Somaaliland Waxaa ka Jirta Dawlad Wadaag ah Oo Mudo kordhin Kasta Dani Ugu Wada Jirto. Qormada 3 Aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaaliland Waxaa ka Jirta Dawlad Wadaag ah Oo Mudo kordhin Kasta Dani Ugu Wada Jirto. Qormada 3 Aad
November 15, 2016 - Written by Editor:

Wax kabaro  ;Habka Farshaxanka Ah Ee Madaxwayne Siiraanyo Iyo Gudoomiye Saleebaan Dabarka Adag Ugu Xidheen Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land Uguna Badaleen  Mudo Kordhinta Una Dheeli Tireen Dawlada Wadaag Ah Oo Dan Walba Wadaagta!!

Iyadoo Qormadii Labaad Su”aalo badan ka waydiinay Hanka Shaqsiga ah ee ay leeyihiin Siyaasiyiinta  Saaxada Xisbiyada Siyaasada ku jira ee ka sokeeyaTaageerada ay u hayaan Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga uu ka tirsan yahay waxay Qormada Sadexaad Bahda Shabakada Wararka ee wajalenews.net ay Su”aalo ugu bandhigaysaa Dhalinyarada ,Aqoonyahanka ,Culimada ,Madaxdhaqmeedka,Haweenka, Ganacsatada  iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada S/land .

Geedi socodka Dimuquraadiyada S/land waxuu soo maray marxalado kala duwan iyadoo Taariikhdu ka marag kacayso in Nidaamka Doorasho ee habka Dimuquraadiyadu loo soo doorto Madaxda kala duwan ee Golayaasha Qaranka S/land yeelanayo uu bud dhig u ahaa Siyaasadii lagu yagleelay S/land iyadoo Bilawgii Dhismaha Dawladnimo S/land laga hir galiyay Nidaamkii Doorasho ee ku qeexnaa Xeerkii ama Sharcigii ugu horeeyay ee loo yaqaanay Axdi Qarameedka S/land Sharcigan oo ay wada dhigteen heshiisna ku ahaayeen Beelaha S/land iyadoo Jamhuuriyada S/land ay ka dheceen Laba Doorasho oo Nidaamka Hab Beeleedka waafaqsanaa ama Xeerka Axdi Qarameedka Waafaqsanaa Labada Doorasho oo qayb ka ahaa  Shirwaynihii Labaad ee ka qabsoomay Magaalada Boorama iyo Shirwaynihii Sadexaad oo ka qabsoomay  Magaalada Hargaysa .

madaxda

Iyadoo Bulsho Waynta ku dhaqan Jamhuuriyada S/land ay Maalin ku Taariikhaysan 31/5/2001 ay u dareereen in ay u codeeyaan Aftidii  Distoorka Jamhuuriyada S/land iyadoo Natiijadii ka soo baxday Aftidii laga qaaday Bulsho waynta S/land ay xaqiijisay in Boqolkiiba Sagaan Todoba ka mida Bulshada ku dhaqan ay ogalaadeen Qodobada ku cad Distoorka S/land .

Talaabadaa hore loo qaaday waxay Jamhuuriyada S/land ka badbaadisay Khilaaf Siyaasadeed oo iman lahaa Distoorka La”aantii  markii Geeridii Naxdinta lahayd ku timid Madaxwaynihii Jamhuuriyada S/land Alle ha u Naxariistee Marxuum Maxamad X Ibraahin Cigaal isagoo Marxuum Cigaal Geeridiisa ka hor dhamaystiray waxyaabihii suurto galinayay in Dalka S/land noqdo Jamhuuriyada Dimuquraadi ah oo Doorayooshin ka dhacaan isagoo Madaxwayne Cigaal inta aanu Dhiman dhamaystiray Xubnaha Gudida Diiwaan Galinta Ururada Siyaasada iyo Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinku Qaranka S/land ku yeelanayo sidoo kale waxuu Alle ha u Naxariistee Madaxwayne Cigaal bud dhigay Xeerarka lagu soo dooranayo Golayaasha Deegaanka iyo Xeerka lagu soo Dooranayo Madaxayneha iyo Madaxwayne ku Xigeenka.

