XOG CULUS; Magacyada Xubno Ganacsato ah oo Hayb Ahaan Olole Culus Ugu jira Taageero Uraadinta Xisbiga Wadani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOG CULUS; Magacyada Xubno Ganacsato ah oo Hayb Ahaan Olole Culus Ugu jira Taageero Uraadinta Xisbiga Wadani.
December 8, 2016 - Written by Editor:

MA DHABAA IN XUBNAHAN GANACSATADA AH EE U XUUBSIIBTAY TAAGEERADA XISBIGA WADANI AY QORSHAYNAYAY ARIMO CULUS OO LID KU AH QARANIMADA SOMALILAND??

Hargaysa (W,N) Tan iyo mudadii la aas aasay xisbiga mucaaridk ah ee wadani oo iyagu ahaa ururka kaliya ee u ka soo gudbay  xisbiyadii ku tartamayay sadexda xisbi qaran ee doorashadii dawladaha hoose ayaa marba marka ka danbaysa waxaa isa soo taraysa taageerada u ka hayo shacbiga Somaliland kaasi oo ka duwan habka uu taageerada u raadsanayaa sidii looga bartay asxaabtii hore dalka uga tartantay  doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka soo qabsoomay oo qaarkood ku guulaysteen, Balse qorshaha  xisbiga wadani ayaa ah mid ay iniintiisu  tahay qabyaalad iyo aragti salka ku haysa mabaadiid hoosta ka xidhiidhsan.


ganacsade colaad

Hadaba waxaa mudooyinkii u danbeeyay oo loolanla asxaabta Somaliland kor u kacay xafiiltan culusina ka dhex bilowday xisbi xaakimka kulmiye iyo wadani oo xilgan ah labada xisbi ee kubadu dhextaalo, Ayaa waxaa safka hore ee ololaha xisbiga wadani lagu arkay xubno ganacsato ah oo can ka ah Somaliland ,kuwaasi oo sida la sheegay xisbiga wadani ku taageeray hab qabiil kaasi oo ay kusiiyaan dhaqaale iyo sidoo kale ay sitoosa ugu jiraan sidii ay taageero ugu keeni lahaayeen xisbiga Sidoo kale ganacsatadan ayaa bilaabay in ay hadh iyo habeenba ku hawlan yihiin qorshayaal salka ku haya in ay xataa goobahooda ganacsiga ay ka bilaabaan ololaha

xubno reer ah

Dhanka kale ganacsatadan oo uu hormuud ka yahay mulkiilaha Huteelka Ambasador ayaa waxaa ku weheliya Xubno kale oo ay ka mid yhiin ganacsade Maxamed Baar jeex, ganacsade Colaad oo sida xoganahi tibaaxeen isagu ka mida nusdanbeedka xisbiga ah xubnaha isagu xiligan bilaabay qorshaha ah in la diyaariyo wax kasta oo xisbiga wadani ku heli karo hanashada kursiga dalka ugu sareeya kuwaasi oo qaarkood noqon karaan kuwo qaranka halis ku ah abuuri karana iyo colaad sokeeye.

Si kastaba ha ahaatee xisbiga Wadani ayaa hore sida fiinta uga qaylin jiray kuna eedayn jiray xisbul xaakimka Kulmiye in uu dabada ku hayo ganacsato reer jabuuti ah waxaanay tani ku noqonasaa xisbiga Wadani dhirbaaxo wayn oo soo gaadhay karaamada iyo sharaftii xissbi mucaarad lahaa

LASOCO  XOGO KALE OO MUHIIMA SHIRARKII UGU DANBEEYAY EE AY ABAABULAAN XUBNAHANI.

 

WAJAALENEWS DESK ‘

HARGEISA OFFICE

QALINKI GARYAQAAN NUUR CILMI

EMAIL;cilmi111@gmail.com

COMMENTS
LINKS