Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu Waxay u dhaqmaan sidii qawleysatadii Haysan jirey Dalka (South Africa) Ee ku Caan Baxday Gumeysiga Cunsuriyada ku Salaysan, W/Q: Muj” Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu Waxay u dhaqmaan sidii qawleysatadii Haysan jirey Dalka (South Africa) Ee ku Caan Baxday Gumeysiga Cunsuriyada ku Salaysan, W/Q: Muj” Cali Xaraaro
December 6, 2016 - Written by Editor:

Waxay Labaduba iska Metelaan, kala qoqobka shacbiga, Boobka hantida macdanta iyo Khayraadka dalka ku jira,  Gumeysiga xaga caloosha iyo Carabka iyo weliba xoog leysku Muquunsho waxba kuma kala Duwana xisbiga Kulmiye iyo kuwii Haysan jirey dalka (South Africa)

Sida ka muuqata habka maamul Iyo kala sareynta dadka xisbiga Kulmiye kuwada jira inaanay u  Sineyn xaga kursiga murashaxa

M/weynaha ee xisbiga Kulmiye

Ama xaga kala saraynta golaha Xukuumadaba, tusaale ahaan Markii Axmed Siilaanyo ku Dhawaaqay inuu ka tanaasuley jagada murashaxa m/weynaha ee Xisbiga Kulmiye waxa la filayey

Inuu ku ruqaan sandoono  ku Xigeenka m/weynahu mr Seylici Hase yeeshee may dhicin waxaana Noqdey nin aan m/weyne ku Xigeen ahayn Muuse Biixi isla Markaana doorashadii golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ku doortay labada Murashax waxa ka Soo dhex baxday mr Seylici iyo Gobolka uu ka soo jeedaa iney mar Walba ahaan doonaan ku xigeenka

Murashaxa koowaad isla Markaana Waxa cadaatay iney cid gaar ihi  Iska leedahay kursiga murashaxa M/weynaha ee gudaha Xisbiga Kulmiye, halka xisbigii (Udub) AHN markuu geeriyoodey Marxuum Cigaal u doorteen ku xigeenkii  Daahir Reyaale Kaahin,

Ku darsoo golaha wasiirada ee Xukuumada ayaan loo sineyn xaga Wasaaradaha, tusaale ahaan Wasaaradaha kala ah, Maaliyada, Madax tooyada, Macdanta, iyo Hawlaha guud oo ay la socoto

Hay”ada wadoonku waxa mar kasta Iska leh kuwa kursiga murashaxa

M/weynaha iska leh,

Mana jirto cid kale ama wasiir Kasoo jeeda meel kale oo hungiri

Ka geli karaa afartaa wasaaradood,

Waxa kaloo xusid mudan in la dul Joogsado umadan kuwada nool Dalkan JSL qaar kood ayaan Laguba soo darin galaha wasiirada Ee xukuumada Kulmiye hadii lagu Soo darana ma dhaafaan wasiir ku Xugeen, waxa iyaduna aan meesha Laga saar karin sida xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisuba ay Caloosha iyo carabka uuga

Gumeysteen qaybo ka tirsan Bulshada, waxaad arkaysaa rag ay Xilkii ka qaadeen oo weliba si xun Loo aflagaadeeyey oo hadana dhex Jooga m/tooyada ama TVga ka Amaanaya kuwii sidaa u galay,

Waxaad arkaysaa dhalin yaradii ka Soo qalin jibisey jaamacadaha oo Basaasiin laga dhigtey, waana Nidaamkii qoleysatadii South Africa kula dhaqmi jirtey shacbiga,

Si kasta wax ha u jiraane Cunsuriyada xisbiga Kulmiye Ayaanay ka muuqan xisbi ku yimi Doorasho, waxaan ku soo xidhayaa Qoraalka, rejeda sii jirtaanka JSL Iyo sii wada jooga shacbigu waxay Ku xidhan tahay xisbiga Kulmiye oo Ku dhaca farta iyo codka shacbiga.

COMMENTS
LINKS