Iyadoo Madaxwaynihii hore Ee Daahir Kaahin Munaasibadii uu Xillka Madaxwaynaha ku Wareejiyay Madaxwayne Siiraanyo uu sheegay in uu isagu Fuliyay Nidaamka Doorasho ee uu dalka ka hirgaliyay balse uu Seeska u dhigay Marxuum Cigaal hadii aan ku soo noqdo Dulucda Qoraalkayga waxaan Marag cad uga dhigayaa in Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan isla kaashadeen Dabarka Adag ee lagu xidhay  Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land iyo Habka ay u dheeli tireen Dawlada Wadaaga ah ee Dalka S/land ka talisa Dawlada Wadaaga ah ee wax walba wadaagta haday tahay Mansabyada hada iyo kuwo soo socda oo ay Murashaxiin ka yihiin .

Cahdigii Madaxwayne Rayaale Hanaankii ay u socotay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land  ayaa ah mid Xuskiisa mudan iyadoo Saaxada Siyaasadu ahayd mid furan oo Siyaasiyiinta mid kasta hankiisu ka dhex muuqdo iyadoo Qormada Labaad ku xusnay Doorashadii Golaha Wakiilada ee uu Dalka ka dhacday waxaase xusid mudan in Madaxwayne Rayaale Qabyo kaga tagay hanaankii Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land waxaanu ku Guul daraystay in uu Dalka ka qabto Doorashadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka ama Golaha Guurtida waana ta keentay  Maanta in Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan uga Faa”iidaystaan in uu Gabi ahaanba joogsado Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land iyadoo Golaha Guurtidu noqday Dabarka u wayn ee ku xidhan Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land  .

Qormada Sadexaad waxaan ku soo Afmeerayaa Su”aalo aan ugu talo galay in ay ka soo Jawaabaan Dhalinyarta iyo Aqoonyahanka Rag iyo Dumarba leh.

Ma Maqasheen Masuul kaliya ama Siyaasi hadal qaadaya Xeerka lagu soo dooranayo  Xilldhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka S/land ama Golaha Guurtida ? Ma Maqasheen Madaxwayne ilaa Murashaxiinta Madaxwaynaha ee ku tartamaya Saaxada Xisbiyada Siyaasada iyagoo Hadal qaadaya Xeerka lagu soo dooranayo Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka ama Golaha Guurtida ? Imisa Sanno oo danbe ayay Doorashada Golaha Guurtidu u Dabranaan doontaa in lagu dhici waayo Xeerka lagu soo dooranayo?  Muwaadin miyayna kuu muuqan in Mudo dhaafkii Sharci darada ahaa ee Golaha Guurtidu dhabada u xaadhay in ay isku ekaadaan Golihii Wakiilada ee u horeeyay ee Bulshada S/land Codkooda ku soo doortaan ?  Muwaadin miyayna kuu muuqan in Aqalka sare ee Baarlamaanka S/land ee Golaha Guurtidu uu noqday Dabarka adag ee lagu xidhay Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land ? Miyaanse la gaadhin Waqtigii Bulshada S/land iyadoo isku duuban ka Dagaalami lahayd Sharci jabinta iyo ku Tumashada Distoorka S/land ee muddo dhaafka Kuraasta ku sii fadhiya ?

Bahda Shabakada Wararka ee wajaalenews.net waxay ka Codsanaysaa Dhalinyarta, Aqoonyahanka Rag Dumarba in Jawaabaha Su”aalahan ku soo hagaajiyaan  wajalenews@gmail.com si aanu u ogaano halka uu gaadhsiisan yahay Dareenka Muwaadiniinta S/land

 

La Soco Qormada Afraad Oo Aan Bulshada S/land Ugu Iftiimin Doono In Ay Lagama Maarmaan Tahay In Doorashada Ugu Horaysa Ee Dalku UBaahan Yahay Tahay Doorashada  Aqalka Sare Ee Baarlamaanka S/land Ee Golaha Guurtida Iyadoo Doorashada Labaadna Tahay Ta Golaha Wakiilada.

 

COMMENTS
LINKS