Jidkuu Gudoomiye C/raxmaan Cirro U Soo Maray Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Muxuuse Ka Ahaa Xukuumadii Soomaaliya Burburkii Ka Hor. FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jidkuu Gudoomiye C/raxmaan Cirro U Soo Maray Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Muxuuse Ka Ahaa Xukuumadii Soomaaliya Burburkii Ka Hor. FAALO
December 8, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Geed walba in gubtaa hoos taalee waxay maanta Diirada Qoraagu saaran tahay Aasaasaha Koowaad ee  Xisbiga Mucaaradka  Wadani ahna Murashaxa  Madaxwaynaha  Xisbiga Wadani  ahna  Gudoomiyahii ugu mudada dheer  ee  Golaha Wakiilada soo mara sida ku cad Sooyaalka C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro  Sanadkii 1981 waxuu  noqday Madax Qaybeed  Waaxda Iskaashiga iyo Dhaqaalaha ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya  halka Sannadkii 1988 uu u dalacay Qusulka Koowaad  Safaarada Soomaaliya ee Ruushka  isagoo Xillkaa hayay ilaa 1991 burburkii Soomaaliya ka dib  mar kale C/raxmaan Cirro waxuu Shann Sanno ahaa sii hayaha Safaarada Soomaaliya ee Ruushka .

ciro

1996 ilaa 2001 Gudoomiyaha Golaha Wakillada sida ku cad Sooyaalkiisa  waxuu  daganaa Dalka Finland isagoo shaqooyin kala duwan ka soo shaqeeyay sida Xoghayaha Soomaali Social Democratic Party , Hanti Dhawre Hay”adda  Immigration forum Finlad, Project Assistant IOM Finland mar kale waxuu ka mid ahaa Aasaaseyaashii  Xisbiga Ucid isagoo noqday Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Ucid iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid.

Sidoo kale Aasaasaha Koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ahna Murashaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro waxuu Safka hore kaga jiraa Siyaasiyiinta aan halgankii dib u xoraynta Qaran ee SNM hormoodka ka ahayd aan kaga qayb galin DAREEN,DOOD,IYO DEEQ midna marka si qoto dheer loo lafo guro Sooyaalka Taariikheed  ee Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani waxaa iswaydiin mudan Xidhiidhka ka dhexeeyay Kalidii Taliyihii Siyaad Bare ee Darajada Qusulka Koowaad  Safaarada Samaaliya ee Ruushka   u magacaabay Sannadkii 1988 oo Kalidii Taliyihii Siyaad Barre  amar ku bixiyay in Diyaaradaha Dagaalku  ay Bamka la dhacaan oo ay Xasuuqaan Shacabka S/land ee Magaalooyinka Burco, Hargaysa iyo Barbera?

Mar kale Muwaadiniinta Arimaha Siyaasada sida joogtada ah  ula socdaa waxay aad ugu dhaliilaan in C/Raxmaan Cirro uu safka hore kaga jiro Siyaasiyiinta Damaca Kursigu keenay S/land balse Mabda ahaan Aaminsan  Midnimada Soomaali wayn iyadoo Eedaa culus marag cad looga dhigayo in C/raxmaan Cirro  Maskaxdiisa iyo Maankiisu uu Shan Sanno ka dib Burburkii Soomaaliya uu Xillka sii hayay Aaminsanaana  Midnimada Soomaali wayn mar kale Gudoomiye Cirro waxuu safka hore kaga jiraa  Siyaasiyiinta yagleelkii Dawladnimada S/land aan Dalka iyo Dadka S/land hunguri kaga jirin ee Aaminsanaa in S/land Cagaheeda isku taagi karayn   .

