Shan Caqabadood Oo Sabob Unoqon kara In Mar Labaad Mudo kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Iyo Gaabiska komishanka Doorashooyinka!! . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shan Caqabadood Oo Sabob Unoqon kara In Mar Labaad Mudo kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Iyo Gaabiska komishanka Doorashooyinka!! .
November 8, 2016 - Written by Editor:

Tan iyo Maalintii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo talada Dalka kala wareegtay Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale waxaa Saaxada Siyaasada S/land lagu arkayaa Arimo ugub ku ah Saaxada Siyaasada S/land waxaana ka mid ah Dabaaldagyo joogto ah iyo Durbaano loo tumayo Xisbiyada Siyaasada S/land iyo Siyaasi ka wreegay Xisbi una wareegay Xisbi kale balse aan la garanayn Goorta iyo Waqtiga Garoonka Siyaasada ku Tartami doonaan Xisbiyada Siyaasada ee loo dabaaldagayo ama la kala Taageerayaa .

DOORASHOOYINKA 1

Iyadoo Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo meesha ka saartay hadal qaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ama Golaha Guurtida iyadoo Golaha Guurtidu noqonayo Golaha ugu Da”a wayn S/land ee Labaatan jirsaday balse lama arag Madax Mijo dhamaan Siyaasiyiinta Saaxada Xisbiyada ku jira Mucaarad iyo Muxaafid iyagoo ka hadlaya Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka S/land ama Golaha Guurtida Xeerkasta iyo Hab Kasta ha lagu soo Doortee.

GUDIDA DOORASHOOYINKA

Mar kale Labadii Doorasho ee isku Lamaanaa ee Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiilada ee uu kala qaaday Madaxwayne Siiraanyo lama garanayo Waqtiga iyo Mudada dib loo dhigay Doorashada Golaha Wakiilada iyadoo Madaxwayne Siiraanyo wali Cayimin Waqtiga iyo Goorta ay Hawl galayso Gudidii ka soo Talo bixinaysay Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada ee Madaxwayne Siiraanyo hore u sheegay in uu Talo Balaadhan ku Go”aan qaadan doono waxaase iswaydiin mudan maxaa ka horjoogay Madaxwayne Siiraanyo in uu Waqti hore ka hawl galo Mudo Lix Sanno iyo Bilo ah uu Xillka ka hayay? Maxaase Imika ka hortaagan in uu Madaxwayne Siiraanyo Hawl galiyo Gudidii Talo bixinta ee uu hore u Sheegay in uu ku Go”aan qaadan doono ?

Mar kale Mudo Xileedka Madaxwayne Siraanyo waxaa lagu arkayaa Arin Ugub ku ah Saaxada Siyaasada waxaana ka mida Gudida Diiwaan galinta Ururada Siyaasada oo Sharcigeedu dhigayay in ay Shaqayso Muddo Laba Sanno ah balse Madaxwayne Siiraanyo mudada u kordhiyay oo hada Shaqaynaysa ilaa Muddo Shann Sanno ah iyadoo Gudida Diiwaan galinta Ururada Siyaasada ee ilaa Maanta Shaqaynayaa ay tilmaamayso in ayna wali Dalka ka jirin Xisbiyo Siyaasadeed.

Mar kale Mudo xileedka Madaxwayne Siiraanyo waxaa Saaxada Siyaasda S/land lagu arkayaa Go”aano iska hor imanaya sida Laba Doorasho oo mar la israaciyo oo la isku Lamaaneeyo marna lakala qaado waxaana la dafiri Karin in uu jiro  gaabis badan oo ka muuqda Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyadoo waqtigii Doorashada Madaxwaynaha  loo cayimay ay ka hadhsan yihiin Afar Bilood oo kaliya waxay Dadka u kuur gala arimaha Siyaasada S/land ay Xaqiijinayaan in Shann Caqabadood hor yaalaan Komishanka Doorashooyinka S/land Shann caqabadood oo sabob u noqonaya Muddo kordhinta Labaad ee Madaxwayne Siiraanyo loo samaynayo Nin Diida iyo Nin Doona .

1: goormay ku dhawaaqayaan Komishanka Doorashooyinku Tirada Cod bixiyaha ee iska diiwaan galiyay Gobolada iyo Dagmooyinka S/land ?

2: Ma jirtaa Waqti ay u Mudeeyeen Komishanka Doorashooyinku una cayimeen in ay ku dhawaaqayaan Tirada Codbixiyaha ee iska diiwaan galiyay Gobolada iyo Dagmooyinka S/land ma jirtaase Waqti Cayiman oo Komishanka Doorashooyinku u mudeeyeen in ay bilaabayaan Badalka Warqada Codbixiyaha loogu badalayo kaadhka Rasmiga ah ee Codbixiyaha ?

3: Imisa Maalmood ama Bilood ayay qaadanaysaa Hawsha baaxada leh ee hor taala Komishanka Doorashooyinka ee Badalka Warqada hore loo siiyay Codbixiyaha loogu badalayo Kaadhka rasmiga ah ee  Codbixiyaha?

4: Khilaafka Cakiran ee Xisbiga Ucid ka taagan yahay oo aanay muuqan in Xall laga gaadho Afarta Bilood ee Doorashada Madaxtooyada ka hadhsan Su”aashu ka taagana waxay tahay Doorashada Madaxtooyadu ma waxay u Dabranaan doontaa Khilaafka Xisbiga Ucid mise Distoorka ayaa la furayaa oo wax ka badel lagu samaynayaa si Labada Xisbi ee Kulmkiye iyo Wadani ayaa Doorashada Madaxwayneha ku Tartami doona ?

5: Komishanka Doorashooyinka S/land Mudo Laba Bilood ah oo ka soo wareegatay Waqtigii ay dhameeyeen Diiwaan galinta Cod bixiyaha wax Shaqo ah oo ay qabteen ma jirto  miyaanay markaa kuu muuqan in uu jiro gaabis ku talo gala oo ayna Diyaar u ahayn Komishanka Doorashooyinku Doorashada Madaxwaynaha Dalka ka qabtaan Waqtigii loo cayimay ?

 

WAJAALENE STAFF

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL’WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS