Halka Ka Akhri; Labaatan Su”aalood Oo Ku Socda Madaxwayne Siiraanyo, “Jawaab Madaxwayne Maanta”! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halka Ka Akhri; Labaatan Su”aalood Oo Ku Socda Madaxwayne Siiraanyo, “Jawaab Madaxwayne Maanta”!
December 2, 2016 - Written by Editor:

Labaatanka Su”aalood waa kuwii ugu haboonaa ee Madaxwaynaha laga waydiin lahaa  Duruufaha Siyaasadeed ee Maanta Dalku ku sugan yahay sida Wasiir Wasiir ka sareeya, Haykalkii Dawladeed oo lumay iyo Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land oo Gabi ahaanba Joogsaday Dalkana ay Xukumaan Golayaal  Mudo dhaafay sida Aqalka Sare ee Baarlamaanka ama Golaha Guurtidu uu Labaatan Jirsaday iyo Golaha Wakiiladu oo Laba iyo Toban jirsaday iyadoo Bulshadu garan wayday Jihada uu Geedigu u socdo iyo Waqtiga uu Dalku ka baxayo Jaho Wareerka Siyaasadeed iyo Mugdiga uu ku jiro isla markaana Bulshada S/land  garanayn  Jihada uu Geedigu u socdo  bal aynu Su”aalahan Mid Mid u dull joogsano anigoo leh Jawaab Madaxwayne Maanta.

SIILAANYO 2

1: Madaxwayne “ Waxaa hab Maamulkaaga lagu dhaliilayaa in aad Burburisay Haykalkii Dawladnimo Qabyaaladana soo noolaysay iyadoo lagu Sabobaynayo Burburka Xisbiyada Qaranka ee Muddo Xileedkaaga  iyo Muddo dhaafka Golayaasha Qaranka  maxaad ka leedahay Eedaa Culus ?

2: Madaxwayne “ Waxaa Muddo xileedkaaga Xukuumadaada lagu arkayaa Wasiirada Xigaalkaaga ah oo ka sareeya Wasiirada kale iyo  Xillal aad u Magacawday Xubno ka mida Qoyskaaga iyadoo aan hore loogu Arki jirin Madaxwaynayaashii kaa horeeyay  muuqaaladaasi  miyaanay ahayn Marag cad oo loo hayo in aad ku kacday Qaraabo kiil ?

3: Madaxwayne”  Dadka Arimaha Siyaasada u kuur galaa waxay hab Maamulkaaga ku eedeeyaan in ay Bulshada ku jaho wareerisay Durbaano Siyaasadeed iyo Dabaaldagyo Joogto ah balse aan la garanayn Waqtiga Garoonka Siyaasada ay ku Tartami doonaan Xisbiyada Siyaasada ee loo Dabaaldagayaa  Maxaad Eedaa  ka leedahay ?

4: Madaxwayne” waxaa lagugu eedaynayaa in Muddo Xileedkaaga ay  joogsatay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land  Eedaa maxaad ka leedahay ?

5: Madaxwayne” Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ama Golaha Guurtidu goormay dhacaysaa Hab kasta iyo Xeer kasta halagu soo doortee?

6: Madaxwayne”  Ma jiraan Caqabado sababaya in Doorashada Madaxtooyadu mar kale dib loo dhigo ma jiraanse  gaabis kaaga muuqda Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyadoo waqtigii Doorashada loo cayimay ay ka hadhsan yihiin Afar Bilood ?

7: Madaxwayne”goormay ku dhawaaqayaan komishanka Doorashooyinka Tirada Cod bixiyaha ee iska diiwaan galisay Gobolada iyo Dagmooyinka ? Imisa Maalmood ama Bilood ayay qaadanaysaa Hawsha baaxada leh Komishanka Doorashooyinka hor taala ee Warqada Codbixiyaha loogu badalayo Kaadhka rasmiga ah ee  Codbixiyaha?

8: Madaxwayne” Imisa Bilood ama  Imisa  Sannadood ayaad dib u dhigtay Doorashada Golaha Wakiilada  ee hore loogu mudeeyay in ay Dalka qabsoonto 28/3/2017 ?

9: Madaxwayne” Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale waxuu Dalka ka qabtay Sadex doorasho Muddo Sadex Sanno gudahooda halka Muddada Xillka aad haysay oo ah Lix Sanno iyo Bilo ah ay Dalka ka dhacday Doorashadii Golaha Deegaanka oo kaliya  Maxaad ku  Sabobaynaysaa Culayska kaa hortaagan Qabashada Doorashooyinka ?

