“May Ahayn Inaad Qof Shacab ah Oo Aan Gacan Idiin Qaadin Aad Idinku U Qaadaan”. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“May Ahayn Inaad Qof Shacab ah Oo Aan Gacan Idiin Qaadin Aad Idinku U Qaadaan”.
December 6, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa,  (Wajaalenews) –  “May ahayn inaad qof shacab ah oo aan gacan idiin qaadin aad idinku u qaadaan” Sidaa waxa yidhi Faysal Xiis oo ah taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka bileyska Somaliland oo la hadlayay askar garaacday, isla markaana xabsiga dhigtay nin shacab oo qurba joog ah, ka dib markii ay ku murmeen liisan uu sitay bishii September ee ina dhaaftay.

Ninkani waxa saldhiga ugu yimid, taliyaha Laanta Nabadgelyada wadooyinka ee ciidanka bileyska Somaliland Faysal Xiis, waxaanu waraystay askartii iyo ninkii qurba jooga ahaa, markaa ka dib waxa soo baxday in la isku qabsaday in laba askari oo ciidanka nabadgelyada wadooyinka ahi ay joojiyeen ninkani, isla markaana ay weydiiyeen liisankiisa. Ninkani waxa uu la soo baxay Liisan uu debada kala yimid oo baabuur wadista ahi, balse labadii askari waxa ay ku doodeen in aanu sax ahayn ee laga rabo Liisanka baabuur wadista ee Somaliland. Markii ay muddo murmeen ayaa mid ka mid ah labadii askari gacanta u qaaday ninkii qurba jooga ahaa, halkaasi waxa ka dhacay gacan ka hadal labada dhinacba khasaare dhaawacyo fududi soo gaadheen, waxaana ninkii Qurba joogga ahaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee Hargeysa.

Markii uu doodii labada dhinacba dhegeystay taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka Somaliland, waxa uu ku qancay in labada askari ay ka gar-darnaayeen ninkani qurba jooga ah, maadaama oo ay iyagu gacanta kaga horeeyeen, waxaanu amray in ninka qurba jooga ah la sii daayo, balse mid ka mid ah labadii askari ayaa yidhi. “La iga sii dayn maayo oo dhaawac baan qabaa”, laakiin Taliye Faysal waxa uu ugu jawaabay “Qof shacab oo gacanta loo qaaday, isla markaana liisan la soo baxay, ma garanayo sharci uu ku xidhnaado, balse waxa aan qabaa inaad iska heshiisaan, haddiise aad dacwad u qabto soo oogo waanu kuu xidhnaan, balse haddaba waxaan kuu sheegayaa in aadan waxba ku helayn”.

taliye faysa xiis

Dhaawucu kuma koobnayn oo keli ah askarta, balse ninkan qurba jooga ah laftiisa waxa soo gaadhay dhaawac, waxaanu isagu yidhi. “Anigu cidna waxba uma haysto, waana iga saamax”.

Arrintani waxay keentay in labadii dhinac halkii ku heshiiyaan.

Haddaba talaabooyinka noocan ayaa ka dhigay Faysal Xiis in dadka qaarkood ugu yeedhaan taliye maahee waa hage. “Taliye maaha Faysal, balse waa hage” waxa sidaa yidhi, Weriye Ilyaas Cabdi Cali oo ka waramaya hab-dhaqanka uu ku arkay taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka Somaliland. Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Marka aad aragto, isaga oo meel ka shaqaynaya wadooyinka Hargeysa, uma diro askartiisa, balse markiiba isaga ayaa horgelaya oo baabuurta kala hagaya, way yartahay inta uu xafiis fadhiistaa, mar walba waxaad arkaysaa isaga oo waddo taagan”.

Sidoo kale, Faysal Xiis maaha oo keli ah taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka, balse waa afhayeenka ciidanka bileyska, isla markaana waa qareenka bileyska marka dacwadaha loo qabsado.

Saddexdani xil ee uu isku hayo, iyo horkicista hawlgalada banaynaynta wadooyinka xilliyadda ugu saxmadda badan magaalada Hargeysa waxay ka dhigeen in loogu yeedho hagge. “Haddii aad 11-ka ilaa 12:30-ka subaxnimo marayso agagaarka khayriyadda Hargeysa waxaad arkaysaa isaga oo taagan oo kala hagaya isaga laftiisu baabuurta” Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha Hargeysa.

Hase yeeshee, isagu keli kuma aha, hawlaha noocani oo kale ah, waxa kale oo iyaguna saacadaha ugu badan shaqeeya oo ka mid ciidanka nabadgelyada wadooyinka ninka la yidhaahdo Maxamuud oo arroorta marka uu salaadda subax soo tukato ka tagga xafiiska oo ku taala agagaarka moofadda Cabaaye, una lugeeya ishaaradda madaxtooyadda horteeda. “Waxa uu yimaadaa salaadda subax ilaa 6:30=subaxnimo ayuu halkaasi ka shaqeeya. Intaa ka dibna waxa uu taggaa isgoyska Komishanka doorashooyinka, halkaasi oo uu joogo ilaa kowda maalinimo, ka dibna waxa uu soo noqdaa marka uu salaadda casar soo tukato, ilaa sideeda habeenimo ayuu halkaasi ka shaqeeya” Sidaa waxa yidhi mid ka mid dadka degan xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa.

Marka ay ciidanka bileysku si hufan u gutaan shaqadooda waxa ay horseedaa in dadku dareemaan cadaalad iyo degenaan, isla markaana waxa ay kordhinaysaa kalsoonida bileyska iyo dadweynaha ka dhaxaysa.

sidoo kale waxa xusid mudan, in Sarkaal kale oo magaciisa la yidhaahdo, Khaliif oo isaguna istaaga ishaaradda madaxtooyadda Somaliland oo uu isagu dhaafiyo dadka jilicdasan wadada oo ah ta halbawlaha, isla markaana uu ka ag-dhawyahay cisbitaalka dhimirku.

Ujeedada aanu maqaalkan ka leenahay waxa weeyi oo keli ah inaanu ku dhiirigelino hawlqabadka wanaagsan ee ay muujiyeen, si loo koriyo kalsoonida shacabku ku qabaan bileyska.

Ugu dambayn waxa iyaduna ahayd talaabo wanaagsan abaalmarintii madaxweynaha Somaliland siiyay laba askari oo bileyska ka tirsan oo dad daad qaaday ku badbaadiyay magaalada Dila.

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS