Kulan Qarsoodi ah Oo Magaalada Hargaysa Ku Dhexmaray Gudoomiye Ciro Iyo Axmed Muumin Seed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Qarsoodi ah Oo Magaalada Hargaysa Ku Dhexmaray Gudoomiye Ciro Iyo Axmed Muumin Seed
October 23, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Kulan  albaabadu u xidhan yihiin ayaa maanta  dhex maray  gudoomiyaha xisbiga Wadani ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaas C/raxmaan Maxamed  C/lahi Ciro  iyo Axmed Muumin Seed  Oo ahaa mushariixii madaxweyne ku xigeen ee saluugay  gacan taagii shirkii golaha dhexe ee maalintii shalay ka dhacay hotel Ambasador ee magaalada Hargaysa.

Shirkan oo maanta  ka dhacay hotel Maansoor ayaa  ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin kalina ay ku ahayeen Axmed Muumin Seed iyo gudoomiye ciro  sidoo kalana ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaan ilaa hada la ogayn  ujeedada rasmiga ah ee shirkaas waloow ay shabakadan wararka ee wajaalenews isku dayday in ay wax ka waydiiso markii shirkani dhamaaday oo aanu afaafka hore ee hoolka shirkani ka socday kula kulanay musharixii shalay lagaga adkaaday golaha dhexe Axmed muumin Seed ayaa ka gaabsaday in uu waxtafaasiil ah ka bixiyo shirkan dhex maray isaga iyo gudoomiye Ciro.

dhanka kale kulanka labadan masuul ayaa u eekaa mid ka soo dul dhaca oo aan hore loo balansanayn kaasi gudoomiye Ciro si kadiska ugu yimid gudoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed  wadahalkooduna aanu qaadan wakhti badan sido kale xogaha kasoo baxaya ayaa tibaaxaya in aanay ka gaadhin wax is afgarad ah kaasi oosida la sheegay uu Axmed Muumin Seed ku adkaystay go,aaankiisii uu ku qaadacay natiijadii ka soo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbiga  ee lagu doortay murashixiinta madaxwayne iyo kuxigeenka, sidoo kale hogaanka xisbiga Wadani ayaan joojin ergooyinka ay ku dalbanayaan soo xero galinta Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Wadani ahaana Musharixii qaadacay  natiijdaii shirkii golaha dhexe ee xisbigaas.

Waxaana wararka aanu ka helayno Axmed Muumin Seed sheegayaan in uu dhinaciisa ku  hawlan yahay ficilo hor leh oo uu kaga aar goosanayo xisbiga Wadani kagana rumaynayo weedhii shalay uu kaga soo baxay shirka ee ahayd “xisbiga Wadani waa inoo aniga iyo Boorama”

 

Labadan masuul oo hore mataano ugu ahaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa 48 kii saacadood ee ugu danbeeyay fiintu dhexmiranasay ka dib markii Axmed Muumin Seed oo ahaa xubintii maalintii shalay u ordasay hanashada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Wadani oo ka dhacay hotel Ambasador  lagaga guulaystay cod aqlabiyada taas oo uu ka helay 44 cod halka musharaxa kale ee Ambasador Maxamed Cali uu ka helay 581 waxaanay tani  keenatay in uu Axmed Muumin Seed qaadaco natiijada codadka ay dhiibteen ergooyinkii golaha dhexe ee xisbiga Wadani  sidaasna uu kaga soo baxay madasha,isaga oo ay ka muuqato cadho.

 

 

COMMENTS
LINKS