Gudoomiye C/rasaaq Ciyaale Oo Noqday Masuulka Gawraca U Qaabilsan Kooxda Isku Bahaysatay In Ay Dalka Kala Dagaalamaan Hogaaminta Jiilka Cusub!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye C/rasaaq Ciyaale Oo Noqday Masuulka Gawraca U Qaabilsan Kooxda Isku Bahaysatay In Ay Dalka Kala Dagaalamaan Hogaaminta Jiilka Cusub!!
November 10, 2016 - Written by Editor:

Halka Hoose Ka Akhri Qodobada Xeer Lr14/2011 Ee Cadaynaya In Aanu Faysal Cali Waraabe Gudoomiye Sharciya iyo Murashax Madaxwayne Oo  Sharciya Midna Ka Ahayn Xisbiga Ucid !! .

HARGAYSA(W,N) Diiwaanka Taariikhdu waa mid furan Qalinkuna waa mid u diyaara in lagu qoro dhacdooyihka Maalinlaha ah ee Qadarka Eebe ku socda, dhacdooyinkan oo Xumaan iyo Wanaagba iskugu jira iyadoo Diiwaanada Taariikhda ay ku Xardhan yihiin. Madaxwaynayaal,Gudoomiyayaal iyo Masuuliyiin Bulshooyin soo xukumay oo Sharcigii iyo Xeerkii ay Qorteen ku Tuntay ama ka badheedhay ku Dhaqan la”aantiisa  iyadoo kooxda Xalaalaystay ku Tumashada Sharciga iyo Xeerarka Dalka S/land ay u horeeyaan Gudida Diiwaan Galinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ee Gudoomiye C/Rasaaq Ciyaale Madaxda u yahay iyadoo Qarniyo iyo Sannado danbe aanay ka hadhi doonin Dhaartii Alle ee uu beeniyay iyo Cadaalad darrada ay kula kecaan Muwaadiniinta iyadoo Kooxda isku bahaysatay in ay Dadka iyo Dalka kala Dagaalamaan Hogaaminta Jiilka Cusub ay hormood u yihiin Madaxwayne Siiraanyo, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro ,Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaase iswaydiin mudan Muxuu uga aamusay Gudoomiye Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro ku tumashada Sharci ee Gudida Diiwaan Galinta Ururada Siyaasada kula keceen Aqoonyahan Jamaal.

CIYAALE 2

Iyadoo Marag cad u noqonaysa in kooxdan ay ku suntan tahay ku Tumashada Sharciga iyo Xeerarka Qaranka S/land u yaala iyo in ay heshiis ku yihiin in aanu Saaxada Siyaasada soo gali Karin kana Tartami Karin Aqoonyahan Jiilka Cusub ka soo jeeda oo dalka Hogaamiya sida Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyadoo Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka S/land hogaamiyaa ay hormood ugu yihiin Masuuliyiinta ka hoosaysa in aan gabi ahaanba lagu dhaqmin Sharciga iyo Xeerarka Dalka iyadoo sida ku cad Qodobada Xeer Lr. 14/2011 Waqtigan Xisbiga Ucid lahayn Gudoomiye Sharciya iyadoo Faysal Cali Waraabe oo ahaa Gudoomimye Sharciya baal marsan Maanta loogu daray Murashax Madaxwayne oo Xisbiga Ucid ah bal aynu Dull joogsano Qodobada Xeer Lr.14/2011 ee Cadaynta u ah in aanu Faysal Cali Waraabe Ahayn Gudoomiye Sharciya iyo Murashax Sharciya .

Qodobka 12aad: Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

  1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

2.Xisbi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xil doorasho wax ka badan.

Markaad Akhriste dhugato Qododbkan oo u fiirsato miyaanay Akhriste kuu muuqan in ay si badheedh ah uga Talaabsadeen Gudida Diiwaan Galinta Ururada Siyaasadu Qodobkaa? miyaanay Akhriste kuu muuqan in aan Madaxda kor ku xusan laga filan  karin in ay ku dhaqmaan Sharciga iyo Xeerarka Dalka? miyaanay kuu muuqan in Xisbiga Ucid lahayn Gudoomiye Xisbi oo Sharciya oo waafaqsan Xeer Lr 14/2011?

