Gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Gobolka Maroodijeex iyo Magacyada Gudomiyaha & G, kuxigeenka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Gobolka Maroodijeex iyo Magacyada Gudomiyaha & G, kuxigeenka
October 24, 2016 - Written by Editor:

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

 

Kadib markii aan shirar iyo wadatashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:

 

  1. Maxamed Iid Dhimbiil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.
  2. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.

 

Fiiro-gaar ah: Dhammaan xilalka kale ee Gobolka Maroodi-jeex waxa ay ahaanayaan sidoodii.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Muuse Biixi Cabdi

 

 

COMMENTS
LINKS