ADIGU HADDAAD JAMAAL TAHAY MAXAAD YEELI LAHAYD (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ADIGU HADDAAD JAMAAL TAHAY MAXAAD YEELI LAHAYD (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID).
December 5, 2016 - Written by Wariye:

 

Abdiraxmaan CaydiidMahad Dhamaanteed Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeena Muxammad. Salaan Qaaliya Dhamaan Saxaafadda iyo Ahkristayaashaba waan salaamyaa.

 

Sidaynu la wada soconay waa tii xisbigii UCID muran siyaasadeed ka dhacay, kadibna laba garab noqday. Gunaanadkii waa kii ku dambeeyay in garabkii Guddoomiye Faysal Sharciyan loo aqoonsaday, shirweyne qabsaday kadibna Jamaal Musharaxnimadiisii cirka loo diray. Waxaa inoogu dambaysay iyadoo garabkii Jamaal Guddi kooban magacowdeen si ay wadahadal ula furaan labda Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani si aakhirka ay mid ugu biiraan. Weli may caddayn halka ay ku biiri doonaan laakiin waxa suuqa ku jirta in Jamaal iyo intii ka tala qaadataa Kulmiye geedi u yihiin. Dad badan oo arimaha siyaasadda odorosa ayaa aad ula yaabay inay taasi dhacdo amaba dhici karto. Qaar kale waa ay ku dhiirigelinayaan inuu sidaas yeelo.

 

Inuu Jamaal Kulmiye Tago ama Waddani ku biiro maxay ku iman kartaa?. Haddaad adigu Akhriste ka soo qaado inad Jamaal laftiisa tahay ama kabihiisa xidhato, oo aad is weydiiso tolow halkeen ku birraa, dabcan arimo dhowr ah ayaa go’aankaagu ku xidhnaanayaa. Armahass waxaynu u kala qaadi karnaa saddex. Midda koowaad waxa weye: Waxyaabaha ama fursadaha Xisbi waliba soo bandhigi karo si uu usoo jiito Jamaal iyo taagerayaasha. Midda labaad waxa weeye Culayska ka imanaya taageerayaashiisa iyo Deegaamanda uu hayb ahaan kasoo jeedo. Midda saddexaadna waxa weeye, dadka aqoonyahanka ah ee isaga shakhsi ahaan u taageeri jiray iyagoon Xisbi iyo reer toona ahayn, kuwaas oo u badan dadka dibadaha ku dhaqan aman Diasporaha loo yaqaano. Saddexda arimood bal aynu mid mid usoo qabano:

 

FURSADAHA SIYAASIGA AH EE AY XISBIYADU SOO BANDHIGI KARAAN

KULMIYE: Xisbi Xaakimku isagu laba waxyaabood ayuu la shir iman karaa ama ku gorgortami karaa. Midda koowaad waa Qaabdhismedkiisa oo weli fursado ka jiri karaan .Tusaale ahaan weli Kulmiye lama bayaamin ninka uu noqon doono Musharaxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga Muuse dabadii. Inkastoo hirdan hoose guuxiisa beryahan damabe la sheego, haddana waa Balag la tusi karo Jamaal, isna uu dhegaysan karo. Fursadda labaad ee ay Kulmiye badka soo dhigi karaan waa iyagoo yidhaahda, dawladda dambe Wasiir “A” ah oo aan dhicin ayaanu kuu haynaa, imikana wixii bilaa camal ah kooxdaada horgalayaashooda ah waa meelaynaynaa. Iyana waa mid uu Ina Cali-Xussein dhegaysan karo.

 

WADDANI: Waddani isagu markay noqoto dhinaca qaab-dhismeedkiisa waxaad moodaa inuu iska buuxo, oo haykalkiisa sare ilaa ku xigeenada kursi walba cid baa ku fadhida. Ilaa hoggaamiye Xisbi ayaa la sameeyay, xataa Chief of Xisbi waa la magacaabay, markaa haddii qaabdhismeedkaas la taataabto oo korodhsiimo laga raadiyo, inay ka dartoba ayaa iman karta, oo tii Mr. Seed ayaa raadkeedii sii qoyanyahay. Dhinaca kale Waddani maadaama aanu Xukun gacanta ku hayn, balamo xilal ah isagu ma samayn karo, aan ka ahayn berigaynu helno ayaynu arimaha wanaajin doonaa iyo balanqaado aan imika waqtiga dhow ficil loo rogi Karin.

 

HOGGAAN-DHAQAMEEDKA: Iyaganua waa dhinac kale oo saamayn ku leh Siyaasadda Beelaha uu Jamaal Cali-Xussein kasoo jeedo. Marka hore intaynaan mawqifkooda siyaasiga ah falanqayn, waxaynu is weyndiinayanaa Maxaa muhiim ka dhigay Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Jamaal kasoo jeedo. Marka laga yimaado in Hoggaan-Dhaqameedka Somaliland dhamaan wada muhim yihiin dhinaca saamayntooda arimaha siyaasadda, Su’aasha jawaabteedu waxaynu ku soo kobaynaa “Waa muhimadda Dhaqaale iyo Istratijiyadeed ee Degmada Berbera iyo hareeraheeda. Tusaaleyaal kookooban haddaynu taataabano, waxaynu dib u xusuusan karnaa isku dhacii ka yimi in dib loo kiciyo Wershaddii Sibidhka ama mid cusubba la dhiso, waxaynu xusi karnaa goolaaftankii iyo iskahorimaadadii ka dhashay Ganacsato doonaysay inay Maxjar Xoolaha dhoofaya lagu caafimaadiyo samaystaan. Sheekadii Haammaha ku dar..Ceelgarde iyo isku dhacii ka dhashay dib u xasuuso iyo weliba tii DP World ee Dekadda la rabay in lagu ballaadhiyo….. Dhamaan mashaariicdaas Budhtuurkii golaha Xukummaddu waxay u maamuleen si Qarjajac badani ku jirtay. Caabbiga u weyn ee mar kasta Xukuumaddu wajahaysay waxay ahaayeen Guddiga Beesha ee lagu doortay Shikrii Dubur ee la yidhaa DAN & DUCO.

