Jaamacada Hargaysa iyo Xamar Maxaa ka Dhexeeya ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamacada Hargaysa iyo Xamar Maxaa ka Dhexeeya ?
December 5, 2016 - Written by Wariye:

 Sida aynu la wada socono wadan waliba wuxuu ku faanaa oo ku xisaabtamaa jiilka usoo kacaya gaar ahaan kuwooda aqoonta leh siiba aqoonta sare leh kuwaas ayaa xooga la saaraa oo wadaninimo lagu beeraa cid kasta oo aan munaasib ku ahayna laga ilaaliyaa. Hadaba wadankeena (Somaliland) waxaa ku yaala jaamacado badan oo aqoonyahano tira badani inooga soo baxaan, jaamacadahaasna waxaa ugu balaadhan jaamacada Hargeysa. Hadaba mudooyinkii dambe waxaa inagu soo badanaya in ragii masuuliyiinta iyo macalimiinta ka ahaa jaamacadu ay kusii qul-qulayaan Muqdisho iyagoo xilal u raadsanaya Somalia, ragaa waxaa ka mid ahaa ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somalia MAXAMED IIDLE waxa kale oo ka mid ah haweenaydii asaasayaasha jaamacada ahayd FOOSIYA YUUSUF X.ADAM iyo weliba C.RASHID YUUSUF GAAXNUUG oo ahaa hormoodka jaamacada, kaasoo kuraasta Baarlamaanka smalia u doontay Muqdisho. Hadaba is waydiintu waxay tahay intee in leeg ayaynu ku baraarugsanay tuhunkaa dul hoganaya xaruntii ugu waynayd ee aqoonyahankeenu kasoo baxayay. Xukuumad iyo shacbiba waajib ayaa inaga saaran inaynu ka war hayno cidda lagu aaminayo mustaqbalka dalka

Wariye Zeki Adem Zuxufi

COMMENTS
LINKS