Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
Kadib markii aan shirar iyo wadatashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:
- Maxamed Iid Dhimbiil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.
- Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.
Fiiro-gaar ah: Dhammaan xilalka kale ee Gobolka Maroodi-jeex waxa ay ahaanayaan sidoodii.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi