Talo-bixin ku Aadan Su’aasha Agaasime Guud: Bare Sare Cabdi Cali Jaamac? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo-bixin ku Aadan Su’aasha Agaasime Guud: Bare Sare Cabdi Cali Jaamac?
November 29, 2016 - Written by Editor:

Salaam ka dib Mudane Agaasime,

Waxay aniga ila tahey in aad ka dhawaajisey arrin muhiim ah oo maamul ahaan in wax looga qabto inooga baahan si dhakhso ah. Waa mid si weyn u soo if baxdey intatan wakhtiga dambe ah oo koriinka qarankeenu uu aad u xoogeystey. Sidoo tahey, waxay ila tahey in si cilmiyeysan loo waajaho arrinta iyada oo dowladu leedahey hogaaminta. Waxaan qabaa in laba qodaban hoos ku xusan la sameeyo:

Mida xilliga dhow ah:

Waa in aad la wadaagto arrinta aad ka dhawaajisey masuuliyiinta wasaarada ee wasiir leh, wasiir-xigeen leh, iyo wasiiru-dowle. U sheeg in sida ugu haboon ay tahey in masuuliyiinta sare ee wasaarada kala tashaneyso arrinta iyo sida sax u tahey waafajinta farsamo ahaan in la furdaamiyo taas oo waafaqsan nidaamka dowladnimo.

Waa in aad si deg dega la wadaagto arrinta xaasaasiga agaasime waaxeedyada wasaarada oo talo iska weydiisaan sida looga gudbi karo muddada dhow. Ceeb kuma jirto in masuuliyiinta sare idinka oo agaasimka wasaaradiinu u dhan yahey haddiiba la wadaagtaan. Waxaan ay iila muuqato in sax ku tahey.

Waxaan filayaa in aad isla qaadan doonta in marxalada xigta kulan u qabataan dhamaan howl-wadeenada wasaarada muddo; hal maalin ama laba ah oo guddoonka gobolada iyo degmooyinku ka mid yihiin.

Kulankaas waa in aad hor-dhigtaan qodobo dhowr ah oo si kala mudan isula qaadan doontaan adiga iyo agaasime waaxeedyadu. Hadda qodobada aan ka hadlayaa waa inta maskaxdiinu koobi karto oo ku xidhiidhsan arrintan baahsanida maamul ah oo runtii ah mid meel-ka-dhac iyo qayiraad ugu filan heybada dowladanimada.

Qodobada marka ka munaaqishootaan haddiiba aan kuwo  kale lagu biirin, waa in xalka xilliga dhow lagaga gudbaayo isla qaadataan misna si deg deg ah loo fuliyo maamul wasaarad ahaan.

Waa in warbaahinta laga wargeliyo shacabka soo jeedinta furdaaminta arrinta muruga maamul ah ama noqon karta iyada oo la tilmaamayo caqabadaha jira ee aad tiraabtey, sida u xanibeen geedi socodkii maamulka, iyo toosinta aad soo bandhigeysaan.

Kan Xilliga Fog ah:

Waa in aad wasaarad ahaan u qaabeysaan soo jeedintiina in heer qaran laga dhigo xalinta arrinta waayo, “far keli ah fool ma dhaqdo weeye”

Masuuliyiinta sare ee heerka wasiirada wasaaradu waa in ay golaha xukuumada hordhigaan fikirkiina idinka oo ay cadahey, hilaadinta dhibtaada maamulka ee tiraabtey, caqabadaha ay ku heyso geedi socodka maamulka, qiimo-tirka meel ka dhaca ku heyso heybada qaranka, soo jeedintiina wasaarad ahaan. Waa in aad xaradhaan mushkidalatan idinka oo tilmaamaya sida muhiim u tahey in xal qaran laga gaadho.

Waa in si deg deg ah golaha xukuumadu u derso, u hubiyo, oo isla qaato sida dhibaatadatan inoogu habsatey misna ay muhiim u tahey in xal loo helo. Waxaan ku rajo weynahay in  ay ina xasuusin doonto sida maamul ahaan ay aheyd hab-maamuleedka ina gaqaldamey oo inooga baahan in aynu saxno.

Waxaan filayaa in la isla qaadan doono dhameystirka iyo nafhurka ay inooga baahan tahey in hab-nidaam maamul oo dhab  oo sameeyo arrintan si mustaqbalka keliya la isula xisaabtamo ku dhaqankiisa.

Intaas Ayaan ku soo koobi lahaa wax-ku-biirinta codsiga Agaasimaha Guud.

 

Allaa mahad leh,

 

Qalinkii:     Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 

Cell phone: 00252 (0)63 4137470

Email: mustafe72@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS