iyo Magacyadii Uu U Gudbiyay Sirdoonkii Somaliya Iyo Qareenada U Doodaya Oo La Diyaariyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War; Halgamayaashii UFO Oo Ka Furan Doona Maxkamada Sarre Dacwad Ka Dhan Ah Faysal Cali Waraabe Xadhigii, Xasuuqii Iyo Magacyadii Uu U Gudbiyay Sirdoonkii Somaliya Iyo Qareenada U Doodaya Oo La Diyaariyey
October 19, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Halgamayaashii UFO Oo Ka Furan Doona Maxkamada Sarre Dacwad Ka Dhan Ah

Faysal Cali Waraabe Xadhigii, Xasuuqii Iyo Magacyadii Uu U Gudbiyay

Sirdoonkii Somaliya Iyo Qareenada U Doodaya Oo La Diyaariyey

 

Hargeysa()-Warar lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday inuu

maalmihii u danbeeyey uu magaaladda Hargeysa kulamo uga socdeen

Mujaahidiintii dhalinyaraddii ‘Uffo’, kuwasoo ka wada-hadlaayey sidii

ay Dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe ugu soo Ooggi lahaayeen.

Ujeedada dacwada ayaa la sheegay inay daaran tahay xadhigiii iyo

xasuuq uu sababtiisa Faysal cali waraabe lahaa ee lagula kacay

dhalinyradii dhiiranayd ee xogogii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre

kala horyimi kacdoonkii xaqi dirirka ahaa.

 

Halgamayaashii Ururkii ‘Uffo” iskugu jiray aqoonyahano, ganacsato,

dhakhaatiit iyo dhalinyaro isku hadafa yoolkooduna  ahaa horumarinta

iyo kaabida baahiyaha asaasiga ee bulshada, Waxay ahaayeen

samo-falyaal waqtigooda iyo maalkooda u huray badbaadinta shacabkii

dhibaatada uu ku hayey maamulkii Soomaliya ee macangaga ahaa Siyaad

Barre.  Dacwada Mujaahidiinta ayaa la sheegay inay daaran tahay la

xisaabtan dadkii xilligii adkaa ee ay halganka ku jireen kala horyimi

dagaalka ee u shaqeynaayey maamulkii siyaad barre. Waxaanay wararku

xuseen in Dadka waqtigaas loo adeegsaday dhibta iyo tacadiga

dhalinyarada UFO, uu abaan duule u ahaa Faysal Cali waraabe oo isaggu

xadhiga iyo shirqoolada loo maleegayay dhalinyaradda maadaaama oo uu

aqoon u lahaa dhalintii xilliggaa. Sidoo kalena waxa uu Faysal Cali

waraabe markhaati been ah ku furi jiray danbiyada lagu soo oogo

dhalinyaradda halgan dalkiisa u taagnayd.

 

Kooxdan ka nool dhalinyaraddii “Ufo” ayaa la filayaa inay maalmaha

fooda inagu soo haya dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe u Gudbiyaan

Hayadda Garsoorka Somaliland, Qareenada u doodaya halgaamaysha UFO

ayaa ku hawlan diyaarinta Dacwada lagu soo oogi doono Faysal Cali

Waraabe. Nuxurka dacwada ayaa isugu jirta Markhaati beenaale uu ku

furay dhalinyaradii xaq u dirirka ee UFO, sidoo kalena kuwo uu

xidhxidhay iyo Waliba qaar uu liisaska Magacyadooda u gudbiyay

Hay’addii Sirdoonka Somalia. Dhibta iyo tacadiga kasoo gaadhay oo

sababtay in qaarkood mudo dhawr iyo toban sano ah xabsi ku jiraan,

kuwa kale xabsiga gudahiisa ku dhintaan. Qaarna la Dilo, qaarna  jidh

dil loogaystay, kuwa kale ku waayaan miyirkoodii beelaan.

Si kastaba ha ahaatee, Faysal Cali Waraabe ayaan tani wagaas ka hadhin

xadgudubyada uu ka galay Qarimada Somaliland, isla markaana weli

xidhiidh toos ah la leh maamullada ku eg gudaha Magaaldda Xamar ee

isku sheega inay Soomaliya Wakiil ka yihiin, waxanay arrimahan

Mujaadiintani daliil uga dhigeen kulamadii uu Faysal Cali Waraabe

todobadkii lasoo dhaafay dalka Jabuuti kulamo kula yeeshay Wasiiro ka

tirsan maamulka Muqdisho iyo sidoo kale weedhihii cadaanka ahaa u

warbaahinta lasoo istaagay ee ahaa dhismaha maamul Soomaliya Yeelato.

Isku soo wada duuba waxa la filaya in Maxkamaddu qaado Kiiskan, kana

qabato Dacwadan Mujaahidiinta, maadaama oo ay yihiin Mujaahidiin

miisaan culus ku leh dalka.

 

COMMENTS
LINKS