Dheefsiga Dhirta Iyo Saamaynta Taban Ee Xaalufka W/Q. Mukhtaar Cabdi Biite | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dheefsiga Dhirta Iyo Saamaynta Taban Ee Xaalufka W/Q. Mukhtaar Cabdi Biite
October 24, 2016 - Written by Editor:

Intii uu bani’aadamku noolaa, da’ walba waxa ay dhaxal uga tagaysay jiilka ka danbeeya. Aqoonta, afka, dhulka, dhaqanka iyo deegaanku waa dhaxalka raandhiiska ah ee jiilba jiil ka dhaxlayey. Ummad marka la eegayo taariikhdoodu inta ay soo jirtay amma soo taxnayd, waxa laga eegaa samayska dhulkooda; sida: dhagaxaanta, badda, buuraha, webiyada, naflayda ku dul nool, iyo dhirta, oo aynu sigaar ah u dul istaagi doonno.

Qof kastaa waxa uu ka run sheegaa odhaahdan: “Dhir la’aani, waa Nolol la’aan” Marka laga reebo Dhuxullaha, waayo; Dhuxullayaashu may fahmin faa’idada iyo doorka laxaadka leh ee ay dhirtu ka ciyaarto jiritaanka noolaha ku dul unkan kawnkan aan ku uumanahay. Dadka dhirta shitaa haddii ay ogaan lahaayeen faa’idooyinka dhirtu u leedahay noolaha may jareen caleen ku taal geed iska daa inay jaraan Kaymo e’.

Way adagtahay inaan qoraalkan kusoo koobo dheefta dhirta, waxaan hubaa haddii qalin loo qaato si wax looga qoro faa’idada dhirta inay buugaagta laga qoraa buux dhaafin lahaayeen dhulka sida dhirtu u buux dhaafisay.

Dhir la’aanteed nololi ma jirteen, midhaha iyo caleentooda waxa dheefta noole kasta oo Ilaahay abuuray.

Dhirtu waxtar gaah ah ayaa ay dad iyo duunyaba u leedahay, kulka daran ee qorraxda waa laga hadhsadaa. Dhaxanta iyo roobka waa laga jirsadaa. Gawdhaha daranna gabboodbaa laga dhigtaa. Waxa ay dhirtu bii’ada (deegaanka) u leedahay qurux oo roobkana waa ay u soo jiidaa. Biyaha dhulka durdurayana waa ay u qabataa oo dhulku haddaanu dhir lahayn waa lama-dagaan oo saxare wax ma dhaamo.

Dhirtu door fiican ayey ka ciyaartaa meertada biyaha (water cycle), waxay sidoo kale yaraysaa xawaaraha dabaysha oo dugsoon ayey ka dhigtaa deegaanta.

Dhirtu waxay hawada ka sifaysaa mid kamid ah iskudhisyada ugu daran ee keena korodhka heer kulka dunida; kaarboon laba ogsaaydh (CO2).

Dhirtu waxa ay samaysataa dheefteeda iyada oo u marta habka loo yaqaano dheef-samaysiga (photosynthesis). Xilliga dheef-samaysiga, dhirtu waxa ay soo daysaa neecawda ogsijiin(O2) ee sanku-neefluhu sanka ka qaato. Waxa ay sidoo kale qaadataa neecawda uu sanku-neefluhu sii daayo ee kaarboon laba ogsaaydh(CO2).

Habkan taltaalliga ah ee neecawda ogsijiin iyo kaarboon laba ogsaaydh ay isku waydaarsadaan sanku-neef laha iyo dhirtu ayaa inna tusaysa xidhiidhka iyo isku tiirsanaanta qotoda dheer ee u dhaxaysa labadan noole ee dhulka ku kor unkan.

