WARBIXIN: Kulanka Derbiga ah Ee Axada Chelsea Vs Man United. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WARBIXIN: Kulanka Derbiga ah Ee Axada Chelsea Vs Man United.
October 21, 2016 - Written by Editor:

LONDON(W,N) Todobaadkan kulanka ugu wayn kulamada 9 aad ee Premier League-ga ayaa ah kulanka Stamford Bridge ee uu Jose Mourinho dib ugu soo laabanayo kooxdiisii hore ee Chelsea. Mourinho ayaa shaqada Blues laga caydhiyay dhamaadkii sanadkii hore, wuxuuna muddo ku jiray shaqo la’aan isaga oo ugu danbayn badalay Louis Van Gaal oo isna laga eryay kooxda Manchester United. Mourinho oo saddex koob oo Premier League-ga ah kula soo guulaystay kooxda Chelsea ayaa dib ugu soo laabanaya isaga oo aan wax naxariis ah u hayn isla markaana doonaya in uu saddexda dhibcood kasoo qaato Stamford Bridge oo uu sanado badan Joogay.

kulanka axada

Mourinho ayaa sheegay in Chelsea ayna masixi karin ama tiri tiri karin taariikhda uu kooxda ku leeyahay. wuxuuna macalinka ree Portugal uu hore u sheegay in uu wakhtigiisii ugu adkaa uu xili ciyaareedkii hore ku soo qaatay Blues. Tababaraha Chelsea ee Antonio ayaa qiray sumcada uu Mourinho ku leeyahay Chelsea iyo in uu ku ixtiraam,

 

DIYAARIYE HAMSE JIRDE

COMMENTS
LINKS