WAJAALE NEWS

Sheeko Xiiso Leh! AWLIYO-BOODHLAY.

Karaamooyinka Uu Lee Yahay Siyaasiga Reerkayagu !.

Caawa; waa habeen awliyaad oo arbaca ah, waxa aynu galaynaa karaamooyinka uu lee yahay siyaasiga reerkayagu. Karaamooyinkiisu way badan yihiin se inta indhaha la gu arkay ayaa farabadan, qof kastaana karaamo gooniya ayuu ka haystaa siyaasigayaga. Siyaasigayagu waxa kuu ku dhashay kuna barbaaray karaamadiisana la gu ogaaday degmada Jiririq, magaciisana waxa la yidhaahdaa Siyaasi. Shan iyo labaatankii bishii afaraad, gu’gii 1974-kii ayuu dhammeeyey jaamacadda magaceeda la yidhaahdo Dib-U-Socod Universitay ee ku taalla waddanka Qudhun iyo Qalalaase  ee dhaca buuraha Ciil iyo Caloolxumo, waligii isaga oo wax wanaagsan qabanaya la ma arag loomana sheegin in uu wax-qabto se intuu adduunka joogay waxa lagu xasuustaa hal wax-qabad oo uu qabtay: waa in uu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa jaamacaddaas, kuwaasi oo kala ahaa: In uu tobankii sanno ee ugu danbeeyey qayilay. In uu naftiisa iyo naf kaleba aanu waxba u qaban. In aanu waligii shaqayn, shaqayndoonina. In uu shantii sanno ee ugu danbeeyey ka shaqaynayey barnaamijyada qabyaalad iyo qudhun, xaasidnimo iyo xafiltan, qaxar iyo qalalaase.

Habeen-habeenada ka mid ah siyaasigayaga  oo i la fadhiya qol-yar oo madow oo ay dhex daadsan yihiin waraaqo farabadan ayaa waxa na wareeriyey oo qolkii oo dhan is ku daba-rogay siyaasi reer kale ah oo na soo booqday, caano-yar oo meel noo  yaallayna uu naga cabbay, markii ay saq-badhkii gaadhay ayuu siyaasigii reerkayagu intuu xanaaq cirkaa tagay annaga oo arkayna  nagu yidhi “ bal na is ku kaaya eega aniga iyo siyaasigan reerka kale”. Sidii aannu u eegaynay siyaasigayagii ayuu gaabtay, casaaday, madoobaaday, haddana uu sii gaabtay, markaasu libaax noqday , intuu qaylo dheer ka ga kacay ayuu hal hal hal  u qabtay siyaasiyiintii reerka kale, Siyaasigii reerka kale mee?. Caloosha siyaasigayaga ayuu ku jiraa, uu ku jiraana la ma odhan karo.

Siyaasigayagu  yaraantiisi dugsiga ayaanu is ku raaci jirnay, marka aanu is-raacno uu na khiyaamayn jiray oo waxa uu naga cuni jiray musaasaca, uu naga cuni jirayna la ma odhan karo. Siyaasigayagu waxa wax cuna oo dhan way ka yaaci jireen wayna ka baqan jireen illaa dacawada mooyaane, dacawadu waa khaa’inul xayawaano isaga ayey is ku cilmi yihiin. Siyaasigayagu waxa uu shirin jiray aqoon yahanka reerkayaga oo dhan wayna u iman jireen illaa jaahilka mooyane, jaahilku  waxa weeyi ka aan fahansanayn barnaamijka uu wato. Siyaasigayagu waxa uu qaadhanka ka ururin jiray ganacsatada reerkayaga wayna u iman jireen illaa kuwo bakhaylka ah mooyaane, kuwa bakhaylka ahi waa kuwo diiday qaadhanka uu urursanayo. Siyaasigayagu waxa u ducayn jiray  culimada reerkayaga oo dhan illaa ka bid-coolaha ha mooyaane, ka bid-coolaha ahi waa ka u duceeya ummadda Islaamka oo dhan.

Siyaasigayagu waa ninka kaliyaata ee aannu qaban dastuurka ay ummaddu ku heshiisay, markasta waxa uu  isticmaalaa karaamooyinkiisa si uu u burburiyo kalsoonida ay shacabku siiyeen, walow si ba’an ay awliyo-boodhlaydu  u dhaleecaysay qaabka ay karaamadiisu uga hortagtay qodobada dastuurka iyo dhammaan sharcigii u yaallay waddanka. Rukunada ay ku taagan tahay karaamadiisu ayaa ah  caddaalad-darrada, eexda, sedbursiga iyo xaqsoorid la’aanta  ka soo horjeeda habka u sinaanshiyaha awood qaybsiga qaranka.

Hab-dhaqanka la yaabka leh ee uu lee yahay siyaasigayaga reerkayaga waxa ugu mucsijo weyn iyadoo xoolo ummaddeed la dhacay in uu   xalaalaysto, marka uu siyaasiga reerkaygu isaga oo isticmaalaya karaamooyinkiisa uu dhaco xoolo ummaddeed ,dabadeed, uu doono in loo xalaaleeyo, sheekh isku-sheega reerkayaga ayuu xoolaha u geeyaa oo uu guddoonsiiyaa, isna dhawr maalmood ka dib ayuu xoolihii dib ugu celiyaa siyaasigii soo dhacay markii hore, wuxuu se kala hadhaa waxooga hanti ah, dabadeed wuxuu hantidaas u dhiibaa ganacsataada reerkayaga si uu ugu ganacsado oo uu hadhow xoolo badan u keeno reerka, sidaas na waxa sheegaya qodobka shan iyo labaatanaaad, faqraddiisa saddexaad, xeerka Awliyo-Boodhlayda ee uu reerku ku dhaqmo. Mar kasta oo siyaasiga reerkayagu xil qabto amma uu hoggaan noqdo waxa uu ka taliyaa  hadimada iyo halaagga Soomaali  hanaqa gooyey, maxaa yeelay marka xilka qaranka loo dhaariyo manhajka uu ku shaqaynayo ayey dulucdiisu tahay in uu mudnaanta hore mar walba siiyo reerkayaga sida naas-nuujinta, eexda iyo qaraabokiilka”. “Masha Allah”. “Waxaasa siyaasiya”.

Si kastaba ha ahaate’e waa ninka kaliyaata ee dadkaygii Soomaaliyeed dhaxalsiiyey dhimasho aan la tiro koobi Karin, dhaawac xanuun badan iyo barakac baahsan oo kalifay in dadkii xididka iyo xigaalka isu ahaa u kala qaxaan dacallada dunida. In yar oo wali iimaanku qanjaha taagay oo ka tirsan reerkayaga ayaa is ku dayey  in ay dhibaatadaas uu ku jiro siyaasigayagu ka saaran. Shirar-duceedyo farabadan oo dib-u-habayn loogu samaynayo siyaasiga reerka ayaa lagu kala qabtay wakhtiyo kala duwan waddamo lagu tirinayey in ay u dhuun daloolaan  qudhunka iyo qalalaasaha uu ka shaqaynayo siyaasigayagu, sida waddamada ay ka midka yihiin Horumarka, wax-wada-lahaanshiyaha iyo waddanka Midnimada. Dedaal kasta oo loo maray dib-u-habayntaas siyaasiga reerkayaga waxba kama soo naaso cadddaan, wax guul ah na lagama gaadhin ,iyada oo sababta ugu muhiimsani tahay : “Waxanaan la raadin dhab ahaan sababta uu siyaasi u noqday iyo qaabka uu siyaasad ahaan ku yimid, iyadoo la ogsoon yahay in uu siyaasigu yahay aafada ugu culus iyo masiibada ugu darran ee soomaalida kala irdhisay  ee joog iyo jiifba u diiday meel walba oo ay dunida ka joogaan”. Waar maxaad iga soo eegaysaa kaagan dhukuranow?”. Ha noolaado siyaasiga reerkayagu.

 

Qalinkii Garyaqaan Jimcaale Jaamac

 

Exit mobile version