Muqdisho; Madashii Musuq maasuqa! Qalinkii Cabdirashiid Axmed Shibane | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muqdisho; Madashii Musuq maasuqa! Qalinkii Cabdirashiid Axmed Shibane
November 29, 2016 - Written by Editor:

Maanta ayaa waxaan la sheekeystay muwaadin, sita dhalasho Soomaali ah iyo mid Noorweyjiyaan ah. Wuxuu ii sheegay in uu dalkii tagay, isaga oo rabay in uu soo arko dalkiisa hooyo, daltabyo dheer ka dib, iyo in uu soo sameysto baasaboorka dalkiisa. Waxay ku qaadatay muddo dheer iyo in uu ka daba wareego aqallada dalka looga taliyo. Xafiisba xafiis ayuu u dhiibayay. Wuxuu ii sheegay, isaga oo ilmo soo buuxisay indhihiisa, in uu ku bixiyay helitaanka baasaboorka uu rabay lacag dhan 300 oo Doollar.

Qashqashaadda iyo canaadka waxaa u sii dheeraay in aan la dareensiinin muwaadinnimo iyo xushmadda ay leedahay. “Yaa waaye?.Yaad ka socotaa?. Yaad tahay?”, intaas oo dhan waxey ahaayeen weydiinta ugu badan ee uu xafiis kasta ka la kulmayay, waliba isaga oo laaluush iyo hoos ka taabasho loogu shaqaynayey. Qarracanka ugu weyn wuxuu dareemay, markii uu ku soo laabtay dalkiisii labaad, Noorwey. Is la markii uu albaabka aqalkiisa soo galay, wuxuu ku dhex arkay warqad tiimbaraysan, kana socota xafiiska canshuuraha ee Norweey. Warqaddaas waxaa ku qornaay erayo kooban oo lagu la hadlayo isaga, waliba si ay dabacsani ku dheehan tahay.

“Muwaadinka qaaliga ahaw, waxaa jirta lacag qiimaheedu intaas tahay, (lacag u dhiganta seddex Doollar oo tan Mareykanka ah), oo aad si aan kas ahayn ugu soo dartay canshuurtii aad bixisay 2010-kii. Hadda ayaan ogaannay in ay waajib nagu tahay in aan dib kuugu soo celinno lacagtaas, qaladkuna xaggaaga ayuu ka dhacay, oo adiga ayaa ku soo daray, ka raalli noqo dib u dhaca aan sameynay. Haddii aadan ku qanacsanayn warqadda, waad na dacweyn kartaa, waxaadna codsan kartaa qareen kuu andacooda.”

Quustii iyo quursigii uu dalka kala soo laabtay isaga oo la yaabban, ayey warqaddaasi waxay tustay, farqiga u dhaxeeya dhaqanka dalkiisii hooyo iyo kan uu martida ku yahay, balse, aan marti ahaan loo la dhaqmin. Wuxuu ii sheegay, in uu habeen kasta ku riyoodo qaabkii foosha xumaay ee uu kala soo kulmay xafiisyada tirada badan ee magaalada Muqdisho ka furan, iyo lacagta 3 Doollar ah ee dib loogu soo celiyay muddo 5 sanno ka dib.

Qaabdhaqanka ku summadeysan musuqa, naf-jeclaysiga, qaraaba-kiilka, ee ka taaggan guud ahaan gayigeenna, waxey dhabbada u sii xaareysaa in kalsooni xumo lagu kala dhex abuuro bulshada Soomaaliyeed ee sii liiceysa.

FG: sheekadan waxan kala so baxay wll Cabdicasiis Maxamad Shidane

COMMENTS
LINKS