TACSI: Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI na ba Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Hooyadii Caasha Cabdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI: Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI na ba Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Hooyadii Caasha Cabdi
November 5, 2016 - Written by Editor:

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka Xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI na ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo Hooyaddii Caasha Cabdi Cabdillaahi ay maanta(Sabti), 05/11/2016 ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ay baxday Marxuumadu, isaga oo ku siffeeyey in ay ahayd adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na u sama-fali jirtay dadka danyarta ah.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Marxuumadda Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsa na uu ka waraabiyo sida oo kale na uu samir iyo iimaan ka siiyo eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo weli ba gaar ahaan Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali oo ay hooyaddii ahayd. Amiin Amiin.

INNA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

Waaxda Warfaafinta WADDANI

 

Hargeysa, Somalilandtacsigaara

COMMENTS
LINKS