Loolanka Murashixiinta Madaxwayne kuxigeenka Ee Xisbiga Wadani Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Saadaasha Saacadihii Ugu Danbeeyay + Sida ay Ugu kala Horeeyaan Hanashada Xubnaha Golaha Dhexe Ee Gobolada Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka Murashixiinta Madaxwayne kuxigeenka Ee Xisbiga Wadani Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Saadaasha Saacadihii Ugu Danbeeyay + Sida ay Ugu kala Horeeyaan Hanashada Xubnaha Golaha Dhexe Ee Gobolada Dalka.
October 21, 2016 - Written by Editor:

Saacadba Saacada ka Danbaysa oo uu Cirka Isku sii Shareerayo Loolanka Murashixiinta Madaxwayne kuxigeen Xisbiga Wadani  iyo Muuqalka fursadha Lagu kala Guulaysan karo+ kala Hororsiga  Xubnaha  Golaha Dhexe Ee Xisbiga .

HARGAYSA(W,) Waxay ahayd 19/10/2016  markii shirka Golaha dhexe ee xisbiga wadani ka furmay hoolka shirarka ee huteelka mansoor ee magaalada Hargaysa, shirkan golaha dhexe ee xisbiga wadani ayaa ku bilowday jawi degan kaasi oo mudo laba cisho ah ka socday hotel Maansoor  ee magaalada Hargaysa, halka maanta oo jimce  ahaydna ay nasasho balse maalinta bari ah ayaa lagu talo jiraa in lagu soo gunaanado huteelka Ambasador ee isla magaalada Hargaysa, ujeedadan shirka golaha dhexe ayaa ahayd sidii loo dooran lahaa murashxiinta madaxwayne iyo ku xigeen ee xisbga wadani u tartami doona doorashada soo socota ee 2017. iyo sidoo kale sidii loo ansixin lahaa barmaamijka xisbiga iyo xubnaha cusub ee lagu soo daray golaha dhexe ee xisbiga.

DR MAXAMED AXMED MUUMIN

Waxaana maalinba maalinta ka danbaysa sii adkaanaysa loolanka ka dhexeeya murashxiinta u tartamaysa xubinta madaxwayne kuxigeenka xisbiga wadani kaasi oo xiligan u muuqda mid galay marxalad wajiyo badan saadaasha guusha ee labada masuulna  ka dhigaysa mid lagu kala guulaysan karo codad isku dhow, halka marka si dhaba loogu kuur galo ay murashixiinta madaxwayne kuxigeen sida  u kala kasbadaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga wadani ay guushu mid uun raaci doonto.

Hadiin aan  ku horayno Murashax Dr. Maxamed Ali Cabdi wuxuu ka mid yahay xubnaha ku loolamaya jagada madaxwayne ku xigeen ee xisbiga isla markaana wuxuu ka mid ahaa aas aasayaashii xisbiga wadani sidoo kale waa masuulkani wuxu  xilal kala duwan ka soo qabtay dawladi siyaad bare oo uu ka gaadhay safarkii u fadhiyay Somaliya  midawgii soofiyeetiin iyo waliba xubinta soomliya u fadhiday midowgii soofiyeeti sidoo kale wuxuu soo maray safiirka dalka Bilgumka iyo wadamo.

halka masuulkan  kale ee uu  loolan adagi kaa dhexeeyo Axmed Muumin Seed  marka kowaad ay kasoo wada jeedaan gobolka awdal. uuna yahay  gudoomiye ku xigeenka xisbiga wadani kana mid ahaa aas aasayaasha xisbiga isaga oo intii uu xisbigani jirayba xilkan hayay, basle Axmed Muumin Seed siyaasada somaliland iyo tii dawladii burburtay ee Siyaad Bare midna wax xil ah kama soo qaban, waana xubin ku cusub saaxada siyaasada waana mid saamayn ku yeelan doonta codka ay ka calfan doonaan labadan xubnood ergooyinka golaha dhexe oo ah mida jaan gooyn doonta xubinta guushu raacaso.

Waxaana iyadu aan meesha ka madhnayn sida ay labadan xubnood ugu kala horeeyaan dhinaca gobolada dalka iyada oo ambassador Maxamed Cali uu kasoo jeedo gobolada Awdal Iyo Maroodijeex halka Axmed Muumin Seed ka soo jeedo gobolka Awdal.

Hadaba waxa aynu orodos kusamydoonaa sida ay xiligan ugu kala horeeyeen gobolada helida codadka golaha dhexe ay dhiiban doonaan maalinta bari ah iyada oo xogta badan ay noo xaqiijiyeen dhinacyada u kala ololaynaya labadan musharax.

dhanka kale waxaa labadan masuul ee tartanka adagi ka dhexeeyaa midwalba uu dhinaciisa shirar goos goosa kula jiray xubna taageersan glaha dhexe iyo sidii uu ka kale uga kasban lahaa xubnaha la socda.

Shaxda Codadka la Saadaalinayo Saacadihii u danbeeyay ee musharixiinta kala ah Dr.Maxamed Cali iyo Axmed Muumin Seed ayaa u dhigan sidan:

1.G,Awdal  waxa uu haystaa maxamed cali 40 votes halka uu Axmed Muumin Seed ka haysto                 20  votes taas oo wadarta guud ee gobolka Awdal ka dhigasa 60 cod

  1. Dhinaca gobolka M/jeex waxa la saadaalinayaa in uu ka helo Maxamed Cali 55 halka uu Muumin Seed ka haysto 5 cod taas oo wadarta guud ee gobolka ka dhigasa 50 cod
  2. sida oo kale gobolka Saaxil 40 halka uu Maxamed Cali ka haysto 40 halka uu Muumin Seed ka hayto 10 taas oo wadarta guud ka dhigaysa 50 cod
  3. Gobolka Togdheer ayaa isagana la saadaalinayaa in uu maxamed Cali ka soo hooyo guul taas oo uu ku hantiyayo 40 halka uu Muumin Seed la saadaaalinayo inuu helo 10 cod taas oo wadarta guud ka dhigasa 50 cod

5.gobolka  ayaa isagana la filanayaa In uu Maxamed cali ka soo hooyo guul taas oo cod dhan 29 xubnood la filayo in ay gacanta u taagaan halka Muumin Seed la filayo 21 cod.

  1. Dhinaca gobolka sool ayaa Dr Maxamed Cali ka haystaa 42 cod halka 28 cod uu ka helayo Muumin Seed taas oo wadarta guud ka dhigaysa 60 cod ah tirada xisbigu u qoonseeyay gobolka Sool

Sidoo kale waxaa iyaga lagu kala awood sareeyay  xubnaha golaha dhexe ee qurba jooga xisbiga iyo  tirada golaha dhexe ay ka heleen garabkii isbahaysgiga oo sida xogahani tibaaxeen badi ay taageersan DR maxamed cali hala Axmed Muumin Seedna uu teegeero buuran ka hayso qurba joogta oo kaliya.

Gad gadoonka siyasaada iyo kala ololaysiga xubanaha golaha dhexe ayaa ah mid marwalba wax kabadali karta  saadaashan oo guusha siinysa Dr Maxamed Cali  Cabdi  halka musharax Axmed Muumin Seed aanu wax taageero ah oo sidaa u wayn ku lahayn xisbiga gudihiisa duruuf dhinaca deegaanka awgii,balse waxa hadal ku go,an yahay natiijada dhabta ah waa mid ku maqan dhinaca ilaahay oo isaga oo kaliya ayuunbaa og.

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJAALENEWS

EMAIL;WAJLENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS