Halkan Ka Akhri; Toban(10) Arimood Oo Heshiiska Wareejinta Gudoomiyenimada Xisbiga Waddani (Cirro & Jirde) Kaga Duwan Yahay Heshiiskii Dhigiisa Ee Xisbiga Kulmiye ( Siilanyo & Muuse Biixi). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri; Toban(10) Arimood Oo Heshiiska Wareejinta Gudoomiyenimada Xisbiga Waddani (Cirro & Jirde) Kaga Duwan Yahay Heshiiskii Dhigiisa Ee Xisbiga Kulmiye ( Siilanyo & Muuse Biixi).
October 23, 2016 - Written by Editor:

Heshiiska Gudoomiye Ku Meel-gaadhka ah Ee Waddani  Cabdiqaadir Jirde waa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Gobolka Hawd & Maroodi-Jeex. Hadaad barbar dhigto Kii dhigiisa ahaa ee Kulmiye la galay Gobolka Gabiley iyo Maroodi-jeex ee Muuse Biixi kula wareegayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye:

kulmiye iyo wadani

1.Labadda heshiisba waxay ahaayeen doorashooyin Kadib. (Inkastoo muddo kordhin iyo teeram dabadii iyo waliba dagaal ba’an kadib mujaahid muuse biixi gudoomiyenimada lagu wareejiyay).

2.Heshiiska Kulmiye waa lagu kala jabay halka ka Waddani abuuray xulafo cusub.

3.Heshiiskan waxaa si rasmi ah looga ansixiyay Golaha dhexe ee Waddani halka kii Kulmiye ahaa mid afkuun laba siyaasi ky wada galeen.

4.Heshiiska Kulmiye Uma Ogolaan Muuse Biixi Cabdi Gudoomiye Ku Meel-gaadh ah Halka Jirde uu sii noqonayo Gudoomiye ku-meel-gaadh ah doorashada ka hor.

5.Heshiiska Jirde wuxu dhacay iyadoo beeshiisu hore aanay Xulafo uga ahayn Waddani halka Kii Muuse Biixi cabdi uu dhacay iyadoo Beesha Muuse Biixi ilaa 2003-gii oo Kulmiye dhacay ay ahayd udub-dhexaadka.

6.Heshiiska Jirde wuxuu galay iyadoo waddani aanu hal tartan-gelin halka Ka Kulmiye uu Yimid isagoo Siilaanyo dhacay.

  1. Heshiiska Waddani ee Jirde wuxuu yimid tiiyoo aana jirin Fursad Kale Oo Meel Ka banaani, Kaalintu beesha Hawd ku lahayd Kulmiye la dafiray isla markaan Xisbigii Xaqsoor hadhistiisii uu Kulmiye ku lug lahaa. Halka heshiiskii Kulmiye la galay M biixi ay jireen fursado kale.
  2. Hadii heshiiska Waddani ee Jirde ay Ku lamaan tahay jago xisbi oo la yidhaa “Hogaamiye” lana qeexay shaqooyinkeeda, heshiiskii Kulmiye M Biixi la galay waxa wehelinaysay Jago Qayru-dastuuri ah oo ahayd “Raiisul Wasaarenimo”.
  3. Heshiiskii Kulmiye sidiisii iyo waqtigiisii toona lama fulin halka ka Waddani ay tahay in la dhowro waqtiga.
  4. Heshiiska jirde ee Waddani beesha uu ka soo jeedo jirday si kal iyo laab ah ayay u soo dhawaysay halka Beesha Muuse aanay xataa xiligaa la galay wax badan ka odhan heshiiska Kulmiye.

Sidaa markaa tahay waan ku hambalyeynayaa Jirde sida waayo-aragnimada siyaasadeed iyo miisaanka leh ee heshiiska u galay. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa niyadsamida iyo Kalsoonida uu Waddani uu muujiyay. Mana jirto sabab loo Diido heshiiskaas ama loo dacaayadeeyo marka aynu ognahay heshiiskii Kulmiye la galay M Biixi ee isna ahaa doorashadii 2010 kadib, siduu ku fulay iyo taariikhdiisana aynu ognahay.

Dacaayadaynta heshiiska ee taageerayaashaa Kulmiye waxa weeyi keliya inay og yihiin saamaynta togan ee arinkani ku yeelan doono ololaha Waddani. Waxaan Kula talin xisbil xaakimku inuu waqti kooban ee hadhay kaga fikiro istaraatijado uu kaga gaashaanto waranka guusha e ay Waddani, Jirde iyo reer Hawd soo gananeen.

“Waxba Yuu Xeerkay Ii Marin Xoolana i Siine, Xaasha’e Nin libin kaa xisdiyay Xumihii Waa Yaab”

Qalinkii iyo Falaynqayntii Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

COMMENTS
LINKS