“XADHIGGA QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR TACADDI LAGA AAMUSAY…” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“XADHIGGA QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR TACADDI LAGA AAMUSAY…”
October 23, 2016 - Written by Editor:

Qalinkii; Cabdinaasir Axmed Abraham

Siciid Maxamuud Gahayr; qoraa, abwaan iyo Cilmi-baadhe August.20.2016 ayuu maamulaha Madaarka Hargeysa “Maxamed Yuusuf” Ciidanka Booliska ka dacweeyay, isagoo ku eedanaya in uu ammaanka Madaarka khalkhal galiyay iyo in uu kacdoon shacab sameeyay.

Qodobada sharciga baal marsan ee uu xadhiggiisa, waxa ka mid ah;

1) Qabashiida sharciga ma waafaqsanayn oo “Waaran Maxkamadeed” lugu ma soo qaban.

2) Markii la soo qabtay isagoo dambi gacanta kula jira lugu ma qaban.

3) Sharcigu wuxu dhigayaa in 24 Saacadood eedaysanahay maxkamad lugu hor-geeyo, Siciidna muddo ayaa C.I.D-da lugu hayay.

xaashida eeda

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex markii ay dhagaystay eedimihii Xeer-ilaalinta iyo Baadhahii C.I.D-da Isla markaa ay u yeedhay oo ay Su`aalo badan weydiisay Maamulaha Madaarka Mohamed Yusuf, waxay xukunkeedii ku dhawaaqday 15.10.2016 in Siciid Maxamuud Gahayr xorriyaddiisii loo soo celiyo. Xukunkaa Xeer-ilaalintu waxa ay ka qaatay ambiil, sidaa ayaana Siciid luugu celiyay xadhiggii, Xaaji Cabdiwaraabe oo Shakhsiyadda ugu Xushmadda badan Qarankan ayaa Maxkamadda u yimid in uu Damiinto Siciid. Waa laga diiday. Halkaa waxa ka soo baxday in Wasiirka Madaxtoonyadu Maxamuud Xaashi awood xukuumadeed u isticmaalayo shakhsi wax ka qoray. Xaajadu car juuq dheh! Ayay maraysaa, hasa yeeshee, Waxa aan Maxamuud Xaashi Xasuusinayaa in ay ma-hadhadu na bartay, kuwa hore oo mansab uu Rabbi siiyay ku qooqay oo ummadda ku tacadiyay cidhib dambeed koodii.

 

COMMENTS
LINKS