Mar kale Muwaadiniinta Arimaha Siyaasada sida joogtada ah ula socdaa waxay aad ugu dhaliilaan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro in uu yahay Siyaasi aan curin lahayn oo Fahanka Siyaasada ka dabran kuna Fashilmay  Kaalintii Hogaamineed ee Golaha Wakiilada iyagoo Dhaliishaa Culus  Marag cad looga dhigayaa  in aanu Xilldhibaanada Golaha Wakiilada u jeedin Qudbad Dareen Wadaniyadeed Xambaarsan oo  Xilldhibaanada ku Baraarujinayo kuna dardar galinayo gudashada Xillka Qaran ee saaran iyo ka fogaanshaha  Laaluushka oo Golihii Wakiilada ka dhigay mid Caqliga, Curinta ,iyo Daacadnimada ka dabran oo Xillgudasho la”aani dhaxal siiyay .

Akhriste  Hadii aan mooganahay Mudo Kow iyo Toban Sanno ah uu Xillka hayay Gudoomiye Cirro ma haysaa Cadaymo cad oo muujinaya Qudbad dareen Wadaniyadeed Xambaarsan  uu u jeediyay  Xilldhibaanada Golaha Wakiilada isagoo ku baraarujinaya kuna dardar galinaya Gudashada Xillka Qaran ee ay hayaan iyo ka fogaanshaha Laaluushka  ? Mar kale Akhriste hadaan mooganahay  ma haysaa cadaymo cad oo muujinaya in Gudoomiye C/raxmaan Cirro Halgankii dib u xoraynta qaran ee S N M Hormoodka ka ahayd kaga qayb galay Dood, Dareen iyo Deeq mid uun ? Mar kale Akhriste ma haysaa Cadaymo cad oo muujinaya in Gudoomiye C/raxmaan Cirro in uu ka qayb qaatay Yagleelkii ama dhismihii Dawladnimada S/land ? Hadii aanad hayn Cadaymo cad ma mudanyahay in uu madaxwayne ka noqdo Jamhuuriyada S/land C/raxmaan Cirro ?

Sidoo kale Murashaxa Madaxwaynaha  Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro  waxaa  lagu dhaliilaa in uu Sabobay in Golihii Wakiilada u horeeyay ee Bulshada S/land Codkooda si toosa ugu soo doortaan uu noqdo Golihii Baarlamaanka ee ugu talada xumaa, uguna tayada xumaa, uguna mudada dheeraa  ee soo mara S/land iyadoo Dhaliishaa culus marag cad looga dhigayo in Gudoomiye Cirro uu ka danaystay Hogaamintii Golaha Wakii;da Guulo Siyaasiyana uu ka gaadhay  halka ay ahayd in Golaha  Wakiiladu ay u shaqeeyaan Bulshadii soo dooratay oo soo saaraan Xeerka lagu soo dooranayo Golaha Wakiilada , Xeerka kala xadaynta Dagmooyinka iyo Gobolada,  Xeerka Shaqaalaha Rayidka ,Xeerka kala Xadaynta Ganacsiga , Xeerka wax soosaarka beeraha ,Xeerka Dhulka iyo Lahaanshihiisa , Xeerka Taawarada  Isgaadhsiinta ee Magaalooyinka Gudahooda lagu Taagay,iyo Xeerar Kale oo Qeexaya  Horomarinta Nolosha Bulshada Danyarta u badan ee S/land .

Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jiree Gudoomiye C/raxmaan Cirro waa Siyaasi lagu Dhaliilo in uu  Caqliga iyo Curintaba ka Dabran yahay .

La Soco Qaybaha Danbe Ee Qormooyinkan  Oo Aan Ku Falanqayn Doono Jidka Gudoomiye Cirro U Soo Maray Damaciisa Siyaasadeed Ee Murashaxa Madaxwaynaha.

Akhriste Aragidaadu Waa  Muhiim Si Aanu U Ogaano Qaladaadka Ku Jira Qoraalkan Dooda Qalin Maalkuna U Noqoto Mid Isa Saxda Oo Toosisa Saaxada Siyaasada.

 

WARIYE CABDIQAADIR CABDIRAXMAAN HABANE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS