War Degdega: Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Oo Doortay Musharaxa Madaxweyne Iyo Ku Xigeen Iyo Axmed Muumin Seed Oo Dibada Uga Soo Baxay Madasha+Tirada Codadka La Dhiibtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Degdega: Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Oo Doortay Musharaxa Madaxweyne Iyo Ku Xigeen Iyo Axmed Muumin Seed Oo Dibada Uga Soo Baxay Madasha+Tirada Codadka La Dhiibtay
October 22, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Waxaa hada hotel Ambasador lagaga dhawaaqay natiijada codadkii saaka ay ka dhiibteen ergooyinkii golaha dhexe ee xisbiga Wadani, waxaana musharaxa madaxweyne loo doortay C/raxmaan ciro oo cod aqlabiyada oo dhan 629 ka helay golaha dhexe taas oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona.

Waxaa Sidaas si lamida loo doortay musharaxa M/wayne ku xigeen Ambasador Maxamed Cali oo helay cod aqlabiyada 581 , halka musharaxa latartamayay ee Muumin Seed Helay 44 cod, waxaanay wararku intaas ku darayaan in madashu saacadihii danbe isku rogtaymid xaraaradeedu sii kacaso oo circa isku shareeray, waxaanay wararku intaas ku darayaan in Muumin Seed dibada uga soo baxay shirka iyada oo ay is gacan saareen qaar ka mida saraakiisha Wadani, waxaanu sheegay in shirku afduubnaa.

Wixii warar ah eek a soo kordha kala soco shabakadan wararka ee wajaalenews

 

COMMENTS
LINKS