Waa Maxey Sirta Ka Dambeysa In Ganacsadaha Reer Jabuuti Kiish Lacag ah Kula Dhex Wareego Siyaasiyiinta Somaliland Si Loo Wiiqo Dimuqraadiyada!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maxey Sirta Ka Dambeysa In Ganacsadaha Reer Jabuuti Kiish Lacag ah Kula Dhex Wareego Siyaasiyiinta Somaliland Si Loo Wiiqo Dimuqraadiyada!!
December 22, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Tan iyo intii laga soo gudbey habdhicii hore ee nidaamka Dimuqraadiyada Doorashooyinka Somaliland ee Xisbiga Kulmiye ku qabsadey talada dalka,waxa si badheedhe ah banaanka ugu soo baxdey kiish lacagta adag ee dollarka Mareykanka ah oo nin Ganacsade ah oo Reer Jabuuti ahi Maxamed Aw Siciid Geedi kula dhex wareegayo Siyaasiyiinta Somaliland taas oo uu ku doonayo in uu ku dirqiyo in ay ku bedeshaan mowqifkooda Siyaasadeed isagoo si aan qarsoodi laheyn ugu tilmaamaya in ay ku taageeraan dhinac kamid ah dhinacyada ku loolamaya tartanka Siyaasadeed ee xiligan.

geedi

Talaabadan qaawan ee Ganacsadaha Reer Jabuuti Maxamed Aw Siciid Geedi oo mudooyinkii u dambeeyay su,aal adagi ka joogtey islamarkaana uu ku waajahey Siyaasiyiin badan oo damiirkooda iskaga qabtey in ay lacag ku badeshaan masiirkooda sida Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,,Axmed Xaaji Cabdilaahi (Xamarje),iyo rag kale oo badan halka kuwa kalena ay ku badesheen islamarkaana, ay aqbaleen in lacagtaasi lagaga badesho damacoodii iyo masiirkoodii ayaa hadalheyntoodu sii xoogeysaneysaa iyadoo aan la garaneyn ujeedooyinka dhabta ah ee ka dambeeya iyo halka ay salka ku hayso xaqiiqdeeda rasmiga ahi  maadaama Dawllada Jabuuti Somaliland dhinacyo badan cadow uga tahey khusuusana marka dib loo jaleeco fikradaha khusuusiga ah ee madaxa Jabuuti ka aaminsan tahey in Somaliland iyo Soomaaliya isku ahaadaan dalweynihii hore ee Soomaaliya la isu odhan jirey iyo waliba istaraatijiyadaha dhaqaale ee Dekedda Berberi halbowlaha u tahey.

Hadaba Waxa Ay Dadweyni badan oo Reer Somaliland isweydiinayaan muxuu u gawracayaa Dimuqraadiyadii ka hana qaadey Somaliland oo Geeska Afrika oo dhan soo jiidatey,waxaana xiligan taagan dacwad adag oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ka gudbiyay  oo ka dhan ah Ganacsadahaasi iyo siraha ku lamaan talaabooyinka qaawan ee uu ku dhaawacayo Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland,taas oo qeyb ka ah arimaha ay xiligan u gudbiyeen beesha Caalamka  …………………Lasoco Qeybaha dambe ee Qormadan oo aanu idiinku soo gudbin doono xogo badan iyo sirta ka dambeysa qorshaha Ganacsadahan iyadoo ku qoran luuqada Af ingiriisiga iyo Afsoomaaliga labadaba.

arimo badan kusoo bandhigi doono.

 

XIGASHO HADHWANAAG NEWS

 

COMMENTS
LINKS