Muj Cali Guray Oo ka Hadlay Siyaasiyiin Garabkii Jamaal Cali Xuseen Kamida Ahaa Oo ku Biiray Xisbiga Wadani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo ka Hadlay Siyaasiyiin Garabkii Jamaal Cali Xuseen Kamida Ahaa Oo ku Biiray Xisbiga Wadani.
December 7, 2016 - Written by Editor:

DHAMAYSTA WAREERKA HORAAN U DHIGTEE!! Cali Guray

Rag siyaasi wada noqoy

Ninba taanu suurayn

Yidhi anigu aan saxo

Shakhsiyaadkan gartay iyo inta ay waddani ku biirin karaane bal aynu eegno dadka iyagu ay siyaasiyiinta u yihiin ama meel iyaga u sii fadhfadhiya ee go’aankooda ku qasban inay qaataan.

Intii Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen taageersanayd iyo waxgaradkoodii kuwani u talin maayaan ee iyaga ayaa taladooda leh. Halka ay usha ka goynayaan way garanayaan hadii Musharaxnimadii Jamaal ay meesha ka baxday albaabka u furan ee kale. Geeljiruhu isaga oo usha halka uu ka goynayo garanaya ayuu yidhaa halkeen ka gooyaa. Anigu inta ugu badan een ogahay taladoodu tan maaha. Waxay waddani ku raacaan oy u sheegi karaan oon ahayn Muuse Biixi nacaybna ma jirto. Waana sababta keliya ee go’aanka shakhsiyaadkan aniga iiga muuqda xataa Waddani jacayl iyo Cirro jacayl midna maaha. Markaa anigu waxan saaxiibadaydii ucid leeyahay DHAMAYSTA WAREERKA HORAAN U DHIGTEE.

Mujaahid Muuse Biixi shakhsi dhaama oo maanta la tartamayaa in aanu jirin ayaan anigu aaminsanahay dadka Somaliland inta ugu tirada badanna way qabaan oo waan la qabaa lakiin Muuse-diidku way jiraan qofkii aan Muuse ahaynba iyaga way ugu dhan tahay xataa hadii ay ogyihiin inu ka liito Muuse . Kuwaasi dan qaran kuwo ka talinaya maaha. Markaa habartu iyadaa iska hawhaw lehe dheg ha u dhigina inaga heeladeena inoo tuma. Miidaankuna wuu furan yahay

COMMENTS
LINKS