Magacyada Laba Dumar Ah Iyo Hal Nin Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Shalay Ka Dhacay Jidka U Dhexeeya Hargeysa & Degmada Arabsiyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Laba Dumar Ah Iyo Hal Nin Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Shalay Ka Dhacay Jidka U Dhexeeya Hargeysa & Degmada Arabsiyo
October 23, 2016 - Written by Editor:

Gaadhiga Dadku Ku Dhinteen Wuxuu Is-rogay Dhowr Jeer, waxaana Meydadka Iyo dhaawaca la geeyay Cusbitaalka Gabiley

Arabsiyo, (Wajaalenews) – Alle ha u naxariistee Saddex Qof oo laba Dumar yihiin, ayaa ku Geeriyooday Shil Baabuur oo Shalay Abbaaro 1:00 Duhurnimo ka dhacay duleedka bari ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, waxaana ku dhaawacmay Hal Qof oo Dumar ah.

Warka-Shilka

Khasaaraha Dhimashada iyo dhaawaca ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay uu Dhowr jeer is-rogay Gaadhi yar oo Taksi ah oo ay la socdeen Saddexda Qof ee dhintay iyo Halka Qof ee dhaawacmay.

Labada Dumarka ah ee Shilkan ku Geeriyooday, ayaa midkood qudh-baxday markii Shilku dhacay, halka Gabadha kale iyo Qofka Ragga ahina ku Geeriyoodeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley oo la geeyay iyagoo dhaawac ah.

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Gabiley Dr. Jimcaale Daahir Cumar oo ka qayb-qaatay gurmadka loo fidiyey Dadkan Dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaadhay Shilka Baabuur, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Dadka Shilka ku dhintay Magacyadoodu kala yihiin:-

Marxuumad  Yurub Axmed Muxumed, Marxuumad Farax Cali Ducaale iyo Marxuum Yuusuf Maxamuud Cabdillaahi, halka Qofka dhaawacmay Magaceedu yahay Umalkhayr Xasan oo ahayd Diwaralkii Gaadhiga Qallibmay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa xilliga Gaadhigii ay wateen la Qallibmay waxay Safar ugu socdeen Magaalada Gabiley,

waxaana Alleha unaxariistee sedexdan marxuum maanta lagu Aasay magaalada gabiley

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

COMMENTS
LINKS