Inkastoo ay adagtahay inaynu hal maqaal ku hoga tusaalayno dheefta dhirtu u leedahay noolaha iyo bii’adda aynu ku noolnahay, hadana haddii laga yimaaddo kayn, geed kali ah, hal xabbo oo caleen ah oo ku taal mid ka mid ah laamihiisa, ayaa halka sanno waxa ay nuugtaa 12 KG oo neecawda kaarboon laba ogsaaydh(CO2) ah. Caleentaasi waxa ay dib u soo celisaa in lamid ah (12 KG) oo ogsijiin ah.

Ogow!!! Mug neefeedka 12 KG ee neecawda ogsajiin ah, ee ay caleen kali ahi soo saartay; waxa ku noolaan kara Aabb, Hooyo, Wiil iyo Gabadh, muddo shan sanno ah iyaga oo il-bidhiqsi kasta jiidaya nuugaya ogsijiin soona celinaya kaarboon laba ogsaaydh.

Neecawda kaarboon laba ogsaaydh waa sun marka ay deegaanka ku badato, waxa aynu soo sheegnay in hal caleen ahi ay mug dhan oo 12 KG ah ka nadiifiso hawada innagu gedaaman. Haddii ay caleen kali ahi faa’idadaa ay yeelatay maxaad u malaynaysaa malaayiinka dhirta ah ee kaymaha ku yaala?

Waaxda beeraha ee dalka maraykanka ayaa dhowaan cabbirtay in halkii acre (0.4 hectare) ee dhir ahi nuugto mug neefeed dhan lix tonne (6000Kg), halka dib ugu soo celiyaan afar tonne oo hawada Ogsajiin ah.

Afar tonne ee ogsajiin ahi immisa qof ayey ku fillaan kartaa?

Maskaxdaadu haddii ay dib u sawirato guriga aad ku nooshahay, waxa aad ogaan doontaa in 85% aad guriga ku adeegsato wax dhir kasoo jeeda. Waxaa ka mid ah:

Dhismaha qaarkii sida kadimada, siliigga, looxaanta IKK oo dhir ku abtirsada.

Agabbada guriga ayaa aalaaba laga qoraa dhirta, waxa ka mid ah: Kuraasta, Sariirta, Gambadhada, Miisaska, Buugaagta, Dharka, IKK.

Dhammaan noocyada raashinka ee aynu quudanno, waxa ay ku abtirsadaan dhir. Dawooyinka, agabbada la isku qurxiyo iyo wax kasta oo dub iyo diir la mariyo, sida kiriimyada waxa laga soo dheegay dhir.

Marka aynu u noqonno reer guuraagii somaliyeed; dhirtu waxtar gaar ah ayaa ay u leeyihiin. Cad iyo caano assalkoodu waa dhir.

Reer guuraagu ma jaraan dhirta cagaaran, ee waxa ay tamar (xaabo) ahaan u isticmaalaan dhirta engegtay. Balse xaalku siduu beryo ahaa maaha, haddii aanay reer guuraagu waagii hore goyn jirin dhirta cagaaran; ayaamahan dambe waxa ay noqdeen dhuxulleyaal ku mamay dabar goynta dhirta cagaaran.

Dhirtu waa u daaq iyo dugsi reer guuraaga, marna waa u hu’ iyo hoy. Dhirtu waxa ay xannaanaysaa xayawaanka duur-joog iyo dab-joogba.

Weelka wixii qabo ah dhir baa laga sameeyaa, wixii qori ahna dhir baa laga quraaraa. nolosha reer guuraagu waxa ay ku abtirsataa dhir.

Si aad u ogaato faa’idada dhirta, bal akhriste su’aashan ila wadaag: “Ka warran haddii aad joogi lahayd meel uu geedka kuugu dhow kuu jiro 1000 KM?”

Dhulkeennu waxa uu hodan ku yahay noocyo tiro badan oo  dhir ah, dhir badan ayaa ka sii dabar go’aysa geyiga somaliyeed. Dhirtaa waxa ugu magac dheer geedka Qudhaca (acacia) iyo geedka Galoolka (acacia bussie). Labadan geed ayaa dhuxul ahaan loogu isticmaal badan yahay, marka aan leeyahay waa loogu isticmaal badan yahay waxa aan uga jeedaa waa labada geed ee loogu goynta badanyahay. Taasi ayaa ka dhigtay labadan geed in tacsidoodu taallo magaalo kasta oo ay Soomaali degto.