10: Madaxwayne” Waa kuma Madaxwaynaha kaa danbeeya ee ku dhiiran doona Saami qaybsiga Golaha Wakiilada sidii Madaxwayne Daahir Rayaale dalkana ka saari doona Golayaasha mudo dhaafay ee Laba Xill doorasho iyo inta ka badan Kuraasta ku fadhiya  ?

11:Madaxwayne “ Taariikh kooban hadaan ku xasuusiyo Madxwaynihii hore ee Daahir Rayaale waxuu Dalka ka qabtay Doorashadii Golaha Deegaanka ee u horeysay 15/12/2002 Halka Afar Bilood ka dib 14/4/2003 uu dalka ka qabtay Doorashadii Madxwaynaha halka Doorashadii Sadexaad ee Golaha Wakiilada uu Dalka ka qabtay 29/9/2005 ugu danbayna uu Doorashadii Madaxwaynaha ee labaad uu Dalka qabtay 26/6/2010 isagoo Taladii Dalka ku wareejiyay Madaxwaynihii Bulshadu dooratay  oo adiga ah Su”aashayduna waxay tahay  ma siinaysaa Daahir Rayaale  Shahaado Sharaf aad ku maamuusto oo ah Hirgalinta  Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land  ?

12: Madaxwayne”  Yaa leh eeda Masuuliyada dib u dhaca doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamaanka Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada iyo Doorashada  Madaxwaynaha oo Sabobay in ay Dalka ka Taliyaan Golayaal Mudo Dhaafay ?

13: Madaxwayne” Mudada Lixda Sanno iyo Bilaha ah ee Talada Dalka haysay ma  jiraan  Masuuliyiin aad ku gaftay oo aad ku qaldantay ama Xillkii aad u dhiibtay si Qalad ah uga qaaday  oo Raalin galin ka bixinayso ?

14 : Madaxwayne “  Sida ku cad Distoorka Qodobkiisa Sagaashanaad  Awooda ugu saraysa Qaranka S/land Maxaa u Sabab ah Khilaafyada Ragaadiyay Xisbiyada Qaranka Xisbigii Udubna burburiyay Xisbigii Ucidna la sakaraadayo Muddo Xileedkaaga?

15: Madaxwayne” Siyaasiyiinta Mucaaradku waxay kugu eedeeyaan in aad burburisay Xisbigii Udub Maxaad ka leedahay Eedaa Culus ?

16: Madaxwayne “ Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cali Warancade waxuu Afkiisa ka Qirtay in uu Gacantiisa ku Burburiyay Xisbigii Udub isagoo Xillkii Wasiirka Arimaha Gudaha ee aad u magacawday ku fadhiya  wax Talaabo ahna kamaad qaadin Markaa ma la odhan karaa Madaxwayne Siiraanyo Kaalin Muuqata ayuu ku lahaa Burburintii Xisbigii Udub ?

17:  Madaxwayne “waa markii u horaysay ee S/land Madaxwaynaha Xillka hayaa aanu ka qayb galayn Tartanka Madaxtinimada miyaanay kula gudbuunayn in aad Odaynimo samayso oo aad ka gurmato  Khilaafka Ragaadiyay Xisbiga Ucid oo Xeer Lr 14/2011 ugu Garnaqdo Qodobka 12 Faqradiisa 10 Aad ku kala Xukunto Murashaxa iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ?

18: Madaxwayne “waxaa Hab Maamulkaaga lagu Eedeeyaa in uu Gabi ahaanba Hawl gab ka dhigay oo aanay shaqaynin  Hayadii Qaranka u Qaabilsanayd La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Hanti Dhawrka Musuqmaasuqiina uu Dabarka goostay  Maxaad ka leedahay Eedaa Culus ?

19: Madaxwayne “Mudo Xileedkaaga waxaa Bulshada S/land ku soo noqnoqda Abaaro Baahsan, Sarif Barar , Nolol Cidhiidhi ah iyo Hoos u dhac ku yimid Qiimihii Xoolihii  laga Siisan jiray Xukuumadaadu Daraasad iyo Cilmi Baadhis ma Samaysay Sobobaha keenaya Dhibaatooyinka ?

20: Madaxwayne “Mudada Lixda Sanno iyo Bilaha ah  ee Talada Dalka haysay marna ma la kulantay oo Waqti ma siisay Bulshada Miyiga ku nooli kaaga Xog waramaan  Duruufaha Qalafsan ee ay ku nool yihiin ?

Waxaan ku soo gunaanadayaa Madaxwayne Waxaan kaa sugaynaa Jawaabaha Alle sida khayrka leh ha  ina waafajiyo.

Wariye C/qaadir C/raxmaan Habane

wajalenews@gmail.com

Hargaysa Somaliland

 

 

 

COMMENTS
LINKS