Daruurtii Horumarka Oo Ka Dull Hoortay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Hogaamiye Ku Dayasho Mudan. Faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daruurtii Horumarka Oo Ka Dull Hoortay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Hogaamiye Ku Dayasho Mudan. Faalo
November 25, 2016 - Written by Editor:

Madaxwaynayaashii Hore Ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Wada Jir U Hambalyeeyay Uguna Bogaadiyay Horomarka Uu Ku Talaabsaday Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Waxayna Marag Cad U Tahay Horumarka Muuqda Uu U Horseeday Dadkiisa Iyo Dalkiisa Hooyo!!! Abwaan Sacad Gadhle.

Hargaysa(Wajaalenews) Diiwaanka Taariikhdu waa mid furan Qalinkuna waa mid u diyaara in lagu qoro Dhacdooyinka Maalinlaha ah ee Qadarka Eebe ku socda,waxaana DiiwaanadaTaariikhda ku qoran Madaxwaynayaal Bulshooyinkii ay xukumayeen u horseeday in ay ku noolaadaan Horomar iyo Badhaadhe waxaana Safka hore kaga jira Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar waxaana hubaala in Taariikhdu halmaamin Hogaamiye kasta oo u hagar baxay in uu Horumar iyo Bulshadiisa iyo Dalkiisa Hooyo .

Hogaaminta iyo Kartidu waa galad Eebee waa qormooyin ku haboon in aan Diirada Qoraaga ku qabto Daruurtii Horumarka oo ka dull hoortay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo hogaamiye Bulshadiisa u horseeday Nabad, Horumar iyo Barwaaqo ay gaadheen Xukuumada iyo Shacabka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxwayne Hansan,Hall adag,Hadaf cad.oo Higsi fog,Madaxwayne Hawlkara oo Dadkiisa ku Hogaamiyay Himiloooyin iyo Qorshayaal fog oo Bulshadiisu ay Muddo badan tabayeen,  Madaxwayne u Hagar baxay siday Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya uga Saar lahaa  dib u dhac hortii jiray Allena ku guuleeyay .Waa qormooyin aan ku habeeyay Baalasha Dahabka ah ee ku xardhan Diiwaanka Taariikhda ee ugu qoran Madaxwayne Hilaadin leh oo Shacabka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Miyi iyo Magaalaba ka war haya noloshooda,Madaxwayne ka midho dhaliyay Hamigiisii ahaa in Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay hesho Ciidan adag oo ka Hortagi kara baabiina kara Shirqoolada Dhagaraysan ee Kooxaha Nabad diidka ah ee cadawga u ah Nolosha Bulshada Geeska Afrika ku dhaqan iyadoo Shacabka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay maanta ku nool yihiin Nabad buuxda,Madaxwayne Hantay Quluubta Shacabkiisa, Madaxwayne kor u qaaday Haybada, Sharafta ,Hidaha ,Afka iyo Dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed,Madaxwayne Hirgaliyay Qorshayaal cad oo Horumarineed oo ay kula qaybsanayso Dawlada Deegaanka Soomaalidu Horomarka guud ee ka hana qaaday Dawlada Faderaalka Itoobiya .

madax jig jiga 2

Araartaa aan gundhiga uga dhigay Qoraalkaygu halkaa ha ii joogtee waxaan Qormooyinka danbe Diirada ku saari doonaa Mashaariicda Horomarineed ee Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  ka Hirgaliyay Deegaanka balaadhan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya isagoo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Horomarka ka bilaabay Xoojinta Midnimada iyo Isku duubnida qaybaha kala duwan ee Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Jaaliyadaha Dibadaba isagoo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar soo gaadhsiiyay in Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay Noqdaan Madax iyo Mijo Bulsho Awood badan oo Noloshooda saldhig u tahay Nabad,Midnimo,Wadajir,iyo Horomar ball hada aynu dull joogsano Kaalintii Hogaamineed ee Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

 Xoojinta Midnimada Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Madax Iyo Shacaba.

Waxaa Taariikhda ka marag kacaysaa in markii Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar loo doortay Hogaaminta Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu xooga saaray Xoojinta Midnimada Bulshada isagoo Talaabadaa ku xaqiijay Wacyi galin Xoogan iyo Shirar uu u qabtay Bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo Hogaaminta Suuban ee Madaxwayne Cumar ay u horseeday in Siyaasiyiinta, Madaxdhaqmeedka, Aqoonyahanka, Culumada, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada waxayna keentay in ay Xoogaysato Midnimadii iyo Wadajirkii Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya isagoo Madaxayne Cabdi Maxamuud Cumar Curiyay Shirkii Koboca Dhaqaalaha ee Shacabka iyo Xukuumada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka bilaabmay Magaalada Jigjiga 20/7/2015 .

Mar kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar waxuu Guulo ka soo hooyay Safaro badan oo uu tagay Wadamada Carabta,Yurub iyo Maraykan isagoo Kulano iyo Shirar kula soo yeeshay Qurba jooga u dhashay Dawlada  Deegaanka Soomaalida Itoobiya isagoo Madaxwayne Cumar ugu baaqay Qurba joogu in ay Maalgashadaan Dalkooda Hooyo waxaase iswaydiin mudan ma jiraa Madaxwayne kale oo Shacabkiisa kala tashada Horomarinta Dalkooda Hooyo ? Jawaabtu waxay tahay ma jirto maan arag Madaxwayne Shacabkiisa kala tashada waxayna Talaabadaa uu qaaday ka dhigtay Hogaamiye ku dayasho mudan.

jig jiga 1

Waxaan Qormada ku soo Afmeerayaa Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar waxuu Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya soo gaadhsiiyay in Dareen mida iyo Aragti mida kaga Jawaabaan  Xaalad kasta oo lasoo Gudbaanaata  sida Mudaharaadkii Shacabka iyo Xukuumada Dawlada Deegaanada Soomaalida Itoobiya ku Xaqiijiyeen Kalsoonida ay ku qabaan Dawlada Faderaalka Itoobiya  .

Ugu danbayn  halkan ka Akhri Magacyada Madaxwaynayaashii soo maray Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya  .

madaxwaynayaashii soomaray kililka

Axmed makaahiil

Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Qani

Iid Daahir Faarax

Khadar Macalin

Cabdirashiid Duulane

Cabdi Jabriil

Cabdulaahi Xasan

Dauud Maxamed Cali

Cabdi Maxamuud Cumar

 

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Hargaysa S/land

Tell 0634669910

 

 

COMMENTS
LINKS