Geedba geedka uu ka waxtar badanyahay ayaa maanta birta looga aslaa.

Dad iyo dowladba waxaa lagu daawadaa dabar go’a dhirtii waxtarka, quruxda iyo sureerka lahayd, indho dhalaad leh iyo dareen maahsan oo aan damqanayn.

Guud ahaan Somaliland haddii ugu yaraan maalin walba la jaro 20 geed, sannadkii waxa la jaraa 7,300 oo geed. Halka shantii sanno ay noqonayso 36,500 oo geed. Ka waran akhriste haddii maalin walba la jaro 1000 geed?

Somaliland waxa ay dhisantay oo ay sifo qarannimo leedahay muddo 25 sanno ah. Waxa ay leedahay wasaaraddo kala duduwan oo ay tahay inay danaha iyo baahiyaha bulshada daboolaan. Wasaaradahaas waxaa ka mid ah; wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga. Magaca waxa ay ka sidataa deegaan balse ma jiro wax qabad tuujin iyo taabasho leh oo ay leedahay. Wasaaradda deegaanka waxa la arkaa maalinta deegaanka, iyaga oo dhir meelaas ku beerbeeraya.

Wasaaradda deegaanku waxa ay ahayd inay maarayso dhirta iyo daaqa dalka, ee may ahayn in la arko maalinta deegaanka oo keli ah.

Wasaaradda deegaanku waa in aanay faraha ka laaban xaalufinta dhirta ee waa inay uga hiilisaa dhirta dhuxullahan sidii weere xayn adhi ah dhex galay askaxeeda guray. Waa in wasaaraddu wacyi gelin samaysaa, si ay u yarayso dabar goynta dhirta. Sidoo kale waa in ay u hawl-gashaa sidii ay u baadi goobi lahayd; wixii lagu beddeli lahaa gir-giraha dhuxusha, si loo yareeyo goynta dhirta.

Dadka ayaa leh door ay ku joojin karaan dabar goynta dhirta, sababtoo ah; dhuxulluhu meel kale kama iman, ka kaganacsanayaana ajinabi maaha ee waa dad bulshadan ka mid ah.

Haddii aanay bulshadu kaba dareen qabin faa’idada dhirta iyo aayo xumada dhir la’aanta, waxa uu dhulkeenu ku danbayndoonaa dhul lama-degaan ah oo omos iyo oon badan.

Odayada siyaasaddu mashquulisay dib ha isugu noqdeen oo door mug iyo miisaan leh haka qaateen joojinta “dabar goynta dhirta” si mustaqbalkeena iyo ka caruurteenu aanu halis u gelin.

Dadka dhuxusha ka ganacsada iyo kuwa jara waxa aan usoo jeedin lahaa saddex talo oo inna anfacaya:

Quud xaaraan ah ayaad ka heshaan dhirta, mustaqbalkiina iyo kan jiilka imanayana gacmihiina ayaad ku baabi’naysaan ee Ilaahay u noqda oo dhirta ka daaya garaaca.

Haddii aydaan joojinayn goynta dhirta, waa in aad joojisaan jaridda dhirta cagaaran oo aad ku bedeshaan dhirta engegtay.

Haddii labadaas qodob ee hore aad samayn waydaan, waxa idinla gudboon markasta oo aad geed cagaaran jartaan in aad beetaan mid kale oo cusub.

Da’waliba dhaxalbay u dhaaftaa midda ka danbaysa. Awowyaasheen waxay innooga tageen dhul ballaadhan oo khayraadkiisii hullaaban. Dhul caynkee ah ayeynu uga tagaynaa jiilka imanaya?

Geedku waa nolol

Nolol waa geed

Ha gammuuminoo

Ha garaacine

Gudinta ka daa!!!

Gudinta ka daa!!!

COMMENTS
LINKS