Shil Madaxweyne; Qormo Xiiso Badan Qalinkii Yuusuf Garaad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Madaxweyne; Qormo Xiiso Badan Qalinkii Yuusuf Garaad
October 23, 2016 - Written by Editor:

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre

Intii aan ka shaqeynayay Radio Muqdisho ayaa waxaa xafiiskiisa subax iigu yeeray Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane, oo aan u maleynayo in uu ahaa ku simaha Agaasimaha Idaacadaha.

Wuxuu ii sheegay in uu iiga baahan yahay in aan galabta tago dhaarta Golaha Wasiirrada oo aan ka soo warramo.

Waxaan isku dayay in aan ka cudur daarto. Far ayaan ka dhaawacmay ka dib markii aan isaga xiray albaabka baabuur FIAT 127 ah oo G. D. ah oo Bankiga Dhiiggu uu lahaa. Waa Baabuurkii iigu horreeyay abid ee ii keli noqda. Baabuurta Dowladda ee aan ahayn kuwa ciidanka ayay summaddoodu ahayd Gaadiidka Dowladda G. D. iyo tirsi kooban oo raacsan.

Gacanta ayaa ii qoolneyd. Qalabka wax lagu duubo wuu cuslaa. Haddii aan qaado qalabkaa culus gacanta ayaa i dooganeysa, ayaan u sheegay.

Nagra ayaan wax ku duubi jirnay Radio Muqdisho

Weriyayaasha qaar ayaa ka sagsaagi jiray shaqada aan dan shakhsi ahi ugu jirin sida tan oo kale. Markaa wuxuu isku dayay in uu igu khasbo. Intii aan hadalka isku celcelineynay ayay xusuusteydu dib u laabatay. Waxaan gartay in aan u baahan ahay in aan galabta tago dhaarta.

waddada-afgooye

Waxaan xusuustay shil dhacay bishii May 1986. Madaxweynaha ayaa waxaa gaari ku qaaday Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Abshir Faarax.

Waddada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta oo ahayd waddooyinka Gobollada midda ugu gaadiid, dad iyo xoolo badan ayay foodda saareen. Roob ayaa da’ayay, ayay wararka qaar sheegeen. Durba waxay isku dhaceen baabuur kale.

Ma ahayn markii ugu horreysay ee Madaxweynuhu uu shil baabuur galo. Waxaa la sheegaa in baabuur uu isagu gacantiisa ku watay uu kula qallibmay gooladda Godinlabe ee Gobolka Galguduud.

Waddada Afgooye

Shilka waddada Afgooye waa ka duwan yahay kii hore. Madaxweynaha waxaa madaxa ka gaaray dhaawac loo dhiman karo. Feerahana qaar baa burburay. Waxaa loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Sucuudiga.

Maantuu Caano Cabbay.

Idaacadda Qaranku marnaba ma sheegin sida ay Madaxweynaha wax u gaareen iyo dhaawiciisu sida uu halis u yahay. Wasiirka

 

Warfaafinta, Maxamed Cumar Jees, oo isagu dhaawaca Madaxweynaha qaaday, ayaa isaga oo jooga Sucuudiga wuxuu u warramay BBC. Waxay ahayd dhowr maalmood ka dib markii uu Madaxweynuhu shilka galay.

Wuxuu Wasiirku sheegay in Madaxweynuhu uu ka jabay kalxanta. Weriyihii su’aalaha weydiinayay oo aan u maleynayo in uu ahaa Cabdullaahi Xaaji ayaa su’aalo badan weydiiyay oo ay ka mid ahayd, Raashin ma cuni karaa?

Maxamed Cumar Jees wuxuu bixiyay jawaab daacad ah dhegeystayaashuna ay ku fahmeen culeyska dhaawaca Madaxweynaha.  “Maantuu caana cabbay” ayuu yiri Jees.

Qiyaastii bil uu Isbitaal ku maqnaa, oo dadka qaar ay isla dhex marayeen in uu Madaxweynuhu koomo ku jiro, waxaa dalka ka talinayay General Maxamed Cali Samatar. Qof ogaa ma jirin xaaladda Madaxweynuhu waxa ay ku dambeyneyso.

Koox goosad ah oo diiddan in Samatar la wareego awoodda dalka haddii lacalla uu Madaxweynuhu ka kici waayo dhaawaca ayaa sameeyay gadood aan aad dibadda ugu soo bixin. Magac aan rasmi ahayn ayay qaateen ama lagu suntay. Dowladdiina waxay noqotay laba kooxood oo dadka iyada ka tirsan iyo dadka ka aga dhow ama u kuurgala sida weriyayaasha qaarkood ay ka og yihiin.

Golaha Galabta la dhaarinayo waa Xukuumaddii u horreysay ee uu Madaxweynuhu dhiso tan iyo markii uu Isbitaalka ka soo baxay dalkana uu dib ugu soo laabtay. Labadii garab ee is-hayay labadaba dad ayaa ugu jira.

Suuqa waxaa ku jirta xan siyaasadeed oo ka deyrineysa xaaladda caafimaadka maskaxeed ee Madaxweynaha. Xataa waxaa la gaarsiinayaa in aanuu isagu ka talin ee  ay dad kale dalka maamulaan.

Intaa markii aan xusuustay waxaan fahmay in aan Galabta fursad u haysto in aan arko Madaxweynaha. In aan fursad u haysto in aan dhegeysto hadalkiisa oo aan la tifatirin. In aan u fiirsado bal sida ay Wasiirradu ula dhaqmayaan in ay ka geddisan tahay sidii shilka ka hor iyo in kale. In inta yare ee aan qolka ku wada jirno laga yaabo in aan wax uun ka fahmo xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha.

Waxaan markaa Dhaashane ka codsaday in aan laba weriye ku aadno munaasabadda si aan shaqada isaga kaashanno. Tii ayuu iga yeelay aniguna waan ka aqbalay.

Qeybta Labaad ee Qormadan ayaan uga hadli doonaa wixii ka dhacay fadhiga lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada ee uu dhisay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, dhaawacii shilka baabuur ee Afgooye ka dib. Waxaa kale oo aan idinla wadaagi doonaa qiyaasta aan anigu qaatay.

COMMENTS
LINKS