Dhalinyartii Somaliland Halkaasay Maraysaa Waajibka u Yaalana Maba oga. Qarnigii 21aad iyo Xaaladda Dalkoodu ku Sugan Yahay! Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyartii Somaliland Halkaasay Maraysaa Waajibka u Yaalana Maba oga. Qarnigii 21aad iyo Xaaladda Dalkoodu ku Sugan Yahay! Muj Cali Guray
December 6, 2016 - Written by Editor:

Dhalinyartii Somaliland halkaasay maraysaa waajibka u yaalana maba oga. Qarnigii 21aad iyo xaaladda dalkoodu ku sugan yahay inay wax iska waydiiyaan ama ka sheekaystaan waxa kala muhiimsanaatay reer hebel baa beri geel qaaday iyo reer hebel baa geel beri laga qaaday iyo beri baa reer hebel loo gabayay iyo wax xataa aanay runteeda hayn.

Hadii loo sixi lahaa waxanad garan karayn waxa ay ku falayaan iyo waxa ay ka faaiidayaan. Aad baan ugu faraxsanahay in aanan maanta dhalinyaro ahayn oo aanan ka mid noqonin kuwan ee aan kuwii hore ka mid ahaa. Sidaanu u fakari jirinay iyo waxanu ku fakari jirnay markii aanu dhalinyarta ahayn iyo kuwan maanta jooga waxay ka fakirayaan ee wakhtigooda ku luminayaan marka aan eegay aad bay u kala fog yihiin.

Malaha way ka nasiib wanaagsan yihiin kuwii hore ee wakhtigayagii iyo xiligii Siyaad Bare. Iyaga oo Hargeysa jooga oo u dhashay oo ku dhashay ayaanay hadana ku noqon muwaadiniinta derajada 2aad(second class citizens) oo kuwo aan u dhalan oon ku dhalanina ku noqon muwaadiniinta heerka derajada 1aad( first class citizens). Markaa waa nasiibkood oo waxa aanay arag wax iyaga iyo inta ku xeeran dhaafsiisan.

COMMENTS
LINKS