Waxaana hubaala in Nolasha Aduunyadu Maalmo Yar tahay Alle Xisaabtiisii iyo Aakhirana danbayso iyadoo Alle Masuul kasta kula Xisaabtami doono Dhaartii uu beeniyay Xillkii uu Umadda u Qaadayna ee uu ku Takri falay iyo Cadaalad Darro uu ku kacay bal aynu Dul joogsano Qodobka Dhaarinta Xubnaha Gudida Diiwaan Galinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ee Xeer Lr 14/2011.

Qodobka 3aad:  Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Faqradiisa Tobnaad.

10:Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku dhaarinaya Guddida dhaartan todobaad ka dib maalinta Golaha Wakiiladu ansixiyo (WAXA IGU WALAAHIYA, BILAAHIYA, INAANAN KA MID AHAYN KUNA JIRIN UNUG, URUR IYO  XISBIYO QARAN TOONA, KANA MID NOQONEYN URUR IYO XISBI KALE INTAAN XILKA HAYO. UGUNA ADEEGAYO BULSHADA SOMALILAND CADAALAD, SINAAN IYO DAACADNIMO.

CYAALE 1

Iyadoo ALLE Aayaadkiisa Quraanka ku cadeeyay Ciqaabta ay mudan doonaan Maalinta Qiyaamaha Masuul kasta oo Dhaartii uu u Dhaartay beeniyay iyo Cadaalad Darrada ay ku kaceen Gudida Diiwaan Galintu Ururada Siyaasadu oo aan Aaminsanahay in Alle Aduunka inta ay joogaan Calaamo ka muujin doono .

Waxaana Maanta Bulshada S/land u cadaatay Ujeedooyinkii Madaxwayne Siiraanyo  Mudada ugu kordhiyay Gudida Diiwaan Galinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka oo mudo Xileedkoodu ahaa Laba Sanno bal aynu Dull joogsano Qodobada Xeer Lr. 14/2011

Qodobka 3aad:  Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

6: Gudidu waxay Xillka haynaysaa Mudo (2) Laba Sanno ah oo ka bilaabanta Maalinta Maxkamadu Sare u dhaariso Madaxwaynuhuna wuu u cusbnaysiin karaa mudo Xileedka hadii loo baahdo iyadoo Mudo kordhintaa Cusub laga ansixin doono Golaha Wakiilada.

Ugu Danbayn Gudoomiyaha Gudida Diiwaan Galinta Ururada Siyaasada C/rasaaq Ciyaale Waxaan Leeyahay Dhaar aad Beeniso iyo Talaabo Cadaalada Ka Fog Oo Muwaadin Kula Kacdaa Waxay Keentaa Ciqaab ALLE Iyo Dhag Xumo Taariikheed Oo Qarniyo Ku Daba Socota Waa Barri Iyo Bill Danbe .

FIIRO GAARA HALKAN HOOSE KA EEG DHAQAN GLKII UGU DANBEEYAY EE XEERKA NIDAABKA URURADA …

XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXSAABTA SIYAASADA IYO WAX KA BEDELKII HIRGALEY

Xeerkani wuxuu markii hore dhaqangaley 20kii Ogosto 2011 oo Madaxweynuhu saxeexay (sida ku xusan  Dikriitada Madaxweyne ee ku lifaaqan Xeerkan).  Wax ka bedelkii Xeerkuna wuxuu dhaqangelay 13kii Diisambar 2011 Markii Madaxweynuhu saxeexay (sida ku xusan  Dikriitada Madaxweyne ee labaad ee ku lifaaqan Xeerkan).

Waxaa halkan hoos qoran Xeerkii Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada iyo Wax ka bedelkiisii oo dhan. Qodobadda Wax ka bedelka waxay  ku qoranyahay far leexsan (in Italics).  www.somalilandlaw.com

22/12/2011

Halkan Ka Akhri Xeerka Madaxwaynuhu ku dhaqan galiyay Qodobadaa kor ku xusan

 

REF: JSL/M/XERM/219-683/082011                                                 DATE:  20/08/11

XEER MADAXWEYNE NO. 0168/082011

DHAQAN-GALKA XEER LR. 14/2011

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu Soo Saaray,

Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011

Alla Mahad Leh

Ahmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS