Dhaawaca Siyaasaddeed Ee Ay Muuse Biixi Gaadhsiisay Isku-Shaandheyntii Madaxweyne Siilaanyo. W/Q: Mohamed Hassan Daacad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhaawaca Siyaasaddeed Ee Ay Muuse Biixi Gaadhsiisay Isku-Shaandheyntii Madaxweyne Siilaanyo. W/Q: Mohamed Hassan Daacad.
December 6, 2016 - Written by Editor:

Isku-shaadhentan uu Madaxweyne SIILAANYO ku sammeeyay Gollahiisa Xukuumadda,ayaa ahayd mid aad looggu dhegtaagayay billihii u danbeeyay,isla-markaasna ugu yaraan labbo jeer dib-u-dhac ku yimid,iyadda oo sababta dib-u-dhacaasna lagu tilmaamay inay ahayd is-waafajinta masaalixda ay kala wataan xubnaha Madaxweynaha ku xeer-san oo qollo walibba ay dhinaceeda awood fullineed oo siyaasi leedahay.

Muuqaalkii hore ee Dadka Siyaasadda Fallan-qeeya iyo Saxaafadduba ay ka haysatay Isku-shaandheyntan ayaa ahayd,inuu Madaxweyne SIILAANYO si furran uga jawaabi doono dalabaadka Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga taladda Somaliland haya ee KULMIYE,Muj.Muuse Biixi Cabdi,kaas oo si weyn u doonayay in la dhiso Xukuumad  gacan-yare u noqota Xisbigga KULMIYE,isla-markaasna si toos ah ay dhammaan Wasiiradda,agaasimayaasha guud iyo Maarreyayaasha Haay’addaha kaleba u fulliyaan qorshe Siyaasaddeed u degsan Hoggaanka sare ee Xisbigga oo  ku aaddan in masuul kasta oo Xukuumadda xil-ka-hayaaba uu daacad u noqdo ilaalinta Masaalixda Musharax Muuse,isla-markaasna uu deegaamadda ay matalaan ay ku qanciyaan sidii loo taageeri-lahaa Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga oo waajaha Siyaasadda Mucaaarad-nimmo oo xooggan oo  kaga imanaysa Xisbigga WADDANI,waxaana dadka  sidaas saadaalinayay ay ka shidaal-qaadanayeen Safaraddiii kala duwaanaa ee Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay,gaar ahaana kuwii uu ku tagay Dalalka ;Ingiriiska,Ethopia iyo Jabuuti oo u raacay Xafladdii lagu calleemo-saarayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,waxa kale oo Madaxweynaha u raacay Safarkii ay dhawaan ku taggeen Goboladda barrigga Somaliland,kaas oo Musharax Muuse siisay Fursad uu kula soo kulmo wax-garadka iyo Labbeenta Beellaha uu kasoo jeedo Madaxweyne SIILAANYO,taas oo ay u fududaynayeen xubno wasiirro ah oo Xukuumadda ka tirsani.

Haddaba,waxyaabaha la odhan karo waxay saamayn taban oo laf-jab ah ku ahaayeen Musharax-nimadda  Muuse Biixi Cabdi,ayaa waxa ka mid aha; Shaqo ka-eryistii Wasiirkii Wasaaradda Khayraadka Biyaha  ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Baashe Cali Jaamac,taas oo la sheegay inuu doonayay inuu Muuse Biixi Cabdi ku bedello Booskii uu banneeyay Xil.TALYANLE oo haatan ka tirsan Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu Muuse Biixi u arkayay inuu yahay Masuul wax-badan uga soo goyn kara Reer SOOL,marka loo eeggo saamaynta siyaasi iyo qalaan-qalka Bulsheed ee uu leeyahay,waxaana la sheegayaa inuu Muuse Biixi Cabdi si weyn uga  xumaaday xil-ka-qaadistii,iyadda oo xoggo kale sheegayaan in Kullan ay wada-qaateen Muuse Biixi iyo Baashe Cali Jaamac uu Musharax Muuse Biixi ka dalbaday inuu Xisbigga la-dhisto,isla-markaasna uu qaato Kursigga Gudoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbigga KULMIYE.

Dadka kale ee Jaggooyinka loo dhiibay farriinta cad u dirayeen Taageerayaasha Muuse Biixi Cabdi,ayaa waxa ka mid ahaa Siyaasi Axmed Maxamed Caalin (TIIM-BARO) oo uu Muuse Biixi u arkayay siyaasi uu ku beer-laxawsan karo Dadweynaha Gobolka HAWD oo xiliggii Madaxweyne Siilaanyo musharaxa Madaxweyne ahaa si weyn ugu coddeeyay,haatana aan u dhego-nuglayn turbaanadda madaxa Xisbigga KULMIYE,waxaana la sheegayaa inuu ka mid ahaa Siyaasi TIIM-BARO xubno uu Muuse Biixi u ballan-qaaday inuu xilal culus ka siin doono Xukuumadda haatan jirta,balse taasi may dhicin,waxaana muuqata inuu Madaxweyne SIILAANYO ku qancay in Xil Wasiir-nimmo uu qaato Khadar Xaaji oo ka tirsanaa bahda Waxbarashadda,arrintaas waxa la sheegay inuu si weyn uga cadhooday Musharax Muuse Biixi Cabdi.

Marka lasoo koobo,isku-shaandeyntan,ayaa halkii la-filayay inay Musharaxiinta Xisbigga KULMIYE wax usoo kordhiso,isla-markaasna lagu abaaro Deegaamadda AWDAL,HAWD Iyo Sallaxley,waxay kusoo idlaalatay u kala-hiilinta Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo danno aan dawli ahayn isku-haya,waxaana si aad ah looga dheehanayay isku-shaandheyntan is-muujinta Wasiirka Madaxtooyadda oo khilaaf ku aaddan cid Mustaqbalka dhaw lagu wareejinayo Gudoomiye-nimadda Xisbigga KULMIYE uu kala dhexeeyo Musharaxa haatan ee Xisbiggaaasi,Muuse Biixi Cabdi,waxaana haatan la-rajaynayaa inuu Muuse Biixi Jeexdo Siyaasad ka duwan tan haatan uu ku socda,taas oo keenaysa inuu iska-ururiyo Xukuumadda,isla-markaasna uu Xisbi-nimmo iyo Ballan-qaadyo Mustaqbal uu dadweynaha Cod ku weydiisto.

Dhamaad

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Suxufi,Qoraa ah,

Email:Daacad461@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS