Qaylo Dhaanta Iyo Eedaha Xisbiga WADANI Waa Baroortu Orgiga ka weyn! Qalinkii Siyaasi Axmed Muxumed Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaylo Dhaanta Iyo Eedaha Xisbiga WADANI Waa Baroortu Orgiga ka weyn! Qalinkii Siyaasi Axmed Muxumed Cumar.
December 2, 2016 - Written by Editor:

Labadii todobaad ee aan soo dhaafnay waxaa warbaahinta gudaha ee kala duwan ku soo baxaysay qaylo ka soo yeedhaysay masuuliyiinta xisbiga wadani oo ay wax kaga sheegayeen Madaxweynaha Qaranka iyo Wasiirka Maaliyada oo ay ku eedaynayeen shirar ay la yeesheen qaybo ka mid ah beelaha degen gobolka toddheer oo ay ku xoojinaayeen taageerada ay beelahaasi u hayaan Xisbiga Kulmiye,

axmed nasiye

Hadii aan si kooban u dulmaro eedaymahaas ay kula dul kufeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Zamzam oo ahaa qaar ka fogaa xaqiiqada iyo dhaqanka xisbinimada taas oo daaha ka Rogtay tamar darada Xisbiga wadani iyo inay arkeen in rajadoodii guusha Doorashada  jagada Madaxweynaha Qaranku mugdi gashay aadna uga fog tahay.

axmed talyaani

Madaxweynaha waxay eed uga dhigeen inuu cid gaar ah u ololaynayo oo aanu dhex ahayn, arintan oo ah wax aad loogu qoslo laakiin su,aasha is weydiinta leh waxay tahay halkay ku arkeen Madaxweyne Xisbi ka soo baxay oo Xisbiyada dhex u noqda? Miyaanay daawan oo aanay warbaahinta caalamiga ah kala socon doorashadii ugu dambaysay ee ka dhacday dalka Maraykanka sidii Madaxweyne Obama ugu ololaynaayay Murashaxii u ordaayay Xisbigiisa Hilliary Clinton, dhacdadan oo  aan u soo qaatay inay tusaale ugu filaanto  ahna tii ugu dambaysay

Waxaa hubaal ah inay jiraan arimo badan oo kale oo loo baahan yahay in Madaxweyne kasta oo shacabku doorta ay lagama maarmaan tahay inuu dhex ka noqdo oo uu cadaalada iyo sinaan u sameeyo Xisbigiisa iyo Xisbiyada kale mucaaradka ah laakiin markay timaado cod u raadinta iyo xoojinya taageerayaasha Xisbigiisa marna dhex kama noqon karo ee si cad ayuu uga badheedhayaa

Madaxweyne Siilaanyo waxaa kale oo ay eed uga dhigeen inuu shir la galay beel gaar ah, hadalkaa waxaan arkaa mid iska dheh ah ama is indho tir ah waayo waxaa marag doonta ah in  nidaamka dhaqanka  siyaasadeed (political culture) ee JSL waqtigan xaadirka waxay ku salaysan tahay hanaan beelaysan, may ahayn markii ugu horaysay ee madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay ee soo qabtay hogaanka Qarankan ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen beelaha ku dhaqan Gobolada iyo degmooyinka ay ku taagaan safarka shaqo  iyada oo weliba ay jirto inay hadh habeen kula kulmaan qasriga Madaxtooyada

Kama dambaystiina u malayn maayo in Xisbiga WADANI uu ka qaylinaayo kulanka Madaxweynuhu la yeeshay beelahaas laakiin xaqiiqdu waxay tahay waxaa aad damaqday Kulamadii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye la yeeshay beelaha reer Caynaanshe iyo Cali Siciid oo ah mudanta beelweynta Habar Yoonis, beelahan oo ahaa beelaha uu Xisbiga WADANI  taageeradooda isku halaynaayay , dhacdadan iyo qaar kale badan oo aanan halkan ku soo koobi karayn oo ka dhacay gobolada dalka intii uu weftigii Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga hogaaminayeen ay ku guda jireen safarkoodu ay ugu kuur gelayaan xaalada Abaaraha ku habsaday Gobolada bariga JSL ayaa sida ay iftiiminayso baroorta iyo qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa masuuliyiinta ka tirsan Xisbiga  WADANI ayaa ah qaar meesha ka saaray rajada taageeradii xisbigan WADANI ka filaayay Gobolada bariga Somaliland arinkooduna waa baroortu Orgiga ka weyn

 

Qalinkii Aqoonyahan/Siyaasi

Axmed Muxumed Cumar (Talyaani

COMMENTS
LINKS