Ilayskii Weecday!! Qalinkii Cabdiqani Maxamed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ilayskii Weecday!! Qalinkii Cabdiqani Maxamed
December 2, 2016 - Written by Editor:

Nolosha Aadamuhu waxa ugu macno badan, oo samayn badana samaysa wakhtiga dhalinyarnimda, qof walba wakhtiga dhalinyarnimada waxa uu tabcaday uunbu hadhow dheefta.

Siyaasadda Somaliland iyo Dhalinyaradu waa laba run ahaantii isa seegay marka loo eego ifafalaha soo muuqda.

Rajada iyo mustaqbalka dalka marka la eegayo waxa laga qiyaas qaata boqolkiiba imisa dhalinyaro ah.

Dhalinyaradu aad bay ugu fashilmeen inay kala tageraan xisbiyada ka jira dalkeena JSL. waxa la qabay rajo ah in wax badan is badali doonan oo aragti cusubna la iman doonan haday xisbiyada kala tageraan. dhalinyaradu waxay noqdeen qaar aan soo dhaafin xayn daabka reernimo oo aan la iman aragti cusub. indho la’aan ayay ku kala tageerayan kolba midka ugu xiga ee reerkooda.

Waayahan danbe ee dhalinyaradu kala tageerto xisbiyada waxa dalka gabi ahaantiisaba soo galay qabylaad ba’an oo xiisadeeda leh. qoqob iyo qaybsanaan, kala shaki bulsho iyo Takoor.

Manta waxa la filayay iyo xaqiiqda dhabta ah ee dhalinyaradu ku hagardamisay qarankooda nus qarni jirka ah waa boog aan hore u bogsanayn.

Cabdiqani Maxamed

COMMENTS
LINKS