 

Qodobkan laftiisa (waa doorka Hogganka Odayaasha e) markaynu dhinac kale u rogno, waxaa jirta in Sanado doora Xukummadda iyo DAN & DUCO is riixriixayeen. Imika Xukuumaddu waxay garawsatay inaanay sidii hore, oo in badan u dhaci jirtay “Jiidhsiiya Hadal uun baa ka Dambayne”, wax laga beddelo. Musharxa Xisbiga Kulmiyena taa aad buu u garawsan yahay maadaama arrintii Mashruucii weynaa ee DP W orld la rabo inuu si wanaagsan inoogu hirgalo dhowaan, wixii qardoofooyin ka dhashayna gacanta la mariyo. Sidaas darted waxa jira bisayl arintaa la xidhiidha oo in badan oo shacbiga iyo dadka talada looga dambeeyaa doonayaan in isku dhac-dhaca Xukummadda iyo Deegaanka meesha laga saaro, wixii hore u dhacayna dib loo saxo. Arintaasina Jamaal Cali-Xussein saamayn bay ku leeddahay, inuu tixgeliyona meesha way ku jirtaa, waa haddii uu raadinayo inuu mar dambe Siyaasadda kusoo laabto. Horena waatii aynu u taabanay oo “Siyaasadda Somaliland-tu waa intaydii waan haystaaye wax iigu soo dara”.

 

Dhinaca Waddani iyo Hoggaan-dhaqameedkan Taageerada buuran ka haysta Deegaanka, waxa muuqata inaanu Waddani si fiican aanay jaanta isula helin, xataa Siyaasiyiinta ku jira ee deegankaasi, dad badani waxay u arkaan in aanay wax saamayn ah ku layayn Xisbiga, Hoggaanka Waddani-na kumuu dedaalin ama way hoos martay inuu Raggaas iyo Dumarkaasi Xisbiga uga muujiyo si dadku fahmi karo, taasina ma jirto amaba ma muuqato, hadday Mus-dambeed tahay iyo hadday Mus-horaad tahayba. Taas lafteedu waa arrin Jamaal ku keeni karta Culays kale, oo la weydiin doono kuwii horbe bilaale caddayn waaye –e adigu maxaad ka keeni kartaa. Isaguna Jawaabo imika u heli mayo, Waddanina fili mayo inay masalooyinkaas Jawaabahoodu usoo dhiibi karaan.

 

TAAGEERAYAASHA KALE (AQOONYAHANKA IYO DIBADJOOGA – DIASPORA)

Taageerayaashan oo ah Aqoonyahanka intiisa madaxa bannaan, Dhalinyarada, iyo inta badan Qurbe Jooga, waxa lasyku raacsanyahay inuu Jamaal ahaa Musharaxa taageerada ugu badan ka haystay. Dhinaca kale waxa la ogyahay in Dibadjoogu, marka laga yimaado inay dhaqaale samayn karaan, cod ma bixiyaan badankoodu, imikana qurbajooga diiwaangelintii ka qayb galay ma buurna ayaa la tilmaamaa. Midda kale markii Jamaal Musharaxnimadii laga dhaqaajiyay, taageerayaashani in badani wixii ay dan moodeen bay iska yeelen, waxa Jamaal kusii hadhayna waa tiro iska kooban, oo beeshiisa u badan sida la wada dareemi karo.

 

GEBAGEBO

Haddaba akhriste su’aashii aan mar labaad kugu soo celiyee, markaad duruufahaas kore eegto, adigoo halka Jamaal maanta taaganyahay is dhigaya, maxaad yeeli lahayd? Ma labada Xisbi baad ku biiri lahayd? Mise City Bank-aagii baad iskaga noqon lahayd? Mise si kale ayaad samayn lahayd? Akhriste adigu Fikirkaaga adigaa inoo Sheegi, anigase waxay ila tahay, Jamaal albaabada u furani waa xaddidan yihiin, culayska haystaana waa mid weyn, dagaalkii siyaasaddana waa lagaga guulaystay, weligeedbana nin laga gacansareeyay ama isdhiib ama sii mitid ilaa uu ka dhimanayo.

 

Sidaas Darteed, Arinta Jamaal Cali-Xussein waxay u muuqataa inuu dhinaca Kulmiye isaga dhaqaajin doono dhowaan. In kastooy sidaa u muuqato, haddana bal aynu eegno Usbuucyada soo socda siday giraanta Siyaasaddu isu bedesho.

 

Wallaahu Aclam

W/Q: C/raxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com

COMMENTS
LINKS