Milicsiga Waxqabadkii Marwo Shukri Harir Ismaciil Mudadii ay mid ahayd Golaha Wasiirada Xukuumada Axmed Maxamed Silaanyo. Qaybta Kowaad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milicsiga Waxqabadkii Marwo Shukri Harir Ismaciil Mudadii ay mid ahayd Golaha Wasiirada Xukuumada Axmed Maxamed Silaanyo. Qaybta Kowaad.
December 5, 2016 - Written by Editor:

Marwo Shukri xariir Ismail oo ah aqoonyahan iyo xeeldheere dhinaca saxaafada iyo horumarka bulshada, waxay bishii June 2013 qabatay xilka wasaaradda Arimaha Bulshada oo wasiir ku xigeen kanoqotey, Habeenkaa uu Madaxwayne Ahmed Maxamed Silaanyo uu u magacaabay Marwo Shukri Xarir, waxa aad u soo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwan sida Haweenka iyo dhallinyarada Somaliland, Siyaasiyiinta iyo ganacsantada Somaliland iyo cuqaasha iyo odoyaasha degaanada ay kasoojeedo (Sahil, Marodi-jeex, iyo Baligubadle), waxay intaasba ay qireen in marwo Shukri ay aad u sugayeen, iyagoo tahniyado iyo bogaadin lagu diirsaday isku waydaarsaday baraha bulshada, media tooska ah, iyagoo qaarkood u qabtey munaasibado lagu soodhawaynayo Marwo Shukri Xariir Ismaciil, waxay dhamaan qaybahaas bulshadu Madaxweynaha uga mahadnaqeen sida abaalka leh ee uu ugu magacaabey Marwo Shukri Jagadaasi. Marwo Shukri Xariri oo mudo labaatan sanadood kusoo jirtey adeega caalamiga ah ee samafalka bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo Hay`ad caalami ah maamuli jirtey, ayaa waxay mudadaas gacanta ku haysay mashaariic lagu horumarinayo caafimaadka gobolka Saxil, Togdheer iyo Marodijeex, iyadoo dhistey cusbitaalo, MCH-yo , Health post iyo Iskuuulo, shaqaale xirfadeysan tababaro u fidisay si ay social facilities ay samaysay uga shaqayn karaan, waxa goobaha miyiga ah ka hirgalisa adeega kaalamada Hooyada iyadoo miyigiga la geeyay Ambulances,   waxayna dhamaan mashariicdaasi yahiin kuwo illaa hada shaqaynaya oo abaal looga ahayo Marwo Shukri Xariir Ismaciil.

Hadaba Mawduucan waxaan kusoo qaadanaynaa qodobo ka mida waxqabadkii Marwo Shukri Hariir iyo Wasaarrada Arimaha Bulshada, qaybta xigtana Waxqabadkii Marwo Shukri Xariir Ismaciil iyo Wasaarada warfaafinta.

SHUGRI XARIIR

Dhinaca Wasaarada Shaqaada iyo Arimaha Bulshada

Ka hor intii wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqada loo soo magacaabay Marwo Shukri Xarir Ismaciil June 2013, waxay wasaaradu ku sugnayd xaalad maamul xumo oo shaqooyinku ayna u kala qoondeysnayn hawlwadeenada wasaarada, waxana mudadaas jirtey khilaafyo u dhaxeeya agaasime waaxeedyo, mudadaas wasaarrada waxay ahayd mid ayna shaqo, qorshayaal iyo maareyn sugan lahayn, oo hay`adahii dawlada, kuwa maxaliga ah iyo ku caalamiga ah ay kala xidhiidh furmeen, wasaarada waxa haysatay musuq maasuq baahsan, Hadaba markii ay timid Marwo Shukri Xariir, waxay soo celisay Haykalkii wasaaradda, waxay dib u eegtay dhamaan shuruucda iyo xeer hosaadyada wasaaradda, waxay diyaarisay human resources management system, finance and administration system, planning and implementation ,  Waaxyahii wasaaradu ka koobnaydna way dhistay waxayna ka dhigtay kuwo u adeegi kara bulshada si waafaqsan xeerarka dalka, Marwo Shukri Xariir Ismaciil iyadoo sii wada dadaalkeeda waxay isku dayday shaqaalaha inay tayayso oo qaar kamida tababaro ay u fidisey iyo kuwo jamacada dalka ay u dirtey si ay aqoontooda kor usoo qadaan, kuwo training iyo workshop ayaa loo qabtey, xiligaas Marwo Shukri Xariir wasaaraddii waxay ka dhigtey Hay`ada ugu wanaagsan wasaaraddaha dalka. Wasiirku-xigeenka Marwo Shukri Xariir Mudo aad ubadan ayay Xilka wasiirka wasaarada Arimaha Bulshada ku sime ka ahayd, kadib markii wasiirkii xiligaas Marxuum Garaad uu xanuun ku maqnaa. Taasina waxay keentay in Marwo Shukri Xariir Ismaciil ay si muuqata fursad ugu hesho inay horumariso wasaarada. Marwo Shukri Xariir waxay xaqiijisay inay adeega wasaaradda la gaadhsiiyo magaalooyinka dalka iyadoo xarumo/Xafiisyo cusub ka furtey degmooyinka-Somaliland halka kuwo hore u jireyna tayaysay. Marwo Shukri intii ay Gacanta ku Haysay wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqada waxay caawin balaadhan u fideysa caruurta darbi jiiftka ah iyo kuwa agoomada ah, iyadoo gacan buuxda oo kharash iyo material-ba leh ka gaysataya xarumaha agoomaha ee Somaliland oo ay ku jiraan xarunta Jigjigaya iyo ta Maxamed-mooge.

Waxqabadkii Marwo Shukri Xariir Ismaciil ee Wasaaradda Arimaha Bulshadu iyo shaqada hadaan sii gudagalno, waxay samaysay mashaariic shaqo abuur, waxay soo saartey baaqyo dhaqangal ah oo illaalinaya xuquuqda shaqaalaha Somaliland, Waxayna furtey Center Shaqo raadis iyo Library oo madaxwaynahu xadhiga ka jaray, Center-kaas oo dhalinyarada shaqo kaga raadsan karaan . Marqo Shukri Xariir Intii ay wasaaradda joogtey waxay kor u qaadmey xidhiidhka wasaaradda arimaha bulshada/shaqada iyo dhamaan muwaadinka Som

aliland ee shaqeeya iyagoo helay cid ka dhagaysata waxna ka qabta cabashooyinka ay qabaan ee khuseeya goobaha ay u shaqeeyaan, waxay xoojisay department-ka shaqaalaha. Marwo Shukri Xariir iyadoo gudanaysa waajibka dastuuriga ah waxay abuurtey Mashaariic shaqo abuur lagu dhiiri galinayo dhallinyarada, si loo yareeyo shaqo la`aanta, waxay abuurtey barnaamijyo illaa hada socda wasaarada Arimaha bulshada lagu yaraynayo Tahriibka.

LASOCO QAYBTA DANBE

COMMENTS
LINKS